HomeAfhayeenkii hore ee Duulista oo bogaadiyey Maareeyaha Cusub ee loo magacaabay Hay’adda...

Afhayeenkii hore ee Duulista oo bogaadiyey Maareeyaha Cusub ee loo magacaabay Hay’adda Duulista Hawada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenkii hore ee Duulista Hawada ee Somaliland Ismaaciil Cali Axmed, ayaa bogaadiyey xilka Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada oo madaxweynuhu maanta u magacaabay Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan kaddib markii uu isla maanta xilka ka qaaday Maareeyihii hore ee hay’addaas Cabdi Maxamed Rodol.

Maareeyaha Cusub ee Hay’adda Duulista Hawada Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa xilligan ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Ismaaciil Cali Axmed oo qoraal xambaarsan hambalyo iyo waayo-aragnimada shaqo ee masuulka hay’addaas loo magacaabay qoraal kooban kaga hadlay, waxa uu sheegay in masuulkani waayo-aragnimo iyo aqoon dheeraad ah u leeyahay xilka loo magacaabay isla markaana uu wax badan ka qaban doono waxa uu ku tilmaamay fadhiidnimo regaadisay hawshii ay qaranka u haysay hay’adda Duulista Hawadu.

Qoraalka uu Ismaaciil Cali arrimahan kaga hadlay, ayaa u dhignaa sidan:-  “Hambalyo Maareeyaha Guud Ee Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda Somaliland Cumar-Zayid C/laahi Aadan.

Masuulkan oo aanu wadashaqaynaynay mudo dheer Wakhtigayaga ugu badnaana ee xaga shaqaduna ahaa Hay’addan loo magacaabay oo uu hore uga ahaa Agaasime Guud wakhtigaasi wuxuu gaadhsiiyey Horumar balaadhan waxaanu halkaa kala shaqeeyay Wasiiro dhawra, Hada waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka waxaa hubaala Hay’adaas Duulista oo wakhtigan dib u dhac curyaamiyey oo ka yimi xaga Masuulka hada xilkaasi laga qaaday in Hay’addaasi ka soo kaban doonto, waana sababta looga maarmi waayey Cumar Zayid.

blankDhanka kale Cumar Zayid waa Masuul Aqoon iyo Waayo aragnimo dheer leh oo fahamsan iskaashiga Masuuliyiinta Dawladu fa’iidada uu leeyahay waanu la jaanqaadidoonaa Wasaaradda Gaadiidka oo Hay’addan oo madaxbanaani ay u tahay (Line Ministry), dabcan Wasiir Cabdilaahi Abokor oo ay si fiican wakhtigan u wada shaqeeyaan waxay noqon doonaan kuwo iskaashada oo Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ku soo celiya Xayndaabka Hay’addaha Dawlada iyo Sharciga, Hayaddaasi waxa ay gadoon kaga jirtay isku xidhnaanta Hay’adaha Dawladda ee kale, waxaanay u muuqtay goob cid gaar ahi afduubtay.” Sidaas ayuu Ismaaciil ku yidhi qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories