HomeAfgembi Dhicisoobay oo maanta ka Dhacay Dalka Eritrea

Afgembi Dhicisoobay oo maanta ka Dhacay Dalka Eritrea

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Asmara (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Isaias Afwerki ee Dalka Eritrea, ayaa maanta ka badbaadday isku-day u muuqday Af-gembi, ka dib markii Askar gadoodsani la wareegeen gacan-ku-haynta Wasaaradda Warfaafinta oo xarun u ah Telefishanka iyo Idaacadda Dalkaas.

Sida ay baahisay wakaaladda Wararka ee AP, Askarta gadoodday oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 100, ayaa xoog kula wareegay Wasaaradda Warfaafinta, kuwaas oo Agaasimaha Wasaaradda ku qasbay inuu telefishanka iyo Idaacadda ka akhriyo Farriin ay ku dalbanayaan in la sii daayo dhammaan Maxaabiista siyaasadda u xidhan, wixii intaas ka dambeeyeyna waxa hawada ka baxay idaacadda iyo telefishanka dalkaas.

IsaiasIsku-dayga Afgembi ee askarta gadoodday ayaa dhicisoobay markii magaalada Madaxda dalkaas ee Asmara lagu soo guray tiro-badan oo ka mi ah ciidamada qalabka-sida, kuwaas oo markiiba gacanta ku dhigay xaaladda magaalada.

Dawladda Eritrea, ayaa xalay fiidnimadii ku guulaysatay inay xaaladda Dejiso, askartii gadooddayna la qab-qabto ka dib markii Ciidamo badan lagu hareereeyey xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana markii dambe hawada soo galay telefishanka iyo Idaacadda Dawladda oo markii hore muddo saacado ah  ka maqnaa hawada.

Warar kale oo laga helay magaalada Asmara, ayaa sheegay in Askartaasi Afduub u haysteen Elsa Afwerki oo uu dhalay Madaxweyne Isaias taas oo la sheegay inay ka shaqayso Wasaaradda Warfaafinta ee ay xoogga kula wareegeen.

Tallaabadan, ayaa u muuqata inay suurta gal tahay inay hormood tahay Inqilaab Milateri oo ku wajahan sidii xukunka looga tuuri lahaa  madaxweynaha dalkaa  Isaias Afewerki  oo dunida galbeedku ku tilmaamnto keligii-taliye arxan-daran.

Madaxweyne Isaias Afewerki ayaa xukunka dalka Eritrea gacanta ku hayey ilaa 1991-kii markii uu ka go’ay dalka Ethiopia, waxaanu dalkiisa ka dhigay mid ka xidh-xidhan waddamada debedda, waana dawlada keliya ee afrikaanka ah ee aanay reer Galbeedku wax dhaqaale ah ku taageerin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories