HomeAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debadda oo Xilkii iska Casilay, eedaymana u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debadda oo Xilkii iska Casilay, eedaymana u jeediyey Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Wasiirka Madaxtooyada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 13 February, 2012 (SLpost)– Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha debadda Somaliland Md. Maxamuud Raage Ibraahim ayaa maanta iska casilay xilkii uu ka hayey wasaaraddaas isla markaana eedaymo u jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeddea Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.

blankMaxamuud Raage waxa uu wasiirka arrimaha dibada ku eedeeyey inuu wado boob hantida qaranka ah isla markaan uu mudadii uu joogay ay ku soo xidhmeen toddoba dal oo ay Somaliland wakiilo ku lahayd, wax kale oo agaasimihii hore ee wasaaradda Arrimaha Dibaddu Somaliland wasiirada arrimaha dibada iyo madaxtooyadda Somaliland ku sheegay laba nin oo kaligood ogol inay Madaxweynaha wax u sheegeen, isla markaan waxa ay u sheegeen oo kaliya uu ku dhaqmo.

Agaasimaha ayaa xil iska casilkiisa waxa uu ku sifeeyay arimo badan oo is biirsaday balse waxa uu sheegay in tan ugu weyni ay tahay “Ta ugu weyn ee aan xilka iskaga casiley waxay tahay Waxa uu wasiirka Arimaha Dibaddu nagu amaray inaanu siino kharajkii lagu furayay koonfurta Sudaan, oo kharashkaasi ahaa 64000 oo Dollar, una habaysanaa hab maamul, mudane Madaxweyne waxaan sugayay muddo laga joogo afar maalmood hase yeeshee ilaa haatan lama furin xogo qarsoona waxay sheegayaan in kharashkaas meelo kale laga furay, waxana lay sheegay in ay wataan isaga (Wasiirka Arimaha Dibadda) iyo Wasiir Xirsi urur Siyaasadeed”. Ayuu yidhi Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimah Dibada Somaliland Md Maxamuud Raage Ibraahim
Agaasimihii horre ee wasaaradda Arimaha Dibaddu waxa uu sheegay in labaddan wasiir ay wataan urur siyaasadeedka Nasiye isla markaana ay kharashaadka dawladda ay ku fan gareeyaan ururkaasi, isaga oo si qayaxan u tilmaamay in Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar uu musuqmaasuqay Miisaaniyadda Wasaaradaasi, waxana uu tilmaamay in ay xidhmeen todoba Safaradood oo kalla duwan “Mudane Madaxweyne waxa xidhmay intii uu wasiirku halkan joogay safaaraddii Pakistan, safaaraddii Sweden, safaaraddii Denmark, safaaraddii koonfur afrika ilaa safaaradaha miisanayadoodu waxa uu ku jiray miisaniyaddii 2011-kii, sidu kharaashkaasi u baxay waxa laga heli kara si fudud oo aad uga soo qaadan karta baniga qaranka Somaliland. Kharaashaadka loogu talo-galay in lagu kharash gareeyo safaaraddaha waxa loo wareejiyey account number ayaa lagu wareejiyey iyadoo safaro lagula baxayo account numberkaasi waxa weeye 498 waxa kaliya oo saxeexa oo lacagta bixiya wasiirka arrimaha dibada iyo agaasimaha maamulka.”

Dhanka kale, waxa uu Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibaddu Maxamuud Raage sheegay in Wasiir Xirsi yahay Mucjiso loo soo direy Madaxweyne Siilaanyo isla markaana aanuu ogolayn in masuul galo iridka madaxweynaha“Madaxweyne waxaad albaabka dhigatay Wasiirka madaxtooyadda oo kaa ilaaliya wax kasta oo xaqiiq ku sugan kuuna sheega in kasta oo aad jeceshahay ama aad raali ka tahay Lixdan Kun Oo Dollar baa lay yidhi waxa lagu qalabaynayaa xafiisyo ku yaal Scandinavian. Madaxweyne ninkii ugu horeeyay ee xilka ka tagaya ma ihi ee Gaboose ayaa ka tagay markuu ka tagey Gaboose wuu ku amaanay balse wuxuu kuu sheegay in ay jiraan dad xunxun oo agtaadda joogaa.

“Madaxweyne ku xigeenkii baa madaxtootayadda ka duday oo gurigiisa tagay wuu cawday wuxuu ku yidhi adiga kaama cadhoon ee dadka kula jooga ayaa xun oo aan ka cadhooday. Aniguna waxaan ku leeyahay waad wanaagsan tahay balse dadka kula jooga gaar ahaan Xirsi iyo Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa xun ee iska ilaali”.
Agaasimihii hore ee Wasaaraadda Arrimaha Dibadu uu sheegay in safaradda uu madaxweynuhu u baxaa ay yihiin kuwo aan meelaysnayn, waxana uu sheegay in safaradaasi yihiin kuwo intoodda badan laga qaado ceeb xumo,  isaga oo ka hadlayana  waxa uu yidhi, “Madaxweyne Dalka China ayaad aadaysaa baa lagu yidhi oo shan cisho ayaa lagugu hayay Addis-ababa waan ooyaya anigu, inaan kuu digo oo aan iskaga tago ani daw bay noqotay, waan ogolahay in aad Xirsi gacan yarre ka dhigto balse isagu gacan yarre iskuma haysto”. Waxana uu intaas ku daray, “In uu nin yar dadka kaa jaro maaha inuu fara gashto arimaha qaranka Somaliland, ma jeegearayn karo wiil yari wasaaradda cadaaladda, ma maamuli karo qaranka waayo adaa laguu doortay”.ayuu yidhi agaasimihii horre ee Wasaaradda arimaha dibaddu.”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories