HomeAgaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo La Kulmay Agaasimaha...

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo La Kulmay Agaasimaha Arrimaha dibedda ee Hay’adda Awqaafta Turkiga iyo Madax kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankaral (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaarada Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo ku sugan dalka Turkiga, ayaa kulammo muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Xafiiska arrimaha dibedda ee Hay’adda Diinta iyo awqaafta ee Turkiga Afir Yildirim, Masuuliyiinta Hay’adda TIKA iyo madax kale.

 

Ugu horreyn Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaaftu waxa uu magaalada Ankara kula kulmay madaxa xidhiidhka Africa u qaabbilsan Hay’adda Tika Fatih Yoldas, waxaanay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka Hay’addaas iyo Wasaaradda, isagoo ballan-qaaday inay dhinacyo muhiim ah wax ka tari doonaan wasaaradda.

 

blank

 

“Waxaan la kulmay, madaxa xidhiidhka Africa u qaabbilsan Hay’adda Tika Fatih Yoldas. Kulankani waxa uu daba socday kulankii Wasiirka Diinta iyo awqaafta ee Somaliland iyo Madaxda Tika ay ku yeeshseen Ankara bilo ka hor. Waxaannu ka wadahadalnay wada shaqaynta iyo in Hay’adda Tikka gacan ka geysan doonto Masaaajiddda iyo Madaariska iyo inay wasaaradda gacan buuxda siin doonaan ayey ii ballan-qaadeen.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diintu Aadan Cabdillaahi.

 

Sidoo kale, Agaasime Aadadan Cabdillaahi Cabdalla, waxa uu la kulmay Agaasimaha Xafiiska arrimaha dibedda ee Hay’adda Diinta iyo awqaafta ee Turkiga Afir Yildirim, waxaanu Agaasimaha oo arrimaha ay ka wadahadleen faahfaahinayaa yidhi; “Waxan sidoo kale la kulmay, Agaasimaha Xafiiska arrimaha debadda ee Hay’adda Diinta iyo Awqaafta ee Turkiga Arif Yildirim. Waxaannu ka wadahadalnay sidii loo wada shaqayn lahaa, waxaanay ballan-qaadeen inay Wasaaradda ka caawin doonaan tabobbarro kala duwan oo la siinayo Shaqaalaha Wasaaradda, si aqoontooda kor loogu qaado iyo inay gacan ka geysan doonaan Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah.”

 

blank

 

Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa xidhiidh fiican la leh Wasaaradaha dhiggeeda ah ee dalal kala duwan oo Turkigu ka mid yahay, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan kor u qaadista aqoonta Diiniga ah, waxaana hore Madax ka tirsan Hay’adaha dowliga ah ee dalka Turkiga iyo kuwa khayriga ah ula kulmay Wasiirka Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed dhawr bilood ka hor, waxaana kulammadaas iyo wixii lagaga wadahadlay sii amba-qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Md. Cabdalla.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories