HomeAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Noqday Agaasimihii Ugu Waxqabadka Badnaa

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Noqday Agaasimihii Ugu Waxqabadka Badnaa

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

[A]gaasimaha Guud ee Wasaaradda Warafaafinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa noqday agaasimihii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isagoo muddadii uu joogay is-beddel hor leh ka sameeyay, islamarkaana ku soo kordhayay mashaariic la xidhiidha horumarinta Wasaaradda, waxaanu oo u hawl galay sidii Television-ka Qaranku looga daawan lahaa  la dhammaan dunida daafaheeda, si ay u hirgalaan fulinta hawlaha qaran waxa uu booqasho ugu kicitimay dalka Ingriiska si uga soo furo xafiisyo iyo Studio-yaal uu yeelanayo Television-ka Qaranku, iyada oo ay ahayd markii ugu horreysay ee Televisonka Qaranku gaadho daafaha dunida, sidoo kale waxa uu agaasimuhu ku guulaystay in uu keeno Idaacad weynayd ee qaranka oo laga dhagaysan doono dhammaan gobolada Somaliland iyo waddamadda Afrika iyo Carabta oo door wayn ka qaadan karta hannaanka dawladnimo, iyadoo baahi weyn u qabeen guud ahaan shacbiweynaha Somaliland oo sanadihii u dambeeyay loo ballan qaadayay keenista idaacad cusub oo uu dalka laga wada dhagaysto.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafintu waxa kale oo uu ku guulaystay mudadii uu xilka hayay in uu shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta uu u furay Tababaro ay heerkooda aqooneed kor ugu qaadayaan, iyada  shaqaalaha wasaaraduna  si fiican uga faa’iidaysteen tababarka loo qabtay, waxa kale oo uu agaasimuhu uu qabtay mudadii koobnayd ee uu xilka wasaaradaasi hayay in uu hawlaha wasaarada si fiican iskugu dubarido islamarkaana shaqaalaha wasaarada uu u fududeeeyay sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen.

Dhanka kale waxa dhawaan research sameeyay urur madaxbannaan oo qiimaynayay wax qabadka agaasimayaasha dawladda, iyada oo baadhitaankii ay sameeyeen ururkaasi ku ogaaday in uu Agaasimaha Wasaaradda warfaafintu noqday agaasimaha ugu kartida iyo waxqabadka badan agaasimayaasha wasaaradaha dawladda Somaliland, iyaga oo ururkaasi shahaado sharaf guddoonsiiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Faysal Cali sheekh.

Waxa kale oo uu dhawaan ka dhawaajiyay agaasimuhu inay waxbarasho heer Degree ah u bilaabayaan shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, taasi oo noqonaysa wax aanay weli qaban agaasimayaasha dhigiisa ah, arrintaasi oo dhammaan shaqaalaha wasaaradu si weyn u soo dhaweeyeen hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

Guntii iyo gabagabadii waxaa shaki la’aan ah in Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waraafintu ku sifoobay masuul ka soo baxay shaqadii uu qaranka u hayay, isla mrkaana ay tahay in loo mahad naqo qofkasta oo ka mid ah masuuliyiinta dawladda oo ku tallaabsaday wax qabad dhab ah oo muuqda si uu halkaasi uga sii wada shaqada uu qaranka u hayaan.

Waxa qoray Siciid Doodoo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories