HomeAgaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Oo Daah-furay DhismahaTaallada Taariikhda Qaranka Oo Dib Loo...

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Oo Daah-furay DhismahaTaallada Taariikhda Qaranka Oo Dib Loo Casriyeynayo

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, oo ay weheliyaan agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran iyo Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey dhismaha taallo casri ah oo xambaarsan Astaamaha taariikhihii ugu waaweynaa ee ay Somaliland soo martay, taas oo laga dhisi doono meel u dhow madxafka qaranka ee uu dhismihiisu ka socdo badhtamaha caasimadda Hargeysa.

blankMunaasibadda shaacinta dhismahan oo lagu soo bandhigay naqshaddda taalladaas iyo qaabka ay u ekaan doonto, ayuu agaasimaha guud ku faah-faahiyey ujeeddada laga leeyahay taalladan iyo waxyaabaha ay ka koobnaan doonto, waxana uu sheegay inay taalladu qayb ka tahay dhismaha madxafka weyn ee qaranka oo uu dhismihiisu socdo, kaas oo kamid ah midhaha siyaasadda madaxweynaha qaranka.

Agaasimaha guud madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, ayaa sharraxay astaamaha sida gaarka ah uga muuqan doona taalladan oo diyaaradda Khayriyadda agteeda saarani qayb ka noqon doonta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Taalladani waxay koobsanaysaa taariikhda Somaliland oo dhan, diyaaraddanina waa qayb kamid ah taarikhihii oo ah dhibaatadii dalkan ka dhacday, laakiin taariikhaha Somaliland way ka badan yihiin, waxana ay kasoo bilaabmaysaa xilligii gumaystuhu dalka qabsaday, halgankii gobonnimo-doonka, halgankii Daraawiishta, iyo kuwii ka dambeeyey oo dhan.”

Taalladan dhismaheeda la bilaabi doono, ayaa ah mid casri ah oo ay ka muuqan doonaan Astaamaha ugu waaweyn ee Taariikhda Somaliland, halkaas oo ajaanibka dalka soo booqdaa si dhib yar uga daalacan doonaan dhammaan wixii dalkani soo maray.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories