HomeAgaasimaha Guud ee Waxbarashada oo furay Kulan lagu soo bandhigay Kobcinta Siyaasadda...

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada oo furay Kulan lagu soo bandhigay Kobcinta Siyaasadda Aqoonta Dugsiyada Sare oo Dalladda SONYO & Hay’adda SOS-Somaliland iska kaashadeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dallada SONYO oo kaashanaysa Hay’adda SOS-Somaliland iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa soo qaban-qaabisay kulan lagaga hadlaayay siyaasada Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Somaliland, kaas oo ku qabsoomay Hoolka shirarka ee Xarunta Dallada SONYO ee Hargeysa.

 

Kulanka ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska, Arday Dugsiyada sare, Macallimiin iyo Waalidiin, ayaa lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday daraasad laga sameeyey 10 Dugsi oo ka mid ah Dugsiyada sare ee dalka ee la xidhiidha siyaasadda Waxbarashada Dugsiyada sare ee Heer Qaran iyo Waxyaabaha lagu soo kordhin karo.

 

blank

 

Ugu horeyn waxa kulanka furay isla markaana ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md Axmed Abokor Maxamed oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay Kobcinta iyo dib-u-eegista siyaasadda Waxbarashada Dugsiyada Sare ee dalka.

 

“Si gaara waxaad halkan imika ugu eegteen siyaasadda waxbarashada dugsiyada sare waxaa ka khuseeya, dugsiyada sare sidaad wada ogsoontahiin waa marxalado mihiima oo u ah xaga kobaca waxbarashada maxaa yeelay waa biriishkii isku xidhaayay tacliintii sare iyo tacliintii aas aasiga ahayd.  Qofku marka uu 12 Sano wax soo barto ee uu u gudbayo marxaladda waxbarashada sare waa marxalad loo baahanyahay in la siiyo waxbarasho tayo leh, la saaro sidoo kale culays fara badan aqoon fara badan la siiyo aad iyo aadna looga taxadaro ardeygaas iyo mustaqbalkiisa,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimuhu.

 

Md Axmed Abokor oo hadalkiisa sii watay, waxa uu dul-istaagay horumarinta ay u baahan tahay Waxbarashada Sare, isagoo arrintaas wax-ka-qabashadeeda kala dar-daarmay masuuliyiinta ay quseyso.

 

blank

 

“Maamulayaasha, masuuliyiinta tacliinta sare wax ka dhiga iyo masuuliyiinta kaleba waxaan aad ugu dardaarayaa inay jiraan dugsiyadeena sare waxyaalo fara badan oo runtii ka dhiman, ardeygu markuu dugsiga sare joogo aqoonta la baraayo ka sokow, waxaa loo baahanyahay in uu helo tijaabada sayniska oo kale tusaale ahaan haduu xisaab baranaayo aan la barin uun xisaab khaliya balse la baro (mathematics) xisaabtii baratikaalka ahayd iyo siday nolosha ula fal galaysay waxyaabo badana la fahansiiyo,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

 

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Prof Qalinle oo ka socday wasaarada waxbarashada iyo sayniska isla markaasina qeyb ka ahaa barnaamijka siyaasadda waxbarashada ee ay iska kaashadeen Dallada SONYO iyo Hay’adda SOS-Somaliland.

 

“Barnaamijkan SONYO iyo SOS-Somaliland wada fulinayaan oo ah siyaasaddii waxbarashada qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo markii hore wasaaradu ogolaatay isla markaasina la qoray in loo soo bandhigo dugsiyada 10 Dugsi oo ku yaala min Boorama ilaa Sheekh, macalimiintooda iyo ardeydoodaba iyada oo la leeyahay nala eega bal waxaad ku soo kordhin karaysaan ku soo kordhiya. siyaasadan oo ka koobnayd dhawr qodob oo ah ku dhawaad 22 qeybood, waxaana dib u eegista lagu sameynaayay laba qeybood oo ay ka mid yahiin qeybta dugsiyada Sare, markii aanu u soo bandhignay qeybahii kala duwanaa oo ay ka mid ahaayeen waalidiintii ardeydii iyo macalimiintii waxyaabo badan oo ay nagu soo kordhiyeen ayaa jira,” Sidaa ayuu yidhi Mr Qalinle.

 

blank

 

Barnaamijkan siyaasadda Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Somaliland oo ay wadajir u fuliyaan Dallada SONYO iyo Hay’adda SOS-Somaliland oo kaashanaya wasaarada waxbarashada iyo sayniska ayaa waxaa uu qeyb ka yahay mashruuca Codka Dhalinyarada ee VOY oo ka socda 10 dugsi sare oo ku kala yaala gobalada jamhuuriyada Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories