HomeAfhayeenka Urur-diimeedka Xisbullaah oo ka Hadlaya Xadhigga Hoggaamiyaha ururka

Afhayeenka Urur-diimeedka Xisbullaah oo ka Hadlaya Xadhigga Hoggaamiyaha ururka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Cali Cumar Maxamuud oo sheegtay inuu yahay Af-hayeenka Urur-Diimeed dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay oo la magac-baxay Xisbullah, ayaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururkaas oo Axaddii toddobaadkan Ciidammada Booliska Caasimaddu Xabsiga u taxaabeen.

Wadaadka isku magacaabay inuu yahay Afhayeenka Urur-Diimeedka lagu magacaabo Xusbullah oo shalay warbaahinta u soo diray qoraal uu kaga hadlay Xadhigga Guddoomiyahooda Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, ayaa sheegay in Ururku cambaaraynayo xadhigga Wadaadkooda. Qoraalka war-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Marka hore waxaanu aad uga ka xunnahay xadhiga loo geystay guddoomiyaha xisbullah Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle oo haba yaraatee aan lagu hayn illaa haddana aan lagu soo oogin wax dembi ah oo uu galay. Waxaanan hore u sheegnay immikan sheegaynaa in ururku uu ku baaqayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, kaasi oo aan wadin wax khal-khal iyo khilaaf ah. Sidoo kalena in ururkani aanu hubaysnayn, isla markaana cidna aanu ku xidhnayn Illaahay mooyee.

Haddaba, isagoo warkayagu sidaa u cad yahay ayaa waxaannu aad uga xunnahay Xadhiggaasi lagula kacay Sheekha waxaanan u aragnaa mid xad-gudub ah oo cadaaladda ka fog. Waxaanan Xukuumadda ugu baaqaynaa in si deg-deg ah xorriyaddiisii loogu soo celiyo Sheekha. Ugu dambayntii haddii aanu nahay Xisbullaah waxaanu leenahay waar ma waxaa dembi noqotay Kitaabka Illaahay ha la isku xukumo?”

Si kastaba ha ahaatee, Urur-Diimeedka Xusbullah oo toddobaadkii hore lagaga dhawaaqay Hargeysa, ayaa dadweynaha reer Somaliland dareenno kala duwan ka bixiyeen, ka dib markii uu Guddoomiyaha Ururkaasi Sh. Maxamuud Cabdillaahi Geelle, shaaciyey in Ururkoodu aanu ahayn Urur-siyaasadeed, isla markaana ka qaybqaadan doonin wax doorasho ah oo Somaliland ka dhaca, hase ahaatee, ay si toosa ula wareegi doonaan talada iyo hoggaaminta Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Wadaadku xaaraan iyo wax Diinta Islaamka ka soo horjeeda ku tilmaamay Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland oo bulshadu 97%-kiiba haa ugu codaysay.

Sheeh Maxamuud oo intii aan la xidhin dhawr jeer Saxaafadda ka hadlay, ayaa ku hanjabay inaanu Ururkoodu u joogsan doonin xadhig iyo hanjabaad toona, isla markaana waxa uu eedaymo badan u jeediyey dawladda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo uu sheegay inay fadhiid tahay, halka uu Xukuumadda kaga tilmaamay mid daba-dhilif u ah Gaalada. Sidaa daraaddeed, ayaa la sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland bixiyey amarka lagu soo xidhay Sheekh Maxamuud oo Ururka uu ku dhawaaqay looga shakiyey inuu xidhiidh la leeyahay Ururrada Xag-jirka ah, sida Al-Shabaab iyo Al-qaacida.

Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, intuu uu xidhnaana waxa uu Weriyeyaal booqday u sheegay in dawladda Somaliland iyo maammullada Soomaalidu guud ahaanba ay u adeegaan Gaalada, isla markaana ka soo horjeedaan Diinta Islaamka, isaga oo xadhiggiisa ku eedeeyey inay ka dambeeyeen Maraykanka, Itoobiya iyo Ingiriiska  oo uu xusay in Sirdoonkoodu Somaliland ka codsaday in gacanta lagu dhigo isaga.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories