HomeAgaasimaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Xilkii La Wareegay

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Xilkii La Wareegay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda arrimaha dibada somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq  ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay agaasimihii hore ee wasaaradaasi Maxamed Xasan Siciid.
Munaasibad aad loo muuneeyay ayay labada Masuul xilalka kula kala wareegeen, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka arrimaha dibada, wasiir xigeenka, shaqaalaha wasaarada, masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Xasan Siciid oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaa  uu xilkan madaxweynuhu ii magacaabey 2013 bishii July waxaana ay aheyd shaqadii saddexaad ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland  ii magacaabo  mudadii ay xukuumadani jirtey  runtiina xilalkaas la ii magacaabey waxaa ay aheyn qaar la igala tashadey oo aan wax badan ka ogaa  inta badanna dalab aan anigu dalbadey ku yimid”

“Maanta xilkan aan wareejinaayo waa xil aan anigu gartey in aan wareejiyo  mudana aan ku  hawlanaana in xilkan cidii qaban laheyd ee hanan laheyd aniga dabaday  loo soo magacaabo   dhawr jeerna madaxweynaha aan u gudbiyey istiqaaladeed  waxanan maanta ku faraxsanahay in xalkii loo soo magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq  oo aan is  leeyahay waa  masuul hanan kara shaqadan  waxaanan leeyahay ku soo dhawoow” Ayuu Yidhi Agaasimihii Hore ee Wasaarada Arimaha Dibada  Somaliland Mudane Maxamed  Siciid Xassan

Sidoo kale waxaa isna dhinaciisa Hadalo kooban ka yidhi agaasimaha cusub ee loo soo magacaabey wasaaraddaasi mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq   waxaana uu yidhi “ Marka hore  waxaa mahadda iska leh madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo gartey in uu xilkan ii magacaabo xukuumaddan waxaan odhan karaa waa xukuumaddii dhalinyarada waxaana aad ka garan kartaa waxaa xilka igu wareejinaya nin dhalinyaro ah waxaana la wareegaya aniga oo ah nin dhalin yaro ah”

“Runtii waxaan ku da daali doona sidii aan uga soo bixi lahaa xilkan la ii magacaabey waxaana  shaqaalaha wasaardan shaqo wacan  baan idiin rajeynayaa” ayuu yidhi agaasimaha cusub ee  loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq  .

Gabogabadii wasiirka wasaaradda arrimaha dibada somaliland Maxamed Biixi yoonis ayaa madasha ka jeediyey hadallo kooban waxaanna uu yidhi  “ Waxaannu aad iyo aad u soo dhaweynaynaa Cabdiraxmaan Ab Deeq  Agaasimaha cusub ee wasaaraddan loo soo magacaabay  waxaana sidoo kale si kalgacayl ah aannu u sii sagootinaynaa  Maxamed  Xasan Siciid oo aad iyo aad  noola shaqeeyey  runtiina   Maxamed Isaga ayaa talada goostey in uu shaqada ka tago  istiqaaladiisii mar hore ayuu dhiibey  aniga iyo madaxweynaha ayuu noo dhiibey  balse waxaa aannu ka codsanay in uu  in yar nala sii joogo  aad iyo aadna waan kugu mahad naqaynaa in aad naga ajiibtey  oo aad arinkaas aan kula nimid aad naga aqbashey  maantana aad iyo aad baannu ugu faraxsanahay in uu  badelkiisii oo cabdiraxmaan ahi nala joogo waxaana aanu leenahay soo dhawoow cabdiraxmaan “ ayuu yidhi wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Ugu danbeyntii wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa waxaa uu si rasmo ah xilalka ugu kala wareejiyey agaasimaha cusub ee wasaarada arimaha dibada iyo agaasimihii hore .

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories