HomeAfarta Xul ee Ka Soo Baxay Isreebreebkii Ciyaaraha Gobolada ee Qaybta Burco...

Afarta Xul ee Ka Soo Baxay Isreebreebkii Ciyaaraha Gobolada ee Qaybta Burco oo Maanta Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Xulalka Gobolada Sool, Xaysimo, Daadmadheedh iyo Sanaag oo ah afarta xul ee ka soo baxay wareeggii isreebreebka ahaa ee garoonka Alemsay, Burco ka qabsoomay ayaa si diiran loogu dhaweeyay duleedka magaalada Hargeysa. Wareeggii Sideed-dhammaadka oo Garoonka Hargeysa ka bilaabmaya ayey afartan xul u yimaadeen in ay ka qaybgalaan.

Xulalka goboladan afarta ah oo ay wehelinayaan badhasaabadoodu ayaa waxa soo dhawayntooda ka qaybqaatay wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahan iyo dhallinyaro badan oo dhammaantood ku soo dhaweeyay gacmo furan iyo farxad.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiir-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Xildhibaan Maxamed Xuseen Waabeeye, Xildhibaan Baar Siciid, Xildhibaanno kale oo halkaa ka hadlay soona dhaweeyay xulalkan ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin oo qalbi furnaan ku soo dhawaynayaan xulalkan aynna u rajaynayaan in ay guul ugu dhammaato.

 

“Aad baan ugu faraxsanahay in aannu halkan ku soo dhawayno ciyaaryahanadan gobolada berriga ka soo baxay, tababarayaashooda iyo waliba badhasaabada goboladanba. Aad baannu u soo dhawaynaynaa oo aannu ugu faraxsanahay markasta” Ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka oo soo dhawaynta xulalkan hadal soo dhawayn ah ka jeediyay.

 

Wasiir-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay isaguna in uu soo dhawaynayo afartan gobol islamarkaanna ay farxad gaar ah u tahay in uu goboladan Hargeysa ku soo dhaweeyaa. Wasiirka oo soo dhawayntaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waannu ku faraxsanahay afartan gobol ee maanta soo baxay. Waannad arkaysaan in aan loo kala hadhin soo dhawayntooda anna farxad gaar ah bay ii samaynaysaa  in aan soo dhaweeyo ciyaaryahanadan”

 

“Ku soo dhawaada garoonkii doogga lahaa, Waxana farxad innoo ah in aynnu ka mid noqono sideeda gobol ee ka qaybgala tartankan lagu furayo garoonka Hargeysa intan roogga la dhigay. Aad baan halkan uga mahadnaqaynaa ganacsatadii reer Burco ee sida wanaagsan uga qaybqaatay soo dhawaynta ciyaaryahanada goboladii tartanka kaga qayb galay garoonka Alamsey ee Burco.
Somalilandpost, Hargeysa Office, 2015

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories