HomeAfsoomaaliga Iyo Teknoloojiyada – W/Q: Cabdalla Xaaji Cusmaan

Afsoomaaliga Iyo Teknoloojiyada – W/Q: Cabdalla Xaaji Cusmaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Cabdalla_Xaaji_CusmaanSannadkii 1972kii markii la hirgeliyey qoraalka Afsoomaaliga waxa suura galay in la diiwaan geliyo suugaanta iyo dhaqanka hodanka ah ee aynnu ku faanno, hawshaa oo ay iska xil saareen aqoonyahanno badan. Dhinaca kale, dawladdii Kacaanka ee dalka ka talinaysay waxay meel marisay erey-bixin badan oo loo aayey, hasayeeshee waxa laga seexday amma aad u yaraa erey-bixinta sayniska iyo teknolojiyada. Kadib burburkii dawladdii Somalia waxa meesha ka baxday Akadamiyadii u xil saarnayd ururinta, kaydinta, ilaalinta iyo horowmarinta afka soomaaliga. Akadamiyadu waxa kale oo ay ahayd goob ay ku kulmaan aqoonyahanka cilmi baadhista afafka ku hawlanaa.

Inkastoo burbur dhacay haddana kamay hor joogsan inay cilmi-baadhayaal badan oo waxgarad ahi hawshooda sii wataan si ay u sii horowmariyaan Afka soomaaliga. Runtii ma tiro yara dadka guntiga u gaabsaday in afka hooyo la jaan-qaado afafka dunida ee horumarka ballaadhan ku tallaabsaday. Raggaa waxaan ka soo qaadan karaa qoraaga caanka ah ee la yidhaa Cabdiraxmaan Cali Faarax (Barwaaqo) oo dad badan oo soomaaliyeed ku xasuustaan qaybtii libaax ee uu ka qaatay dooddii miisaanka maansada soomaaliyeed ee sannadkii 2008dii. Dooddaas oo uu si aqooni ku ladhan tahay isla markaana qoraallo cadcad wadata kuna salaysan aftahannimo u soo bandhigay qoraalladiisa. Cabdiraxmaan Barwaaqo waa aqoonyahanka keliya ee isagoo isku kalsoon ururiyey qoraalladii ku saabsanaa doodda miisaanka maansada, ee buug ka soo saaray si ay jiilasha dambe u ogaadaan dooddaas bilawgeedii iyo dhammaadkeedii. Cabdiraxmaan waxa kale oo uu qoray buugaag badan iyo qoraallo aan halkan ku soo koobi karin.

Ujeeddada aan qalinka u qaatay maaha inaan ka warramo qoraalladiisa oo dhan, ee waa inaan wax yar ka ifiyo aqoonta uu ku soo kordhiyey adeegsiga teknolojiyada ee Afsoomaaliga. Sannadkii 2007dii waxa uu soo saaray buugga la yidhaa, Hal-bixinta ereyga kumbuyuutarka( Computer terms in Somali.) Sida ka muuqata magaciisaba waa buug ay ku dhan yihiin ereyada loo adeegsado kumbuyutarka oo loo hal-tebiyey ( Tarjumay.) afsoomaali. Waad garan kartaa dhibta iyo baaxadda ay leedahay in erey-bixin loo sameeyo teknoloojiyada casriga ah ee dunida maanta ka shaqaysa. Waa hawl u baahnayd akademiya kulmisa dad badan iyo dhaqaale ay ku hawl galaan. Isagoo taas og ayuu qoraagu laabta u dhigay hawshaa adag. Erey-bixin markaannu maqallo, maskaxdeenna waxa ku soo dhacda in ereyo cusub loo abuuro si looga maarmo ereyada qalaad. Horeyna way u dhacday Erey-bixin cusub oo loo abuuray iyo qaar la isku toltolay in la meel mariyey oo hadda lagu dhaqmo.

Haddaba Cabdiraxmaan Barwaaqo markuu u xamaan qaatay erey-bixinta kumbuyuutarka, uu ka leexday waddadaa hore, wuxuuna u baydhay oo uu dhex qaday dhaqankii iyo nolosheennii miyiga, gaar ahaan agabka reer miyigu adeegsadaan, halkaas oo uu si cilmiyeysan ugala soo dhex baxay erey-bixinta buuggan ku qoran oo dhan. Runtii aad iyo aad baad ugu bogaysaa oo aad ugu qushuucaysaa sida qurxoon ee uu ula soo baxayo ereyada iyo sida uu ugu hal-tebinayo bartii u baahnayd. Arrintaa waxa u suura gelisay waa aqoonta durugsan

ee uu u leeyahay Afsoomaaliga, dhaqanka iyo nolosheenna miyiga. Bishii Feb. ee sannadkii 2012kii, mar uu erey-bixinta kombuyuutarka ku soo bandhigay huteel Maansoor( Hargeysa) isagoo adeegsaday qaab casriyeysan, boqollaal

ardayda jaamicadaha dhigata ah oo habeenkaa nasiib u yeelatay baa aad iyo aad ugu guuxday uguna bogtay. Waxan ku talin lahaa qaabkaa erey-bixinta

kumbuyuutarka ee uu dejiyey Cabdiraxmaan Barwaaqo in dadka Soomaaliyeed wada qaataan isla markaana waxbarashada jaamicadaha lagu daro, waayo? Waxaan u arkaa midho bisil oo aynnu si fudud u liqi karno.

TALLAABO LABAAD OO DHAXAL GAL AH

Waxa kale oo dhawaan hirgalay tallaabo dhaxalgal ah oo lagu horumarinaayo suugaanteenna qaaliga ah iyadoo loo adeegsaday teknoloojiyada cusub ee kombuyuutarka. Waxa degelkan cusub iyo aqoontan soo kordhiyey kadib markay muddo sanooyin badan ah soo wadeen labada aqoonyahan ee kala ah. Cabdiraxmaan Barwaaqo iyo Xuseen Liibaan ( Mataan). Cilmi baadhis kasta oo

wadajir loo sameeyo waxa ka dhasha horowmar ballaadhan oo laga gaadho

hawshii guntiga loo gaabsaday, Hadraawina waa kii lahaa;

Galadduna waxay saaran tahay wax isku geygeyne

Gabayaagii kale ee Cabdillaahi Muusena waa kii yidhi,

Tabantaabaday laba gacmood tabar ku yeeshaane

Tiska waxa la qaadaa markay, tiirisaa bidixe

Hadday midigtu keli taagan tahay, tahar ma goyseene

Qaabkan casriga ah ee ay kumbuyuutarka u adeegsadeen waa mid kuu saxaya haddaad suugaan qoraysid, kuuna tilmaamaya haddii laaxin iyo deelqaaf ku jiraan. Inta aan guda gelin qaabkan cusub ee ay dejiyeen aqooyahanku, aan isweydiinno, sidee loo gartaa haddii bayd gabaya amma maanso ah laaxin amma

deelqaaf ku jiro? Si aynnu warcelin cad u hello laba qaybood baan u kala qaadaynaa. Hirgelintii qoraalka afsoomaaliga ka hor iyo kadib, gaar ahaan markii la helay miisaanka maansada soomaalida. Kahor qoraalka Afsoomaaliga suugaanta ay laaxin iyo deelqaaf ku jiraan amma jaban nimba siduu u yaqaan, dhegta ayaa lagu garan jirey, weliba ruuxa gabayaaga ah iyo suugaan-dhaadhiga umbaa garta oo fahma. 1972kii, markii qoraalka afsoomaaligu hirgalay ayaa aqoonyahanno badan oo soomaali iyo shisheeyaba lihi tartan xoog leh u galeen sidii uu nin waliba u heli lahaa miisaanka maansada soomaalida, waayo? Qoraalka afsoomaaliga ayaa

furihii noqday. Bishii Jeneweri 17dii, 1976kii ayaa markii ugu horreysay wargeyskii Xiddigta Oktoobar lagu soo qoray miisaanka maansada soomaalida,

taas oo uu ku soo qoray aqoonyahankii sharafta iyo qaddarintaba ku lahaa bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, Allaha u naxariistee macallinkeennii suugaanta, Pr. Maxamad Xaashi Dhamac Gaarriye. Waxa kale oo isna dedaalkiisii guul ka gaadhay Pr. Carraale oo sannadkii 1978kii wargeyskii Xiddigta Oktoobar ku soo saaray miisaanka maansada soomaalida ee uu helay,

Hasayeeshee qaabkii Gaarriye helay ee uu dejiyey uu ka duwanaa.

Berigaa kadibna dadka suugaanta qora sahal bay u noqotay inay maansada ay diiwaan gelinayaan ku laaxin tiraan isla markaana ay ogaadaan badda amma godka ay ka soo jeeddo. Ardayda dugsiyada ku jirtana way u fududaatay barashada suugaantu.

Aan u soo noqdo dulucda qoraalkayga oo ah, Teknoloojiyada iyo afsoomaaliga. Sida aan ka barannay sooyaalka dunida, aqoonta waa la kala dhaxlaa oo ninba meel ayuu soo gaadhsiiya, muddo kadibna qaar kale ayaa halkii ka sii qaada oo horowmariya. Haddii uu shalay Pr. Gaarriye dedaal weyn

u galay helidda miisaanka maansada isla markaana uu wax weyn ku soo kordhiyey suugaanta afka hooyo, waxa maantana iyagoo adeegsanaya teknoloojiyada casriga ah horumar ballaadhan u soo hooyey suugaanta soomaalida Cabdiraxmaan Barwaaqo iyo saaxiibkii Xuseen Liibaan ( Mataan ).

Waan hubaa inay jireen aqoonyahanno soomaali iyo shisheeyaba ka kooban

oo dedaal u galay sidii ay horteenna u keeni lahaayeen qorme kan la mida oo kuu saxaya maansada. Hasayeeshee waxa guulaystay labadan aqoonyahan oo markii u horreysay dunidan casriga ah soo saaray Qorme Kombuyuutar oo kuu saxaya suugaanta soomaalida, sidaana ku galay sooyaalka soomaalida oo abid la xusi doono. Waxa keliya oo ay innaga mudan yihiin inaynu u hambalyeyno kuna bogaadinno aqoontaa dhaxalgalka ah ee ay soo hooyeen.

Si aynnu uga boganno qaabkan casriga ah ee kuu saxaya suugaanta waxay aqoonyahanku innoogu deeqeen degelka la yidhaa, www.halgeri.com

Faahfaahin iigama baahna iyo inaan tilmaamo ka bixiyo, waayo? Marka si toosa loo galo amma aad booqato degelkan, isaga ayaa si fudud oo aqooni ku jirto kuu hagaya, waana hubaal inaad si weyn uga bogan doontid haddii Alla idmo, sida aan aniguba ugu riyaaqay.

Wax jira Alla og

Ilaah innaga war roon

Waa nabad

Cabdalla Xaaji Cusmaan

cabdalla_xaaj@yahoo.fr 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories