HomeAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta & Aw-Qaafta oo Kulan La Qaatay Culimada...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta & Aw-Qaafta oo Kulan La Qaatay Culimada Gobolka Sool iyo Qodobbo Laga wada-hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa maanta Xubno ka tirsan Culimada gobolka Sool Kulan kula qaatay xarunta gobolkaas ee Laascaanood, kaas oo ay kaga wadahadleen qodobbo muhiim u ah horumarinta Diinta Islaamka.

blankWaxay Agaasimaha iyo Culimada Reer Sool ka wadahadleen midaynta Eedaanka Salaadaha, kor u qaadista Shaqada Hay’adda Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista gobolkaas oo fadhigeedu yahay magaalada Laascaanood iyo xoojinta barashada Diinta oo ay Wasaaradduna dedaal ugu jirto.

Culimadu waxay uga mahad-celiyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasiirka Wasaaraddaasba Shaqada hufan ee horumarinta iyo ilaalinta Diinta Islaamka ee ay ku hawlan yihiin iyo sida ay isugu wadaan Culimada dalka, una xaddideen khilaafaadka Diiniga ah.

blankWasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda, ayaa labadii sannadood ee ugu dambeeyey muujisay dedaal badan oo ay ugu jirto horumarinta Diinta Islaamka, diiwaangelinta Maddarasadaha, Macallimiinta dhiga, kor u qaadista aqoontooda, samaynta hal Manhaj oo mideeya waxbarashada Diiniga ah, isku-xidhka Culimada dalka, wacyigelinta Bulshada iyo wax ka qabashada wax kasta oo dhaawici kara Diinta Islaamka, Dhaqanka Suubban iyo Suulinta Caadooyinka soo jireenka ahaa ee aan Diinta waafaqsanayn.

blankWaxa kale, ay Madaxda Wasaaraddu ku dedaaleen dhisidda aqoonta Shaqaalaha Wasaaradda, Culimada oo Tabobbarro loogu sameeyey inta badan gobollada dalka, xoojinta Xidhiidhka ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu la leedahay Dalalka Islaamka, sida Turkiga, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo dalal kale oo Muslimiin ah.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories