HomeAFGHANISTAN: Shan Nin oo lagu helay fal-dambiyeed KUFSI-WADAREED ah oo maanta lagu...

AFGHANISTAN: Shan Nin oo lagu helay fal-dambiyeed KUFSI-WADAREED ah oo maanta lagu Fuliyey Xukun DAL-DALAAD ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Kabul (SLpost)- Shan nin oo lagu helay fal-dambiyeed kufsi-wadareed ah oo ay u geysteen Afar haween ah oo midkood uur-leedahay, ayaa maanta lagu fuliyey xukun dal-dalaad ah oo dhowr bilood ka hor ay ku xukuntay maxkamad ku taala magaalada Kabul ee dalka Afgaanistaan.

Kiiska dhacadada lagu xukumay raggan oo si weyn u gil-gishay waddankaas isla markaana noqotay arrin shacabka waddankaasi dhegahooda ku cusub isla markaana sababta bannaan-baxyo lagu dalbanayey in sharciga lagu abaalmariyo raggan oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Afganistan, waxa sidoo kale soo faro-geliyey waddamada reer Galbeedka oo ka soo horjeeday xukunka.

afghan rape (1)Xukunka dal-dalaaladda ah ee lagu fuliyey raggan, ayaa ka dhacaya xabsiga Pul-e-Charkhi oo ku yaala Bariga magaalada Kabul. Waxa kale oo dilka dal-dalaadda ah lagu fuliyey nin kale oo loo haystay fal-dambiyeed aan kufsi ahayn.

Gabbood-fallada lagula kaco haweenka, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku baahay waddanka Afghanistan, haseyeeshee xukunka noocan ah ee lagu fuliyo dadka lagu helo falalka kufsiga ah, ayaan ahayn qaar sidooda loo fuliyo. Inta badan Shacabka waddanka Afghanistan, ayaa dalbaday in xukun dil lagu fuliyo ragga ka dambeeyey kufsi-wadareedka lagu sameeyey afarta haweenka, taas oo sababtay in dawladda Afghanistan ay iska dhego-tirto baaqyo caalami ah oo maalmihii u dambeeyey uga imanayay Ururrada u dooda xuquuqda aadamaha.

“Xukunkii Maxkamadda waa la fuliyey, dambiileyaashiina waa la wada dal-dalay – shan nin oo kufsi lagu helay iyo Habiib Istalifi oo madax ka ahaa koox budhcad ah oo dadka afduubta,” sidaa waxa yidhi Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxakamadda Ciidamada Qalab-sida ee Afghanistan, Atta Maxamed oo u warramayey wakaaladda wararka ee AFP oo aanu warkan ka soo xigannay.

afghan rape (2)Madaxweynihii hore ee waddankaasi Hamis Karzai, ayaa saxeexay xukunka dilka ah ee lagu riday shanta Marxuum maalmihii u dambeeyey ee xukunkiisa ka hor intii aanay doorashadu ka dhicin dalkaas dhowr todobaad ka hor, madaxweynaha xilka kala wareegay Ashraf Ghani oo baaqyo badan caalamka uga yimaaddeen kama horiman go’aanka uu ansixiyey madaxweynihii ka horeeyey.

Fal-dambiyeedka kufsi-wadareedka, ayaa 23-kii bishii August wakhti habeennimo ah ka dhacday goob dalxiiska loo tago oo ku taala degmada Paghman oo duleedka Bari ka xigta magaalada Kabul, kadib markii Shanta koox shufto ahi jidka u galeen haweenka kufsiga loo geystay oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan qoysaskooda oo ku socday magaalada wakhti ay ka soo laabanayeen xaflad aroos. Waxa ay haweenkani sheegeen inay mar kaliya ku war-heleen koox xidhan dirayska ciidamada oo intay weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen qoysaskani, inta ay xidh-xidheen raggii la socday, dabadeedna goobtii ka kaxaystay haweenkii la socday.

SOMALILANDPOST,NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories