HomeAgaasimaha Tacliinta sare oo tilmaamay in tiro-badnaanta Jaamacadaha dalku hoos u dhigeen...

Agaasimaha Tacliinta sare oo tilmaamay in tiro-badnaanta Jaamacadaha dalku hoos u dhigeen Tayadii waxbarashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa 23 February, 2012 (SLpost)- Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, ayaa sheegay dalka in ay ka jiraan Jaamacado badan oo adduunku aad ula yaabo marka ay u sheegaan tirada Jaamacadaha dalka ka jira, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo aad u fara badan.

Agaasime Khadar Axmed Diiriye oo  hadal ka jeediyey Xaflad dib loogu furay Jaamacadda Somaliland Technolagy ee magaalada Hargeysa, ayaa yidhi, “Waxa waddankeenna jira Jaamacado badan oo waa la innala-yaabaa markaannu addunka ninaahno waxaannu leenahay 16 Jaamacadood, waayo? Adduunka meel Hargeysa le’eg ayaa leh hal Jaamacad. Markaa, waxa jira dad ku odhanaaya waxaan haystaa Degree oo Jaamacad ayaan lagjaraal ka ahay, laakiin haddana marka la eego tayadooda iyo leefalka ay taagan yihiin uu aad iyo aad u hooseeyo.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye.

Agaasimuhu mar uu ka hadlayey siyaasadda tacliinta sare ay ka leedahay Wasaaradda waxbarashad Somaliland, waxaanu yidhi; “Siyaasadda Wasaaradda waxa ka mid ah, waxbarsho oo dhan uma baahnin ee waxaynu u baahannahay waxbarshada uu waddankeennu uu u baahan yahay ee inna afacaysa, haddii maanta aynu haysanno kun arday (1000) oo bartay Ganacsiga (Business) Maamulka iyo Tignoolajiyadda (IT), oo aynaan samaysan karin malqaacad, Tallaagad yar iyo Beero oo waxyaabahaas mihiimka ah ay innaga maqan yihiin ee dalku uu u baahan yahay, macno weyn samayn mayso.”

Waxa uu intaas ku daray Agaasimuhu oo uu yidhi; “Waxaynu nahay dal dhan oo aan lahayn Jaamacadihii lagu baran lahaa Xirfadaha iyo Badaha. Waxaynu nahay dal dhan oo Xeeb leh, maba lihin Jaamacaddii Ciidammada iyo Kaluunka waxyaabihii noo-caas oo kale ahaa waddanka wuu ku yaryahay. Sidoo kale ma lihin Jaamacad dhigta Jiiloojiga iyo dawooyinka waxyaabahaas waa wax innaga maqan oo loo baahan yahay inaynu Dawladdeenna ku dhiirrigelinno, Xisaabaadka iyo Maaraynta waddankeennu uma baahna oo waxyaabaha aynu u baahannay waa wax yabahaas.”

“Intaan joogay Xafiiska waxa ii soo dacwooday arday badan, macluumaadka  ay soo ururiyaan markay Jaamacadaha u gudbiyeen waxyaabo farabadan oo marka la akhriyo caadi ah, laakiin marka Fasallada la fadhiisto aanay ardaydu helayn ama dadkii u sheegi lahaa aanay joogin, waxaan dalkeenna u soo jeedin lahaa intaynaan Master, Degree iyo PhD aynu niyadda gelinno inaynu nahay waddan yar oo soo koraaya ee waxay mihiimaddu saaran tahay waxa dadkeennu ay u baahan yihiin oo hadday naga xumaato Daabacaha (Birintanka) ama Talaajadda ma jiraan Machaddo soo saara ama meel laga soo helayaa ma jiraan.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye.

Waxaanu Agaasime Khadar Axmed Diiriye intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxaan xasuustaa Dugsigii farsamada gacanta ee Burco Macallimiinta ku jirtaa iyaga ayaa Ijiinnada ugu waa weyn xidhi jiray iyo waxyaabo farabbadan oo waannu garanaynaa, waxa uu dalka ugu fadhiyey, waxaan Jaamacadaha u soo jeedinayaa inay xoogga saaraan sidii waxyaabahaas loo heli lahaa.”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories