HomeAgaasimaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Xilka la wareegay

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Xilka la wareegay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku xigeenada arrimaha gudaha ee amniga iyo maamulka gobolada ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey ku simihii  Agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo Agaasimaha cusub dhawaan u magacaabay Madaxwaynaha JSL .

Xaflada xilwareejinta oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Wasaarada Amuuraha Gudaha waxa ka soo qayb galay Taliyaha ciidanka difaaca iyo ilaalada xeebaha, maayir ku xigeenka caasimada hargeisa, agaasimayaasha  waxyaaha kala duwan   ee  shaqaalaha iyo wasaaradaasi.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Isla markaana ah Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradaasi Maxamed Cismaan Dube oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay Guud ahaan shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Gudaha oo uu ku sheegay Laba Boqol iyo Lix iyo Sodon hawl wadeen,waxaa kale oo uu Agaasimahani u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed  Maxamed Maxamud Siilaanyo,oo dhalinyarada ka qayb galiyay saaxada siyaasada Somaliland .

blankSidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdisamad Cumar Maal oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si daacadnimo iyo hufnaani ka muuqato u gudan doono hawlaha xasaasiga ah ee Wasaaradani u xilsaaran tahay,Waxaanu ka dalbaday shaqaalaha wasaarada inay si wadajir ah ula hawl galaan.

Waxaa kale oo goobtaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada Arrimaha Gudaha C.laahi Abokor Cismaan oo faahfaahin ka bixiyay Waaxyaha ay Wasaaradani ka kooban tahay,isagoo sheegay in Wasaaradani ay ku xidhan yihiin Ciidanka Booliska,Ilaalada Xeebaha, Maamulka 13-ka Gobol ee Somaliland ka kooban tahay iyo Guud ahaan Degmooyinka dalka,Wasiir ku xigeenka Amnigu waxa uu intaas ku daray inay u balan qaadayaan Agaasimaha Guud ee Cusub inay ka gacan siiyaan Gudashada Waajibaadka loo soo igmaday .

Wasiir ku xigeenka dhinaca Maamulka iyo Gobolada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Madaxweynuhu u soo magacaabo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi qof dhalinyaro ah isla markaana ay ka muuqato firfircooni, Waxaanu eebe uga baryay inuu ku soo asturo Xilkaas Culus ee loo soo igmaday. Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Maayar ku xigeenka Caasimada hargaysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Agaasimahan Cusub ee maanta xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha la wareegay, ayaa madaxweyne Siilaanyo todobaadkii hore magacaabay ka dib markii Agaasimihii hore ee wasaaraddaas loo magacaabay Axmed Cumar Faahiye uu xilka wasaaraddaas uga cudur-daartay inaanu sababo caafimaad awgeed shaqadaas loo igmaday u sii wadi karin.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories