HomeAfti Muujisay in Aqlabiyadda Dadweynaha Ingiriisku ka soo Horjeedaan in Dawladoodu Weerar...

Afti Muujisay in Aqlabiyadda Dadweynaha Ingiriisku ka soo Horjeedaan in Dawladoodu Weerar ku Qaado Suuriya

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

London (SLpost)- Dadweynaha dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa si lama filaan ah uga soo horjeestay in dalwaddoodu weerar ku qaado goobaha ay haystaan kooxda ISIS ee gudaha waddanka Suuriya.

Hasayeeshee, Aqalka Wakiillada (House of Commons) ee dalka Ingiriiska oo ka kooban 650 xubnood, ayaa- mooshin xukuumaddu soo gudbisay oo la xidhiidhay in loo ogolaado sidii diyaaradaha dagaalka ee Boqortooyada Uk u duqayn lahaayeen degaannada kooxda dawladda Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish ka taliyaan ee dalka Suuriya.

Aqalka Wakiillada ee dalka Ingiriiska oo tiradiisa guud dhan tahahay 650 mudane, waxa ugu tiro badan xisbiga muxaafidka ah ee la yidhaahdo Conservative Party oo haysta 331 xubnood oo Golaha Wakiillada ah, halka xisbiga ugu weyn mucaaridka ah ee shaqaaluhu (Labour Party) uu haysto 232 mudane, iyadoo guud ahaan xisbiyada mucaaridka ah haystaan 319 xubnood.

Dhinaca kale, Sahan qaab afti ah looga qaaday Ingiriiska gudihiisa oo natiijadeeda la shaaciyey Arbacadii daraad ayaa muujisay in dadweynuhu ka soo horjeedaan tallaabo millateri oo ciidammadooda loogu diro kooxda ISIS, taas oo ku soo beegantay waqti dawladda Ra’iisal-wasaare David Cameron bilowday qorshe ay horgaysay Baarlamanka si uu ugu ansixiyo duqaymo dhanka ah oo laga fuliyo goobaha ay xooggan tahay Daacish.

Aftida ayaa dadkii aragtidooda lagu waydiiyey in dawladda Ingiriisku weerarto kooxda ISIS ay wax ka yar kala badh oo ah boqolkiiba 48% ay ogolaadeen tallaabada millatari, halka boqolkiiba 31% kale ka soo horjeesteen arrintaasi. Sidoo kale, 42% ka mid ah shacabka Ingiriiska ayaa u arka in aan duqayn cirka ah oo keliya lagu jabin karin kooxdan, sidaasi darteedna aanay wax macno ah lahayn in diyaarado loo diro Suuriya.

Waxa kaloo sahankan lagu ogaaday in dadka sida wayn uga soo horjeeda duullaanka Ingiriisku ay u badan yihiin dumarka oo boqolkiiba 36% aanay doonayn qorshaha dawladda, halka tirada ragga ee diidan duqayntu tahay 26%, iyadoo tiradaasi ahayd 58% laba toddobaad ka hor kadib markii Faransiiska la weeraray.

Xisbiga mucaaradka Labour oo sahankani caddeeyey in boqolkiiba 42% ah taageerayaashiisa ay ka soo horjeedaan in diyaaradaha dagaalka ee Ingiriisku ka qaybgalaan duullaanka xulafadu Maraykanku hoggaaminayaa ku duqaynayaan ISIS, ayaa hoggaamiyaha xisbigan Mr. Jeremy Corbyn, waxa uu ku tilmaamay weerar lagu qaado goobaha ay ku xooggan yihiin ISIS mid natiijadiisu noqonayso uun khasaare soo gaadha dad shacab ah oo aan waxba galabsan, balse aannu wax kale keenayn.

“Kadib weeraradii Ciraaq, Afgaanistaan iyo Liibiya, fikirka Ra’iisal-wasaaruhu ku donayo in loo codeeyo duqayn cirka ah waxay maskaxda xasuusinaysaa dhibaatada cawaaqibka xun ee ka dhalanaya. Wadahadallo nabadeed oo keliya ayaa lagaga hortigai karaa khatarta ISIS,” ayuu yidhi Mr. Jeremy.

 

Xigasho-Maankaab

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories