HomeAgaasimaha Guud ee Daakhiliga oo Xilka u kala wareejiyey Badhasaabkii hore iyo...

Agaasimaha Guud ee Daakhiliga oo Xilka u kala wareejiyey Badhasaabkii hore iyo Kane e Cusub ee gobolka Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, 15 January, 2012 (SLpost)- Badhasaabka cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolka Gebilay ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay badhasaabkii hore ee dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland xilka ka qaaday.
blankMunaasibadda xil wareejinta ayaa waxa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Xuseen Cabdilaahi Cige (Balaaki), Maayarka Magaalada Gebilay Khadra Xaaji Gaydh, Gudoomiyayaasha degmooyinka hoos taga gobolkaas iyo marti sharaf kale.
Mudane Cali Aaden Meecaad oo ahaa badhasaabka xilka wareejinayay oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxqabadkii u hirgalay mudadii uu xilka hayay waxaanu xusay in baahi weyn loo qabo sidii dhinac looga soo wada jeedi lahaa ilaalinta nabadgalyada isagoo u soo jeediyay shaqaalaha iyo madaxda kale ee gobolku inay si ka wanaagsan sidiisii ay ula shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub.

blank
Badhasaabka Cusub ee Gabiley

Sidoo kale Badhasaabka Cusub ee Gobolka Gebilay Mudane Xuseen Cumar Magan oo madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay sida uu Gudoomiyihii hore xilka ugu wareejiyay waxaanu balanqaaday in intii awoodiisa ah aanu waxba kala hagran doonaan wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee Gobolka isla markaana uu mas’uuliyad iska saari doono wax kastoo la xidhiidha horumarka iyo socodsiinta maamulka dawladeed.
blankAgaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Xuseen C,laahi Cige Balaaki ayaa sheegay inay tahay sunaha dawladeed in qofka xilka laga qaadi karo si taas badalkeeda loo helo cid la bido inay ka firfircoon tahay waxaanu Agaasimaha Guud u mahadceliyay gudoomiyihii hore mudadii uu qarankiisa u shaqaynayay, isagoo u ilaahay uga baryay inuu gudoomiyaha cusub u fududeeyo mas’uuliyada balaadhan ee garbaha loo sudhay.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadashay Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo mas’uuliyiin kale .

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories