HomeAgaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Xilka kala Wareegay Agaasimihii...

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Xilka kala Wareegay Agaasimihii ka horreeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Badheedhihii Agaasimaha Cusub ee Baanka Dhexe iyo Baanista Agaasimihii Hore Oo Wax-qabadkiisa looga Markhaati-kacay

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Cusub ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim, ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii Guud ee Hore Mukhtaar Cabdi Quule oo muddo laba sanno ku dhow xilka hayey.

Munaasibad ay labada masuul xilka kula kala wareegeen oo ku qabsoontay xarunta Baanka Dhexe, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe, Agaasime waaxeedyada iyo Guddiga Sare ee Baanka Dhexe, Xildhibaanno, masuuliyiin ka socday hay’adaha Maaliyadeed ee dalka, shaqaalaha Baanka Dhexe iyo marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay Agaasimihii hore ee Baanka Dhexe Mukhtaar Cabdi Quulle oo ka warbixiyey waxqabadyadii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, waxaanu u mahad-celin u jeediyey masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada baanka Dhexe oo uu xusay inay si hufan ula shaqeeyeen muddadii hayey.

Mukhtaar Cabdi Quulle waxa uu ku dheeraaday tallaabooyinkii u horreeyey ee ay qaadeen markii xilka loo magacaabay oo uu xusay inay ugu horeeyeen qiimeyn iyo xog-ururin ay salka ugu dhigeen helitaanka xogo rasmi ah oo la xidhiidha hawl-qabadyada muhiimka ah ee ku saabsan hawlaha uu qaranka u hayo Baanka Dhexe ee Somaliland.

“Waxa aan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uga mahad-celinayaa fursadda uu ii siiyey inuu ii magacaabo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo ka mid ah xilalka ugu sarreeya.

blank
Agaasimihii hore ee Baanka Dhexe

“Waxaanu dib-u-eegis u samaynay qaab-dhismeedka iyo tamarta wax-qabad iyo Fulinta Shaqada Joogtada ah ee waaxyaha Baanku ka kooban yahay.

“Muddadii aan xilka hayay waxa suuro galay waxyaabo muhiim u ah shaqada Baanka iyo Hay’adaha maaliyadeed ee dalka,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimihii hore ee Baanka Dhexe Mukhtaar Cabdi Quulle.

blank
Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Somaliland

Guddoomiyaha ururka Baangiyada Gaarka loo leeyahay iyo Guddoomiyaha sarrifleyaasha. ayaa soo dhaweeyey Agaasimaha cusub, waxaanay Agaasimihii hore ee Baanka dhexe uga mahad-celiyey wada-shqayntii dhexmartay muddadii uu xilka hayey iyo sida hufan ee uu masuuliyadda xilka loo igmaday umadda ugu adeegay.

“Waan soo dhaweynayaa Agaasimaha cusub, waxaan leeyahay ku soo dhawaw shaqada maaliyadda iyo hawlaha ay hayaan, agaasimihii horena waxaan qirayaa inuu yahay qof aad u qiimo badan, waxaana agaasimahayagii walina wuu yahay,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ururka Baananka ee Somaliland.

blank
Guddoomiyaha Komishanka Tamarta ee Somaliland

Guddoomiyaha Komishanka Tamarta ee Somaliland Axmed Faarax Cadarre, Agaasimaha Komishanka Maamul-wanaagga Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka tirsan Golaha guurtida Somaliland, ayaa ka markhaati kacay wax-qabadyadii uu baanka Dhexe ku soo kordhiyey Agaasimihii hore, waxaanay agaasimaha cusub oo ay ku tilmaameen nin dhalinyaro ah oo Aqoon leh ugu duceeyeen inuu Eebbe xilka ku asturo.

blank
Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Dhex ee Somaliland

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa madasha xil-wareejinta ka sheegay wax-qabadyadii uu hawlaha Baanka Dhexe ku soo kordhiyey Agaasime Mukhtaar Cabdi Quulle. “Wax-qabadyada uu Agaasimuhu sheegay iyo in la mideeyo xogta waaxyaha Baanka Dhexe, isagaa iska lahaa oo allifay Agaasimuhu, waana nin firfircoon oo wax bartay,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo sidoo kale sheegay inay maamul ahaan qalbi furan ku soo dhaweynayaan lana shaqaynayaan Agaasimaha Guud ee Cusub Maxamed Qaasim

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim oo isaguna munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa sharraxaad ka bixiyey qorsheyaasha waxqabad ee uu filayo inuu ku hoggaamin doono masuuliyadda hawl-qabad ee Xilka loo magacaabay, waxaanu madaxweynaha uga mahad-celiyey inuu fursad u siiyo una magacaabo xilka Agaasinka Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland.

blank
Agaasimaha Guud ee Baanka Dhex ee Somaliland

“Madaxweyne, sida aad ii sharaftay ee ii karaamaysay, insha Allah aniguna waxaan u gudan doonaa xilkayga, laakiin waxaan doonayaa maadaama aan nin dhalinyaro ah ahay mustaqbalkeyga dambe inay noqoto mid aan u aayo oo la yidhaahdo waar xilkaas ninkaas ayuunbaa ka soo bixi kara,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim.

Gebo-gebadii, waxa munaasibadda ka hadlay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md Cali Aadan Daahir oo jeediye weedho uu soo dhaweynayo Agaasimaha cusub kuna sagootinayo Agaasimihii Guud ee Hore.

blank
Guddoomiyaha Baanka Dhex ee Somaliland

“Agaasime Mukhtaar muddadaas uu nala joogay dedaal badan, Shaqo-wanaag iyo Aqoon ayaanu uga markhaati-kacaynaa, Agaasimaha Cusubna waxaan leeyahay ku soo dhawow waaxdan ballaadhan oo ay Bangiyada iyo Xawaaladuhu ka mid yihiin,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe.

Gunaanadkii munaasibadda, waxa halkaas xilka kula wareegay Agaasimaha Guud ee dhawaan madaxweynuhu u magacaabay Baanka Dhexe Maxamed Qaasim oo Agaasimihii ka horreeyey Mukhtaar Cabdi Quulle ka guddoomay documentiyo xambaarsan xogta masuuliyadda Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.

blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories