HomeAgaasimaha Guud ee Warfaafinta oo Shaqada ka joojiyey Sarkaal uu Hanti-dhowrku ku...

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta oo Shaqada ka joojiyey Sarkaal uu Hanti-dhowrku ku fashilmay inuu ku Caddeeyo Eedo Musuq oo loo haystay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, ayaa Shaqada kaga joojiyey Agaasimihii maamulka iyo Lacagta ee Telefishanka Qaranka oo Xasan Maxamed Maxamuud oo horaantii bishan Maxakamadda gobolka Hargeysa ku weyday eedo musuq-maasuq oo hanti-dhowraha Qaranku xabsiga ugu taxaabay.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta oo maalintii Khamiistii soo saaray warqad uu shaqada kaga joojinayo masuulkan xilliwasiirkii wasaaraddaasi dalka ka maqan yahay, ayaa ku wargeliyey taliyaha Ciidanka Ilaalada Xarunta Wasaaradda inaanu xayndaabka wasaaradda soo geli karin ilaa inta laga soo saarayo go’aan dambe.

blankAmarka Agaasimaha Guud shaqada kaga joojiyey Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Telefishanka Qaranka, waxa uu ku sheegay in Hanti-dhowraha Qaranka masuuliyiinta Warfaafinta ka codsadeen inay shaqada ka joojiyaan. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan: “Taliye, waxaan halkan kugula socodsiinayaa in aanu xerada wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta soo geli karin Xasan Maxamed Maxamud oo ahaa Agaasimihii Maamulka iyo Xisaabaadka balse inta baadhista Hanti dhawrku ay socoto laga joojiyay shaqada uu ka hayay wasaaradda, isla markaana ay codsadeen hanti dhawrku in aanu soo shaqo tegin.

Sidaasi darteed, anagoo tixgelinayna shaqada madaxa banaan ee Hanti-dhawrka Dawladda, waxaan ku farayaa in shaqaalahaasi aanu soo geli karin Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ilaa amar danbe laga soo saarayo arrintiisa.”

Xasan Maxamed Maxamuud ayaa daba-yaaqada bishii hore Hanti-dhowrka Guud ee Qaranku u xabbiseen Eedo musuq-maasuq oo loo soo jeediyey, waxaana markii uu xidhnaa muddo afar maalmood ah xorriyaddiisa u soo celisay maxkamadda Gobolka Hargeysa ka dib markii masuuliyiinta hanti-dhowrka qaranku ku fashilmeen inay caddaymo buuxda oo kiiskiisa la xidhiidha hor-geeyaan maxkamadda.

Amarka uu Agaasimaha Guud shaqada kaga joojiyey Sarkaalkan ayaa ku soo beegantay xili uu Wasiirka warfaafinta Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) uu ku maqan yahay socdaal dalka dibadiisa ah oo uu ku tagay dalalka koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, lamina garanayo sababaha xilligan ku soo beegay go’aankan maadaama hanti-dhowraha Guud hore ugu fashilmay inuu Maxkamadda gobolka Hargeysa soo hordhigo caddaymo muujinaya Eedaha Musuq-maasuq ee loo jeediyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories