HomeAgaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka oo ka hadlay dacwad ka dhan ah...

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka oo ka hadlay dacwad ka dhan ah Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay u gudbiyeen Xeer Ilaalinta Guud

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 13 March 2012(SLpost)- Wasaarada Deegaanka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee qaranka u gudbisay dacwan ka dhan ah Dawlada Hoose ee magaalada Hargeysa.

 Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Deegaanka iyo reer Miyiga Somaliland Maxmed Faarax Xirsi ayaa maanta shaaciyey in ay Xafiiska xeer ilaalinta u gudbiyeen dacwad ka dhan ah dawlada hoose taasi oo xidhiidh la leh  38 geed  oo ay dawladda Hoose sifo sharci daro ah ugu jartay hawl-gallada ay ka waddo gudaha magaaladda Hargeysa.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay Xeer ilaalinta ka dalbeen in loo furo gal-dacwadeed ka dhan ah dawlaha hoose isla markaasna ay dalbadeen ganaax ku saabsan dhirtaasi qoyanad ee ay dawladda hoose Gumaaday. Arimahaasina waxa uu Md. Maxamed Faarax Xirsi kaga hadlay mark uu maanta xafiiskiisa ugu waramayey qaar ka mid ah warbaahinta dalka isagoo arrimaha ka hadlayan waxa uu yidhi, “Waxaanu Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka gaadhsiinay warqad aanu kaga dalbanayno in ay dacwad noo furo, arintaasi si ay dadka kalena ugu cimro qaataan, waxanaaanu dalbanayn in Xeerka Deegaanka ee dalka u yaala la waa fajiyo cidii dhibta dhirtaasi ka gudaaday gaysatay.”ayuu yidhi Agaasimaha wasaaradda degaanka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi

Agaasimuhu waxa uu hadalkiisii sii raaciyey “Hadda waxaanu dalbanaynaa maaha magdhow ee waa ganaax laga qaado cidii dambigaasi gashay, waxa taasi cadnayey xeerka deegaanka, waxan aanu rabtaa in dawlada hoose ee Hargeysa lagu fuliyo ganaaxaasi iyo xadhig wixii xeerku dhigayo. Ta aanu xeer ilaalinta Guud ka dalbanayen waa taas.”

Dhacdadani ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee laba hay’adood oo Qaranka Somaliland ka tirsani ay Maxkamadd isla tiigsaddaan tan iyo intii ay Xukuumadda Siilaanyo talada dalka la wareegtay.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories