HomeAgaasimihii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Oo xilka wareejiyay, Wax-qabadkiisana soo Bandhigay

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Oo xilka wareejiyay, Wax-qabadkiisana soo Bandhigay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimhii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan oo maanta xilka ku wareejiyay Agaasimaha dhowaan Madaxweynuhu u magcaabay wasaaradda, ayaa qoraal kusoo bandhigay wax-qabadkii u qabsoomay wasaaradda mudadii uu joogay.

 

Qoralka uu Agaasime Cabdirashiid, kaga hadlay waxyaabaha u qabsoomay oo wata cadaymo muujinaya hawlaha uu sheegay inuu qabtay, ayaa u qornaa sidan:-

blank

Waxa Mudnaan La kala siiyay Hiigsiyada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad (NDP II Prioritization) – Ka eeg lingaxan buuggaagta 9 ka ah ee la diyaariyay; https://slministryofplanning.org/index.php/10-quick-downloads/14-plans

Waxa aan soo saarnay Warbixinta Qiimeynta Waxyaabaha laga qabtay QHQ ee 2aad (NDP II Progress Report) si loo cabiro inta aynu u jirno hanashada hiigsiyadii dalka u yaalay – Dhawaan la daabaci doonno.

Waxa dib loo dar-dar galiyay Kulamada u dhexeeyaha Qaadhaan Bixiyayaasha, hay’addaha dawladda, kuwa caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay si loo xoojiyo xog is waydaarsiga ku wajahan waxqabadka Qorshaha Horumarinta Qaranka (Coordination Meetings).

Kulanka Dawladda & Hay’addaha Caalamiga ah

Kulanka Hay’adda aan dawliga ahayn ee Islaamiga ah

Kulamada Wadaagayaasha kala duwan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka oo si habsami leh u qabsooma.

Kulamada Madaxda kala duwan ee Hay’addaha Qarama Midoobay.

Kulamada Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka caawiya Horumarka.

Halkan ka eeg xogta kulamadaasi:

  • Waxa aannu soo saarnay Warbixinta Deeqaha dalka soo galay, cadadkooda, gobolada ay galeen iyo Wadaagayaasha ay galeen (Aid Flow Report) – lingaxan ka eeg; https://slministryofplanning.org/images/Reports/AID_FLOW_REPORT_Final.pdf
  • Waxa aannu samaynay Siyaasadahan oo qaarkood yihiin Qabyo-Qoraal u baahan ansixin, qaarkoodna la ansixiyay:
    • Qabyo-Qoraalka Siyaasadda Qaran ee Qiimeynta & Daba Galka Mashaariicda (Draft National Monitoring & Evaluation Policy)
    • Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isku-duba Ridka Deeqaha & Hawlaha Horumarka (Draft National Coordination Policy)
  • Waxa aannu bilawnay oo hadda la qaatay la taliyayaashii samayn lahaa Siyaasadda Qorsheynta Qaranka (National Planning Policy) iyo Xeerka Qorsheynta Qaranka (National Planning Act) oo si dhakhso ah loo bilaabi doonno qoritaankiisa oo uu innagu caawinayo Baanka Adduunku.
  • Waxa aannu daah furnay Dhisida Xarunta Xogta Biyaha iyo Dhulka oo laga dhisi doonno xarunta Wasaaradda Qorsheynta & H. Qaranka (Information Management Centre).
  • Waxa la dhamaystiray Qorshihii Koowaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF I). Waxa siddoo kale La bilaabay hirgelinta & qorsheynta Qorshaha Labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF II) oo ka hirgeli doonna dhamaan Gobolada Dalka.
  • Waxa aannu bilawnay samaynta system Online ah (Somaliland Aid Management System) oo lagu ururiyo xoggaha mashaariicda dalka ka socda, warbixinahooda, goobaha ay ka hir galayaan, wadaagayaasha ay horumarka ku wadaan & cadadka lacag ee mashaariicdaasi ay maal galinta ku wadaan si bulshadu ula socoto dadaalada horumarineed ee beesha caalamku inala waddo isla markaana loo fududeeyo isku duba ridka gar-gaarka. System kaasi hadda wuxu ku dhaw yahay gabo-gabo – ka eeg https://somalilandaidflows.org/
  • Waxa soo baxday warbixinta xog ururinta xaalada dhimasahada ee Hooyada & Dhalaanka oo hadda qabyo qoraalkeedu diyaar yahay THEMATIC REPORT ON MATERNAL MORTALITY.
  • Waxa socda Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka dadka Somaliland (Somaliland Health & Demographic Survey – SHDS).
  • Waxa soo baxay buug yaraha Xogta Haweenka & Ragga ee 2018 (Men and Women Booklet) oo hadda gacanta lagu hayo buuggii 2019 ka http://www.somalilandcsd.org/wp-content/uploads/2018/11/Gender-Booklet-05.pdf
  • Waxa aannu soo saarnay Buugga Xogta Qaranka Sannadaha 2016, 2017 – waxa hadda socda xog ururinta sannadka 2018.
  • Waxa soo baxday Xogta Dhaqaalaha Dalka ee Shantii sanno ee u dambeeyey (Gross Domestic Product) – http://www.somalilandcsd.org/wp-content/uploads/2018/10/GDP-report-2012_2017.pdf
  • Waxa aannu diyaarinay Qorshaha Horumarinta Nidaamka Xogta ee Qaranka (National Strategy for Development of Statistics (NSDS2 2018 – 2021)
  • Waxa si joogto ah Bil kasta u soo baxa Xogta Halbeega Sicirka Ascaarta http://www.somalilandcsd.org
  • Waxa aannu qiimeyn ku samaynay Waaxaha Qorshaynta & Xogta ee dhamaan hay’adaha kala duwan ee dalka ee fulinaya QHQ2aad si kor loogu qaado aqoontooda, waxa soo baxay warbixintii ( Planning & Statistics Units Assessment).
  • Waxaa dib u habeyn & fududeyn lagu sameeyey nidaamka hadda ay WQ&HQ ku u diiwaan geliso hay’adaha caalamiga ah & kuwa maxaliga ahba si u adeegida hay’aduhu u fududaato.
  • Waxa aannu si adag u dabaqnay Xeerka Qaranka ee lagu maamulo hay’addaha Caalamiga ah ee NGO Act, nidaamka fulineed ee mashaariicda & yaraynta kharashaadka ku baxa fulinta mashaariicda horumarineed ee ay hay’adduhu wadaan.
  • Waxa aan dib u habeyn ku samaynay nidaam xisaabeedka & Maamulka Wasaaradda si ay xisaabaadku u noqdaan kuwo daah furan annagoo wax ka bedelnay hab iibka WQ&HQ.
  • Waxa aannu shaqaalaha WQ&HQ uga soo iibinay Miisaaniyadda Wasaaradda SADDEX BUS oo shaqaalaha u shaqeeya (THREE MINI-BUSES).
  • Waxa Luqadaha Soomaali iyo Carabi loo turjumay QHQ ee 2aad si fahanka guddaha loo xoojiyo, isla markaana loo xoojiyo raadinta maaliyada lagu hirgelinayo QHQ2aad iyadoo laga doonayo dalalka Luqada Carabiga ku hadla iyadoo laga faaiidaysano hay’adaha Islaamiga ah ee dalka ka hawl-gala.
  • Waxa aannu dar-dar gelinay Hab xidhiidhka Wasaaradda Qorsheynta & Xidhiidhka ay la leedahay bulshada maadama oo ay waajib tahay in ay bulshadu hesho Xogta ku saabsan hawlaha ka socda WQ&HQ (Public Information). ” ayuu ku yidhi qoraakiisa, Agaasime Cabdirashiid Ibraahim Sh, Cabdiraxmaan.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories