HomeAgaasime-Waaxeed Xukuumadda ka tirsan oo shaaciyey inuu u sharraxan yahay Hoggaanka Xisbiga...

Agaasime-Waaxeed Xukuumadda ka tirsan oo shaaciyey inuu u sharraxan yahay Hoggaanka Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay soo kordhayaan siyaasiyiinta damacu ka hayo hoggaaminta Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxa maanta ku dhawaaqay inuu murashax u yahay hoggaanka  Kulmiye Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo ah Agaasimaha Maamulka ee Komishanka Heer Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDs.

Cabdikariim Xinif oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu shaaciyey inuu u taagan yahay jagada Guddoomiy ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye oo masuulkii Jagadaas hayay u ruqaansaday inuu isku sharraxo Guddoomiyaha Xisbiga.

Cabdikariin-xinif“Anigu guddoomiye uma taagni, musharax guddoomiye ku xigeen 1-aad ayaan ahay, damacani wakhti dheer ayuu igu jiray haddana ma jeclayn meel Maxamed Kaahin fadhiyo inaan u tartamo, markii uu guddoomiye ku xigeenka imanayeyna waxaan ka mid ahaa raggii ololaha u galay,”ayuu yidhi Cabdikariim Xinif, waxaanu intaas ku ladhay hadalkiisa, “Waxaan ahay xubin ka mid ah guddida golaha dhexe ee xisbiga, wax kale idinkuma yeedhin hankayga ama damacayga siyaasadeed oo ah inaan u taaganahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, maadaama guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee xisbigu cadeeyey in uu u taagan yahay, musharax guddoomiye iyo musharax madaxweyne.”

Agaasimaha Maamulka lacagta ee Komishanka Xakamaynta Cudurka HIV/AIDs, waxa uu ku dooday in damaciisa siyaasadeed ee hoggaanka Kulmiye uu wakhtigan ula Muuqdo Fursad mudan inuu ka faa’idaysto, “Jaanisku mar buu soo maraa, jaanis isoo maray oo wakhtigiisii taagan ayaan u arkaa, markaa waxaan doonayaa inaan cadeeyo inaan musharax u ahay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga, kaasi oo aan rajaynayo ergooyinka shirweynaha xisbiga imanayaa igu taageeraan,” ayuu yidhi.

Agaasime Xinif ayaa noqonaya masuulkii labaad ee xukuumadda ka tirsan ee shaaciyey inuu u tartamayo hoggaanka xisbiga Kulmiye marka la gaadho shirweynaha xisbigaas oo la qosheeyey inuu qabsoomo bisha saddexaad ee sannadkan, in kasta oo masuul shalay xisbigaas u hadlay uu daboolka ka qaaday dib-u-dhac ku iman kara qabsoomiddiisa.

Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Maaliyadda Somaliland, ayaa todobaadkan ku dhawaaqay inuu u taagan yahya guddoomiynimada Xisbiga talada haya ee Kulmiye isla markaana uu kula loolami doono guddoomiyaha wakhtigan talada haya ee Muuse Biixi Cabdi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories