HomeAgoontii Aabahood La Dilay Ee Ilma Cisman Cumar-jeex Ayaa Iyagoo Ka Tiiraanyeysan...

Agoontii Aabahood La Dilay Ee Ilma Cisman Cumar-jeex Ayaa Iyagoo Ka Tiiraanyeysan Muquunin Ay Sheegeen Inuu Ku Hayo Gudd Maxkamadda Sare Qaylo-dhaan U Diray Madaxweynaha & Bulshada S/land.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

abuhurayraAnnaga oo ah agoontii dhibbanayaasha ahayd ee uu ka tagay Naxariistiisii Janno Ilaahay haka waraabiyee Marxuum Cismaan Cumar Ismaaciil oo 22/02/2005-tii dablay hubaysani ay dharaar cad dil badheedha oo shir-qoolaysnaa ugu geysteen magaalada Hargeysa gaar ahaan agagaarka xarunta Idaacadda Radio Hargeysa.

Dilkan oo aad iyo aad u fool-xumaa si weyna looga argagaxay, isla markaana caynkiisa oo kale uu Naadir ku yahay dalka, ayaa ka qoys ahaan nagaga tagay dhaawacyo culus oo jidheed iyo maskaxeedba, waxaana haatan mid ka mida hablahayagu ay ku wayday qayb ka mida laxaadkeedii.

Labo ka mida gacan-ku-dhiiglayaashii dilkan geystay waloow uu mid ka mid ahi baxsaday ayaa la horgeeyey maxkamadda. Waxaanay maxkamadda gobolku kii baxsaday iyo kan xidhanba ay ku xukuntay Dil toogasho ah, sida ku cad xukunka summaddiisu yahay MGH/DDL/152/2005 ee soo baxay 12/12/2005. Muddo 8 (Sideed) bilood ah oo kiiskani uu ku jiray Maxkamaddii Racfaanka kadib  waxay gacan-ku-dhiigle Xasan Cabdi C/laahi xukunkiisii hore ee dilka ahaa ugu bedeshay XABSI-DAA’IN, sida ku cad xukunka summaddiisu yahay MRH/D-DRL/06/2006 oo soo baxay 16/08/2006. Muddo 16 (Toban Iyo Lix) bilood ah oo Kiiskani sidoo kale ku jiray Maxkamadda Sare oo go’aanka kama dambaysta ah lahaydna, waxay waafaqday go’aankii ama xukunkii Maxkamadda Racfaanka ee ahaa XABSI-DAA’NKA, sida ku cad xukunka summaddiisu yahay MS/C/48/06 oo soo baxay 01/12/2007.

Inkastoo cadaalad-darro ka tirsanaynay go’aanka maxkamadda racfaanka iyo maxkamadda sare, oo aanu ku qanacsanayn una aragno inuu cadaalad u dhacay xukunkii maxkamadda gobolku, hadana dantu waxay nagu khasabtay in aanu sidaasi ku qanacno. Sidiibaanu kiiskii kusoo af-jarmay.

Haddaba, muddo dhawr sanno ah kadib, waxaa nalagu soo kiciyey duufaano shir-qoolaysnaa, oo la doonayey in lagu Fakadsiiyo, gacan-ku-dhiiglaha xidhan ee xabsi-daa’inka ah. Shirqooladaasoo ay ka dambeeyeen xubno aan tuhunsannahay, inay lug weyn ay ku lahaayeen isla shirqoolkii aabahayo lagu khaarajiyey.

Odayaal la abaabulay oo si qaldanna wax looga dhaadhiciyey, ayaa la damcay wax lagu sheegay Magtii dhiigga aabahayo in lagu wareejiyo. Waxaana raggii waxaasi waday u sheegnay Wax Mag ah in aanaan qaadanayn, isla markaana aanay cidina noo qaadi karin.

Markii dhag-jalaq lanoo siin waayey ayaanu maxkamadda iyo Xeer ilaalinta Qarankaba u gudbinnay warqad nootaayo ah oo aanu ku caddaynayno go’aankayaga, oo ku caddaa warqadda Nootaayada ah ee summaddeedu tahay QPN/Ref.No: 3271/12 oo ku taariikhaysnayd 04/03/2012. Taasoo nuxurkeedu ahaa sida aanu uga midaysannahay wax Mag ah in aanaan ka qaadan dhiiggii Aabahayo, kana qaadan doonin. Isla markaana aanay jirin cid na metesha oo aanu wakiilanay.

Odayaashii Shir-qoolkan tooska ugu jiray iyo kuwii gadaal kasoo riixayeyba waxay in muddo ah oo aan fogaynba oo qiyaastii sannad gaadhaysa ku noq-noqonayeen maxkamadda sare, oo kiiskani ka dhammaaday 5 (Shan) sanno ka hor. Waxaana 14/09/2012-kii noo yeedhay guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isagoo noo furay hoolka weyn ee dacwadaha lagu qaado, waxaana ku weheliyey guddoomiye-xigeenka iyo Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda Sare. Sidoo kalena waxaa goob-joog ka ahaa Xeer Ilaalinta Qaranka. Dhanka kalena waxaa heegan ku ahaa Shirqool-wadayaashii oo soo dhoob-dhoobay been-abuurad ah Mag-bay qaateen.

Maxkamaddu markii ay furantay, ayuu guddoomiyuhu istaajiyey C/salaam-Abuhurayra oo ah curadka Wiilasha ee agoonta Ilma Cusmaan Cumar-jeex, waxaanu muddo Rubuc Saac ah ku hafiyey su’aalo kasoo maaxanayey, been-abuuradkii Shirqool-wadayaasha. Waxaanu C/salaam-Abuhurayra uu si hufan uga jawaabay dhammaan su’aalihii la waydiiyey, isagoo goobtii ka caddeeyey in aanaan qaadan wax Mag ah, qaadanna doonin, sida ku cad go’aakayaga laga wada dharagsan yahay, ee Xeer Ilaalinta iyo Maxkamaddaba u soo gudbinnay.

Hadana 14/01/2013, ayuu guddoomiyaha Maxkamadda Sare isugu yeedhay, Odayaal xigtadayada ah oo uu yidhi iyagaa idinku caddaynaya inaad Mag qaadateen. Odayaashii waxay Maxkamadda horteeda ka caddeeyeen, in wax Mag ah agoontu aanay qaadan oo bari ay ka tahay. Iyagoo maalintii xigtayna ay guddoomiyaha Maxkamadda Sare, gacantooda uga dhiibeen Warqad caddayn ah oo ay kuwada saxeexan yihiin, kuna muujiyeen sida ay agoontu bari uga tahay Magtaasi, oo habayaraatee aanay jirin wax Mag ah oo ay qaateen. Isla markaana Warqaddaasi qoraalka ahayd waxay kaga dardaar-weriyeen oo ay ka digeen dhibaato culus oo ka dhalan karta been-abuuradka laga samaynayo agoonta.

Haddaba markii odayaashan xigtadayada ahi ay Maxkamadda Sare u gudbiyeen warqaddaasi bariyeelista ah, ayuu guddoomiyaha iyey guddoomiye-xigeenkuba, noogu hanjabeen Dibu-eegis ay sheegeen inay ku samaynayaan kiiska gacan-ku-dhiiglihii bururiyey xinjirtii Aabahayo. Iyagoo intaasi raaciyey biyo-dhaca Dibu-eegista oo noqon doontabay yidhaahdeen, xukunkii gacan-ku-dhiiglaha ee ku dhacay Shan sanno ka hor in lagu tirtiro oo lasii daayo, ama lagu khafiifiyo, amaba sidiisaba lagu daayo. Taasoo noo caddaysay awood-sheegasho iyo duullaan badheedh ah oo maxkamadda Sare ay kiiskayagan ku hayso.

Jawaabtaasi awood-sheegashada ah ee kasoo yeedhay guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Ku-xigeenkiisa, waxaa xigay warqad lagu sheegay Codsi oo ay yidhaahdeen waxaa soo qortay gacan-ku-dhiigluhu. Taasoo lanoo sheegay in muddo hore ay ku taariikhaysantahay.

Muddo 5 (Shan) sanno ah ayaa kasoo wareegtay markii uu kiiskani ka dhammaaday maxkamaddii ugu dambaysay oo ahayd Maxkamadda Sare, tan iyo muddadaasna ma aanaan Maqal, cidina noomay sheegin wax dibu-eegis ah. Markii Xeer Ilaaliyii Kiiskayaga hayey aanu waydiinayna, wuxuu noo sheegay in aanu War iyo Wacaal-toona ka haynin dibu-eegistaasi, maalintan dhawayd horteed. U-kuurgalid dheeraada dabadeed, waxaa noo muuqatay oo aanu ka geyn weynay, tallaabo cad oo awood-sheegasho ah oo lagu muquuninayo agoontayadan dhibbanayaasha ah, laguna rabo in lagu sii daayo gacan-ku-dhiiglaha xidhan.

Waxaanu aad iyo aad uga murugaysannahay weerarkaasi qaawan iyo Muquunintan uu nagu hayo guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Annagoo ah agoontii dhibbanayaasha ahayd, una hoggaansan oo aanaan ka waynayn sharciga. Wixii sharci-darro ahna aanaan qaadi karayn.

Waxaanu aad iyo aad uga tiiraanyeysannahay, weji-gabaxa aanu kala kulannay maxkamadda sare tan iyo intii guddoomiyaha wakhtigani uu xilkaasi la wareegay, gaar ahaan mudadii dhawayd ee uu soo foqay (faagay) kiiskii gacan-ku-dhiiglaha ee 5 (Shan) Sanno ka hor dhammaaday.

Waxaanu aad ula amakaagsannahay,  5 (Shan) Sanno dabadeed, waxa kiiskayagan ku meermeeriyey maxkamadda Sare. Iyo waliba dibu-eegista uu guddoomiyuhu noogu hanjabay markii ay suuroobi wayday magtii lanagu khasbaayey, ee dabada ay ka riixayeen Odayaal fidnawadayaal ah oo Shirqoolkii Aabahayo lagu dilayna aanu tuhunsannahay inay qaarkood qayb libaax ka qaateen.

Haddii farriintayadii ugu dambaysay ahayd guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu nagu khasbayaa Mag aanaan raali ka ahayn, si loo sii daayo gacan-ku-dhiiglaha, ayaa taasi markay suuroobi waydayna waxaa fajaciso noqotay in uu maantana guddoomiyuhu noogu caga-jugleeyo dibu-eegis uu ku samaynayo Kiiskii gacan-ku-dhiiglaha. Balse haddii aanu nahay agoontii, waxaanu Ilaahay ka rajaynaynaa in aanu nagu hoos hoojin Calankayagaa uu Tawxiidku ku xardhan yahay.

Ugu dambayntii waxaanu Ilaahay kasakow (SWT), madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland ee gudo iyo dibadba ugu baaqaynaa inay noo gurmadaan, inta karaankooda ah, oo  ay ka dhiidhiyaan, xaq-darrada nagu socota iyo duullaankaasi awood-sheegashada ah ee uu noola soo badheedhay guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Wabillaahi Tawfiiq.

1.      Hooyo Xaliimo Daahir Meecaad

2.      Sahra Cismaan Cumar-jeex

3.      Khadan Cismaan Cumar-jeex

4.      C/salaam Cismaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra)

5.      Ifraax Cismaan Cumar-jeex

6.      Xamdan Cismaan Cumar-jeex

7.      C/fataax Cismaan Cumar-jeex

8.      C/kariim Cismaan Cumar-jeex

9.      Samsam Cismaan Cumar-jeex

10.  Maxamed-Amiin Cismaan Cumar-jeex

11.  Xamse Cismaan Cumar-jeex

12.  Khaalid Cismaan Cumar-jeex

13.  C/casiis Cismaan Cumar-jeex

salaanmuctasim@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories