HomeAfti Madaxbanaani iyo Ka Sii Mid Ahaanshaha Dalka Sudan Oo Gobalka Dagaaladu...

Afti Madaxbanaani iyo Ka Sii Mid Ahaanshaha Dalka Sudan Oo Gobalka Dagaaladu Aafeeyeen Ee Daafur Looga Dareeray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sudan(Slpost)-Gobolka Darfur ee ku yaalla galbeedka Sudan ayaa waxaa maanta ka bilaabmeysa afti ay dadkiisa u qaadayaan inuu sii ahaado shanta qeybood uu hadda yahay, ama inuu noqdo gobol maamul qura leh.

daafur

Codbixinta maanta ayaa qeyb ka ah hannaanka nabadeed ee ay xooggaga mucaaradka ku doonayaan ismaamul goboleed siyaasad ahaan ka madax bannaan dowladda Khartuum.

Balse waxaa walaac laga muujinayaa kalsoonida lagu qabi karo aftida, maadaama ay dagaalo ka socdaan qeybo ka mid ah Darfur, isla markaana aan la diiwaangelin boqolaal kun oo dad barakacayaal ah.

Balse madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir – oo ay doon-dooneyso maxkamada caalamiga ah ee dembiyada- ayaa ku adkeystay in afti xor ah ay ka dhacayso gobolkaasi.

Aftidan ayaa waxaa go’aan looga gaarayaa mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Darfur, ka dib 13 sano oo uu halkaasi ka socday dagaal wajiyo badan lahaa, ayna ku dhinteen dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof.

Xooggaga mucaaradka ayaa muddo dheer dalbanayay in awood goboleed la siiyo si meesha looga saaro faragalinta ay xukuumadda Khartuum ku hayso arrinta lahaanshaha dhulka ee gobolkaasi.

Balse kooxihii marka hore doonayay aftidan ayay hadda u badan tahay in ay qaadacaan, ayaga oo sheegaya in aanay si madax bannaan ku dhici doonin.

Mareykanka ayaa sidoo kale walaac noocaasi ah muujiyay, waxaana uu sheegay in aftidan aan loo tixgalin karin mid cadaalad ku dhacaysa, ayna wax u dhimi doonto hannaanka lagu xasilinayo Darfur.

In ka badan laba iyo bar milyan oo qof ayaa weli ku barakacsan gudaha Darfur, waxaana dad ka badan boqol kun ay guryahooda uga qaxeen dagaalo soo cusboonaaday sanadkan, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Madaxweyne Al-Bashir ayaa sheegay in barakacayaasha ay codkooda ka dhiiban doonaan aftida, balse xooggaga mucaaradka ayaa sheegaya in dadkaasi aan la diiwaangelin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories