HomeAgaasimihii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo si rasmi xilka ugu wareejiyey Agaasimaha...

Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo si rasmi xilka ugu wareejiyey Agaasimaha Guud ee Dhawaan loo magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Dhawaan loo magacaabay wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdirashiid Jibriilayaa xilka kala wareegay Agaasimihii Guud ee hore oo loo beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debedda.

Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ugu horayn halkaa ka hadlay agaasimahii guud ee hore Faysal Cali Sheekh oo xilkaa soo hayey muddo sanad iyo sideed bilood ah, waxuuna ku dheeraaday Waxyaabahii ay wasaaradda ku soo kordhiyeen mudadaas sida keenista  Idaacada weyn ee dalka oo dhan loogu talo galay inay wada gaadho,taas oo dhowaana la rakibayo, Horumarin iyo balaadhin lagu sameeyey TV-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargaysa, tababaro la siiyey shaqaalaha wasaaradda, la xisaabtan lala daba socday mas’uuliyiinta iyo shaqaalahaba, saacadaha shaqada oo la cayimay, shaqaalaha wasaaradda oo rasmi laga dhigay, dhismaha iyo qalabaynta xafiisyada oo la habeeyey, Xarumaha gobolada ee wasaaradda oo la qalabeeyey, xafiisyo hoos yimaadda TV-ga qaranka oo laga furay ilaa 10 wadan oo ah kuwa badaha ka tallowsan iyo dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. gadiid loo iibiyey wasaaradda iyo kuwii fadhiyey oo la kiciyey.

blank
BIDIX: Agaasimihii Guud ee Warfaafinta iyo (DHEX): Agaasimaha Cusub

Agaasimahii guud ee Hore ee Wasaarada Warfaafinta haatana ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada faysal Cali Sheekh waxa kale oo uu sheegay in wax weyn laga qabtay dhismaha Gidaarka sare ee wasaaradda iyo studio-yaasha TV-ga iyo Idaacadda. .

Maareeyaha hay’adda Waddooyinka qaranka Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Agaasimaha guud ee wasaaradda Qoyska Md, Baashe Yuusuf Axmed ayaa iyaguna hogo tusaaleeyey agaasimaha guud hawsha uu xilkeeda qaaday iyo baaxadda ay leedahay.

Agaasimaha Radio Hargaysa Siciid Aadan Cige iyo Agaasimaha TV_ga Qaranka Axmed saleebaan Dhuxul ayaa iyana munaasabadda ka jeediyey warbixino ku saabsan habsami u socodka hawlaha TV-ga iyo idaacadda, waxana ay labadooduba soo dhoweeyeen agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdirashiid Jibriil Yuusuf

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isna goob joog ka ahaa munaasabada ayaa talooyin ku aadan hawlaha horyaalla iyo sida uu u waajahi karo u jeediyey agaasimaha guud ee Cusub ee wasaaradda talooyinkaas oo ku salaysan wadatashi, waxuuna ammaan u jeediyey agaasimahii guud ee hore Md faysal cali Sheekh sida uu xusay si xilkasnimo leh ula soo shaqeeyay Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda.

blankAgaasimaha guud ee Cusub ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta C/rashiid Jibriil Yuusuf oo isna munaasabadda uu xilka kula wareegayey ka hadlay ayaa hadalo kooban uu halkaa ka jeediyey waxuu ballanqaaday inuu dhinaciisa wada shaqayn fiican iyo wada tashi la yeelan doono dhamaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda isla markaana ka rajeeyey shaqaalaha inay ka taageeri doonaan gudashada xilkiisa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta ee JSL Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa  sheegay inay wasaaraddui dejisay qorshe shan sanadood ah oo waafaqsan qorshaha guud ee dalka ee ay dejisay wasaaradda Qorshaynta qaranku, kaasoo ay ku cad yihiin hawsha shaqo ee hortaalla wasaaradda iyo halka ay hiigsanayso. halka sidoo kalena uu xusay in wasaaraddu tahay hay’ad dawladeed oo ay bulshadu leedahay. mas’uuliyiintuna ay dadka uga wakiil yahiin.

Mudane Boobe waxa uu iftiimiyay  wadahadalada haatan u socda Somaliland iyo Somalia, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo dhaxalgal u ah umadda Somaliland, maadaama hadafka wadahadaladu yahay sidii ay Somaliland u gaadhi lahayd himiladeeda, waxuuna u soo jeediey Shacabka dalka aynu deriska nahay ee Somalia in Madaxbanaanida Somaliland laga dheehan karo taariikhdii Gobanimadeeda oo dib loo raaco.

Geesta kalena Mudane Boobe Yuusuf Ducaale waxuu taageeray baaqii madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee ku aadanaa gurmadka abaaraha ka taagan gobolada dalka qaarkood, isagoo bulshada Somaliland u soo jeediyey inay isku tashadaan una gurmadaan walaalahooda la tabaalaysan abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta deegaanada Somaliland. isagoo gebagebadii kulankaasi oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Macdanta iyo Biyaha iyo diinta iyo Awqaafta , Xildhibaano iyo shaqaalaha wasaaradda ayaa   Wasiirku xilkii si rasmi ah ugu kala wareejiyey labada Mas’uul.

Gunaanadkii Munaasibadaas ayaa shaqaalaha Wasaaradu waxay Agaasimihii hore ku gudoonsiiyeen Shahaado Sharaf,halka jaaliyada Somaliland ee Dalka Sucuudiga ku nooli ay shahaado sharaf ku soo maamuuseen Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane C.raxmaan Yuusuf Ducaale “Boobe”,Agaasimihii Guud ee Hore Faysal Cali Sheekh,Agaasimaha Telefishanka Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Madaxa Qaybta Online-ka ee Wasaarada Warfaafinta Safiya Cali Yuusuf.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories