HomeAfhayeenka Xisbiga Kulmiye ee North America oo iftiimiyey talooyin si heer Qaran...

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee North America oo iftiimiyey talooyin si heer Qaran ah looga Gudbi karo Aafada Abaaraha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Denver (SLpost)- Afhayeenka Xisbiga Muxaaradka ah ee KULMIYE u qaabilsan qaaradda Woqooyiga Ameerika, Farhan Ahmed Mohamoud, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, gaar ahaan Faraciisa North America, ayaa baaq xambaarsan talooyin dhaxal-gal ah ka dhiibtay qaababka lagu wejihi karo xal loo raadiyo samaynta ka dhalatay Aafada Abaarta eek u habsatay deegaamo ka tirsan gobollada dalka.

Farhan Ahmed (1)Abaartan oo ilaa wakhtigan saamaynteedu ka taagan tahay dhammaan gobollada ay Abaartu ku dhufatay isla markaana saamayn ku yeelatay nolosha miyi iyo magaalo, ayaa dalka ka curatay badhtamaha sannadkii tagay, taas oo dadka xoolo-dhaqatada ah ee ay saamaynta ku yeelatay oo badankoodu ku dhaqan goboolada Bari ku khasabatay in loo daad-gureeyo ama ay u hayaamaan gobollada Galbeedka ee dalka oo ka soo kabtay abaaro ba’an oo ku dhuftay dabayaaqada Sannadkii ka horeeyey.

Dhibaatada ka taagan Abaarta oo saamaysay nolosha Reer Guuraaga, ayaa sababtay dib u dhac ku yimi doorashada Madaxtooyada oo lagu waday inay sannadkan horaantiisa ka qabsoonto dalka, waxaana go’aan midaysan oo maalintii Salaasada ee todobaadkan ay isugu yimaaddeen hoggaanka Saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinka lagu go’aamiyey in muddo lix bilood ah dib loo dhigo doorashooyinka maadaama oo shacabkii ka qayb-qaadan lahaa doorashada qayb ka mid ah la tabaalaysan yihiin aafada Abaarta.

Farhan Ahmed (3)Haddaba, Afhayeen Farxaan Axmed Maxamuud oo baaqiisan ku soo bandhigay Afar Qodob oo uu u arkan inay muhiim u yihiin xakamaynta ama xal u helidda Aafada Abaarta ee dalka ka taagan oo saamaysay nolosha miyi iyo magaalaba, waxa uu ku baaqay in Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye lagula garab-joogsado gurmadka gargaar ee dadka ku tabaalaysan gobollada dalka qaarkood.

Mr Farhan waxa kale oo uu ku baaqay in xukuumaddu soo dhawayso cid kasta oo ka qayb-qaadanaysa gargaarka dadka tabaalaysan isla markaana meel layska dhigo arrimaha siyaasadda, iyadoo muhiimadda la siinayo danta guud. Waxa kale oo uu Afhayeen Farxaan Axmed soo jeediyey in si heer qaran ah oo xukuumaddu hormood ka tahay looga qayb-qaato Qiimayn ballaadhan oo lagu sameeyo khasaaraha ka dhashay Aafada Abaarta taagan.

War-murtiyeed qodobaysan oo ka soo baxay Xafiiska Xisbiga Kulmiye laantiisa Woqooyiga Maraykanka ayaa u qornaa sidan:-

“Marka hore waan salaamayaa bulshada Somaliland. Waxa kale oo aan Salaamayaa Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo dhammaan bahweynta Xisbiga Dimuqraadiyadda ee Kulmiye.

Intaas kaddib, anigoo Ah Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerika, waxaan halkan ku soo bandhigayaa Afar Qodob oo aan isleeyahay waxay waxtar ka geysan karaan sidii loo gudbi lahaa, xalna loogu heli lahaa dhibaatada dalkeenna ka taagan ee Abaarta khasaaraha u geysatay dadkeenna reer Guuraagaaga ah. Xisbiga Kulmiye, isagoo talada dalka haya, waxa masuuliyadi ka saaran tahay daryeelka iyo ilaalinta nolosha shacabkiisa.

Sidaa awgeed, anigoo ka duulaya siyaasadda Xisbiga, waxaan halkan ku soo bandhigay Afar qodob oo aan u arkay inay wax weyn ka geysan karaan xal u helidda dhibaatada ka dhalatay abaaraha oo barakiciyey shacabkeennii xoolo-dhaqatada ahaa.

Afarta qodob ayaa ah:

  • In Xisbiga Kulmiye oo ay xukuumaddu wehilinayso loo laban-laabo gargaarka Ku aaddan Abaarta dalka ka jirta, haka timaaddo shacab, ha’yadaha gargaarka kuwooda maxalliga ah ama kuwa caalamiga ah.
  • in Xisbiga iyo Xukuumadduba ay soo dhaweeyaan Cid kasta oo gar gaar ka Kaga qayb qaadan kara taakulaynta shacabka tabaalaysan.
  • In si rasmi ah loo qiimeeyo khasaaraha ka dhashay abaarta jirta.
  • In Wasaaradaha dib-u-dajinta iyo Caafimaadka ay si buuxda u joogteeyaan adeegyada iyo daryeelka ay u hayaan umadda tabaalaysan.” Sidaas ayuu Farhan Axmed Ku sheegay Baaqiisa.

Farhan Ahmed (2)Masuulkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee xil ka haya Xisbiga, marka laga reebo Hoggaanka Sare ee Xisbiga, iyo dhammaan Laamaha kala duwan ee Xisbigu dibadda ku leeyahay, ee isagu si cad uga hadla qaabka ugu habboon ee lagu wejihi karo xal loo dhan yahay oo lagu daweeyo dhibaatada ka dhalatay Abaarta baahsan ee dalka ka jirta ee ilaa wakhtigan.

Afhayeen Farhan Axmed Maxamuud oo ka mid ah dhalinyarada Aqoonyahanka Somaliland ee ku dhaqan Dalka Maraykanka, ayaa xilka Afhayeenimo ee Xisbiga Qaybtiisa Woqooyiga Ameerika loo magacaabay muddo laba todobaad ah ka hor.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories