HomeAfhayeenka Komishanka Doorashooyinka oo si rasmi ah u shaaciyey xilliga la soo...

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka oo si rasmi ah u shaaciyey xilliga la soo gudbinayo liiska musharixiinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Axmed Xirsi Geele ayaa maanta shaaca ka qaaday wakhtiga ay xidhmayaan qabashada liiska musharaxiinta ka qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta dalka.

blank

Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka oo maanta warbaahinta kula hadlayey xarunta komishanka ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu ka  hadlay wakhtiga uu bilaabmi doono ololaha doorashada golaha deeganka .

Afhayeenka Koomishan Doorashooyin oo shirkaasi jaraaid hadal ka soo jeeday ayaa sharraxay talaabada la doonayu inay raacaan ururada iyo xisbiyadda ka qaybgalay doorashadda golaha deeganka Somaliland isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “”Waxaan doonayaa inaan la socodsiiyo ururada/xisbiyada iyo musharaxiinta ka qayb qaadanaya doorashada iyo cidii kale ee ay khusayso shuruudaha looga baahan yahay inay raacaan talaabooyinku soo bandhigay Komishanka doorashooyinka qaranku.”ayuu yidhi afhayeenka komishanka dorashooyinka Ahmed Xirsi Geelle waxaanu intaasi sii raaciyey “Is casilaada shaqaalaha dawlada ee ka qayb qaadanaya doorashada golaha  deegaanka waxa looga baahan yahay inay shaqada ka tagaan ugu danbayn bishan dhamaadkeeda is hawshu u fududaato.”

Afhayeenku oo ururadda iyo xisbiyadda ugu baaqaya inay ugu yaraan liiskooda soo gudbiyaan 14/09/2012 wuxuu yidhi, “Waxaanu xasuusinaynaa ururada/xisbiyada iyo dadka musharixiinta ah ee ka qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka  in wakhtiga kama danbaysta ah ee ay soo gudbinayaan liiskooda uu yahay 14/09/2012  ugu danbayna waxa laga qabanayaa lixda galabnimo ee isla maalintaas.

Ololaha doorashadu waxa uu bilaabmi doonaa 29/10/2012, soo gudbinta liiska muraaqibiinta ururada/xisbiyada u joogi doona goobaha codbixinta waa in la soo gudbiyaa  07/11/2012,dhamaadka ololaha doorashadu waxa uu noqon doona 25/11/2012 taas oo doorashaduna dhici doonta 28/11/2012;

Sidoo kale afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu ka hadlay shuruudo looga baahan yahay inay ururadu/xisbiyadu buuxiyaan kuwaas oo uu tilmamaay inay muhiiim u yihiin qabsoomida doorashada waxaanu yidhi ;urur/xisbi walba waxa looga baahan yahay inuu liiska musharixiintiisa ee degmada inuu ku xareeyo xafiiska degmada ee komishanka doorashooyinka qaranka,sadexyo labaatanka degmo ee dalka marka laga reebo labada degmo ee aanay doorashadu ka dhacayn ee Taleex iyo Laas Qoray inta kale waxa liiska musharixiinta lagu hagaajinayaa xafiiska komishanka ee degmooyinka,

Liiska musharaxiinta degmadu waxa uu la mid noqonayaa tirada xubnaha ee golaha deegaanka ee degmadaas loogu tala galay,waxanan ururada/xisbiyada ku adkaynaynaa inaan la keeni Karin liis kala dhiman oo aanu xeerku ogolayn.;

Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu intaas ku daray inay  ururadu xaq u leeyihiin  inay iska dhaafaan musharaxiinta degmooyinka ay doonaan waxaanu yidhi ;uruada/xisbiyadu kuma qasbana inay ka tartamaan dhamaan degmooyinka dalka balse iyaga ayaa ikhtiyaarka iska leh hadii ay iska dhaafayaan degmooyinka qaarkood, laakiin saamayn ayey ku yeelan doontaa qiimayntooda xisbinimo waayo waxa loo eegayaa gobol walba codka ay ka helaan,degmo walibana gobol  ayey ka tirsan tahay, markaa hadii urur/xisbi kari waayo inuu gaadho qaar ka mida degmooyinka dalka wuu ka tagi karaa balse waa wax isaga ka go’aan.”

Waxa iyana muhiima in musharixiinta ka qaby qaadanaya doorashada golaha deegaanka  inay buuxiyaan shuruudaha uu dhigayo xeerka doorashadu kuwaas oo ay ugu muhiimsan tahay inuu keeno cadayn ka tagi shaqada dawlada, inuu raali ka yahay musharaxnimada iyo warqada cadaynta u ah inuu bixiyey lacagta cashuurta ah ee ay uga baahan tahay wasaarada maaliyadu,;

Xisbiyada iyo ururrada Siyaasadda Somaliland ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey la dareemayey inay si weyn ugu diyaar garoobayaan doorashada golaha deegaanka oo komishankuna mudeeyey, balse qaar ka mida ururada/xisbiyada ayaan ilaa hada soo bandhigin wax musharaxiina halka kuwa kalana ay soo bandhigeen tiro yar oo musharaxiin ah balse maalmaha soo socda ayaa la kala ogaan doonaa ururada sida rasmiga ah u buuxiyey musharaxiintii looga baahnaa.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories