HomeAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka Qayb-galay Xuska Toddobaadka Nasnuujinta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka Qayb-galay Xuska Toddobaadka Nasnuujinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad magaalada Hargeysa loogu sameeyuey Xuska toddobaadka Naasnuujinta,

Munaasibad lagu qabtay Hotel Maansoor, waxa marka laga yimaaddo Agaasimaha guud ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan wasaarada, Hay’adaha iyo ururrada Wasaaradda kala shaqeeya kor u qaadida iyo daawaynta Hooyada iyo Dhalaanka, Culimo ka socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, kalkaalisooyinka caafimaadka iyo Haween.

Ujeeddada loo qabtay munaasibadda  ayaa la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa baraarujinta bulshada ee ku saabsan muhiimadda naasnuujinta iyo garab istaaga hooyada

Waxaa munaasibadaasi hadalo kala duwan ka jeediyay saraakiil ka socotay Ururrada iyo Hay’ado ka shaqeeya ilaalinta hooyada iyo dhalaanka, culimo ka socotay wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somailand, waxaanay si isku mid ah ugu dheeraadeen muhiimada ay naas-nuujinta u leedahay hooyada iyo ilmaha iyo sida Caanaha naasku uga qeyb qaato koritaanka ilmaha maskaxda iyo jidhkaba, islamarkaana uu ka badbaadiyo xanuunada ku dhaca caruurta iyo hooyada.

Madaxa barnaamijka naas-nuujinta ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Fadxiya Maxamuud Axmed, ayaa culimadii munaasibadda ka qayb-gashay iyo guud ahaan culimada dalka ka codsaday inay khudbadaha salaadda Jimcaha ku soo qaataan muhiimadda naas-nuujintu leedahay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa si qotodheer ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay Naas-nuujintu, isagoo ku baaqay in dhamaan bulshada la fahansiiyo qiimaha ay leedahay in Ubadka Naas-nuujin loo sameeyo.

“Dambarku wuxuu faa’ido u leeyahay hooyada iyo ilmahaba, waxaana la socda maadooyin ilmaha ka difaaca xannuunada ku dhaca caloosha iyo kuwa kale ee Ilmaha soo weerara. Maadooyinkaas oo aan meel kale oo aan caanaha hooyada ahayn laga helayn,” Sidaas waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Horumarinta Caafimaadka, waxaanu intaa raaciyay sida loogu baahan yahay in bulshadu ku baraarugsanaato in Naas-nuujintu tahay sida ugu wanaagsan ee ilmaha caafimaadkiisa lagu illaalin karo.

Gebo-gabadii munaasibadda, waxa abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyay Hooyooyin la sheegay inay si wanaagsan u naas-nuujiyeen ubadkooda iyo kalkaalisooyin caafimaad oo si hagar-la’aan ah uga qayb-qaatay wacyi gelinta bulshada ee muhiimadda naas-nuujintu leedahay.

blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories