HomeAgaasimaha Hay'adda Caafimaadka Adduunka oo Beeniyey inuu la safan yahay Maamulka Tigray-ga

Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo Beeniyey inuu la safan yahay Maamulka Tigray-ga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Geneva (SLpost)- Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay Dr. Tedros Ghebreyesus, ayaa ka jawaabay eedayn loogu jeediyey inuu la safan yahay oo uu taageero dhaqaale siiyo TPFL ee dagaalka kula jirta dowladda Federaalka ee Ethiopia.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus oo sannadkii 2017-kii loo doortay inuu hoggaamiyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Qoomiyadda Tigray ee dalka Ethiopia, isagoo soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee wasaaradaha Caafimaadka iyo Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

blankSarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Milatariga ee Dalka Ethiopia, ayaa hadal uu warbaahinta dalkaas ka sheegay ku shaaciyey in Dr Tedros la safan yahay oo taageero dhaqaale iyo mid milatariba ku caawiyey Jabhadda TPLF oo dagaal ba’an kula jira dowladda Federaalka ee Ethiopia. Ma jiraan caddeymouu sarkaalkani u adeegsaday eedaymaha uu u jeediyey sarkaalka ugu sarreeya hay’adda Caafimaadka Adduunka.

War-murtiyeed uu Dr Tedros Jimcaha maanta soo saaray, ayuu ku beeniyey jiritaanka warkaas, balse waxa uu sheegay inuu xaaladda dalkiisa Ethiopia ka taagan yahay dhinac kaliya, dhinacaasina yahay dhinaca nabadda iyo in wada-hadal iyo isu-tanaasul lagu soo afjaro xurgufta jirta.

War-murtiyeedka Dr Tedros ka soo saaray xaaladda Ethiopia iyo eedaynta loo jeediyey, ayaa u qornaa sidan:- “Qalbigeygu wuxuu la jiraa waddankayga Itoobiya, waxaana ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan nabadda oo ilaaliyaan badbaadada dadka rayidka ah iyo inay dadka tabaalaysani helaan caafimaad iyo gargaarka bani’aadamnimada.

Waxaan aad uga xumahay wararka sheegaya khasaaraha nafeed iyo dad aad u tiro badan oo barakacay oo magangalyo u doontay wadamada deriska ah. Iyadoo lagu gudo-jiro masiibada caalamiga ah ee Covid-19, waxaan ka sii walaacsanahay saameynta ay ku keenayso caafimaadka.

Anigoo carruur ah baan soo arkay saamayn burbur ee dagaalku leeyahay. Waxaan si cad u xasuustaa dagaalladii iyo khasaarihii ay geysteen. Markii aan weynaaday, waayo-aragnimadaas ayaan u adeegsaday in aan mar walba ka shaqeeyo nabadda, in aan isu keeno dhinacyada dagaallamaya iyo in aan bilaabo wada-hadal aan nabad ku raadinayo.

Taariikhdu waxay la jiirtaa kuwa isku soo dhaweeya dhinacyada ee dagaalka nabad ku baddasha. Waxaan ku biirayaa baaqii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, anigoo ku baaqaya in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagu dejinayo xiisadaha lana xaqiijiy in xal nabadeed laga gaadho khilaafka.

Waxa I soo gaadhay warar sheegaya in aan dhinacyada is-haya la kala saftay. Tani run maaha oo waxaan rabaa in aan sheego inaan dhinac kaliya ka taaganahay, dhinacaasina waa dhinaca nabadda.” Sidaas ayuu Dr Tedros ku sheegay qoraalka uu kaga hadlay xaaladda dalka Ethiopia iyo eedaymaha loo jeediyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories