HomeAgaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Warfaafinta Somaliland oo maanta la sii daayey

Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Warfaafinta Somaliland oo maanta la sii daayey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

agaasime xasanHargeysa (SLpost)- Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Xasan Xasan Maxamed Maxamuud, ayaa maanta dib u helay xorriyaddiisa, kaddib markii uu muddo afar maalmood ah u xidhnaa eedo musuq-maasuq oo loo haysto.

 

Agaasime Xasan ayaa Ciidammada amnigu xabsiga u taxaabeen todobaadkii hore, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay.

 

Mr Xasan oo noqonaya masuulkii labaad ee eedaymo musuq-maasuq loo xidho, ayaa muddadaas ku xidhnaa Xarunta Ciidamada Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay in Dammaanad lagu sii daayey maanta.

 

Waxa sidan oo kale Damaanad lagu siidaayey Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Xuseen Warsame oo duruufo caafimaad isaga casilay xilkaas laba maalmood ka hor intii aan xabsiga loo taxaabin.

 

Xorriyad-u-soo-celinta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaradda, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado musuq-maasuq oo ka dhan Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaan-dhigga.

 

Si kastaba ha ahaatee, Xeerka la-dagaalanka musuq-maasuqa ma oggola in la sii daayo qof kasta oo u xidhan eedo musuq-maasuq oo loo haysto haddii aan Maxkamad horteed laga caddeyn dambiga loo haysto.

 

Somalilandpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories