HomeAgaasimaha Guud ee Shaqo-gelinta oo Furay Kulan lagu Gorfeynayo Qabyo-qoraalka Xeerka ururrada...

Agaasimaha Guud ee Shaqo-gelinta oo Furay Kulan lagu Gorfeynayo Qabyo-qoraalka Xeerka ururrada Shaqaalaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan, ayaa maanta Hargeysa ka daah-furay Kulan lagu naaqishayo isla markaana bulshada loogu bandhigay inay ka dhiibtaan talooyin  ku saabsan Qabyo-qoraalka Xeerka Ururrada Shaqaalaha Somaliland.

Kulanka oo ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda Shaqo-gelinta, waxa ka qayb-galay masuuliyiinta Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Wakiillo ka socda Ururrada Shaqaalaha oo isaga kala timi gobollada dalka, Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xubno sharci-yaqaanno ah, waxaana hadallo kulanka laga jeediyey lagu gorfeeyey qabyo-qoraalka xeerkan oo muhiimad weyn ugu fadhiya Shaqaalaha iyo Loo-shaqeeyaha.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqo-gelinta, masuuliyiinta ururrada Shaqaalaha ee Somaliland iyo xubno Sharci-yaqaanno ah oo kulanka ka hadlay ayaa faahfaahiyey muhiimadda xeerku u leeyahay ururrada shaqaalaha dalka iyo sida loogu baahan yahay in si daahfuran loo faaqido wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo qabyo-qoraalka xeerka oo ay tilmaameen inay suurto-gelinayo ama dhaqan-gelinayo qodobbada xuquuqaha shaqalaha ee ku xusan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan, ayaa faahfaahiyey muhiimadda uu xambaarsan yahay Qabyo-qoraalka Xeerkan oo uu sheegay inuu suurto-gelinayo aasaaska iyo hirgelinta Ururro u dooda xuquuqaha Shaqaalaha iyo Loo-shaqeeyaha.

blankMd Cabdirashiid Ibraahim waxa uu xusay in kulankani yahay kii ugu dambeeyey ee bulshada lagaga qayb-galinayo ka-talo-bixinta qabyo-qoraalka Xeerka Ururrada Shaqaalaha ka hor inta aanu si rasmi ah u dhaqan-gelin kaddib marka ay ansixiyaan hay’adaha xeer-dejinta ee dalka.

https://www.facebook.com/slntvone/videos/1292480051282395

Qabyo-qoraalka xeerkan oo la filayo in dhawaan la horgeeyo Golaha Wasiirrada oo marka ay ansixiyaan kaddib u gudbin doona goleyaasha sharci-dejinta ee dalka, ayaa jidaynaya jaan-goynta sharci ee ururrada u dhaq-dhaqaaqa Xuuqaqaha Shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha, waayjibaadka ay leeyihiin iyo xuquuqaha masuuliyeed ee ay ku aasaasan yihiin.

blankDhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan, waxa uu shalay daah-furay Shirweynaha daneeyayaasha Shaqo-gelinta ee Somaliland oo sannadkiiba hal mar la qabto, waxaana kulan oo wasaaraddu soo agaasintay lagu soo bandhigay warbixinno xambaarsan daraasado laga sameeyey fursadaha Shaqo-abuurka dalka iyo caqabadaha ku gedaaman.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories