HomeAfarta Wasiir Een Dhicin Iyo Talada Madaxweyne Silaanyo Mayla Aragteen! – W/Q:...

Afarta Wasiir Een Dhicin Iyo Talada Madaxweyne Silaanyo Mayla Aragteen! – W/Q: Mawliid Aadan Cumar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Mawliid Aadan Cumar
Mawliid Aadan Cumar

Taariikhdu waa isbedelka nolosha noolaha iyo bey’adda Illaahay ku uumay oo si taxane ah loo qoray loona sameeyay magacyo laysla yaqaan oo dhamaan aadamaha dunidan kunool muslin iyo gaalba ay ka siman yihiin isticmaalkeda inkasta oo ay jiraan astaamo iyo tafaasiil ay ku kala qotomaan.

Hadaba taariikhda oo ah qodobka ku lamaan nolosha aadamaha iyo isbedelada dhacdooyinka dabiiciga ah iyo kuwa sanaaciga ahba ma soo koobi karo balse intaasi xusid inoogu filan.

Sidaasi awgeed qormadan halku dhigeedu yahay { AFARTA WASIIR EEN DHICIN IYO TALADA ODAYGA MAYLA ARAGTAAN!!!}

Waxay si kooban u iftiiminaysaa sooyaalka taariikhda hogaamineed ee madaxweynayaashii soo maamulay sadex iyo labaatankii sanadood ee ay somaliland madaxbanaanideeda dib ula soo noqotay, sidoo kale waxay qormadani tibaaxo ka bixinaysaa labada hab maamul ee nidaamkii Axdi-qarameedkii beelaha ku wada dhaqan somaliland, Iyo Nidaamka Asxaabta siyaasada ee xorta ahi waxay ku kala duwan yihiin iyo in kala duwanaanshahi wax isbedel ah ku sameeyay bulshada somaliland guud ahaan ama gaar ahaan qaybo ka mid ah bulshada.

Hadaba marka aan dib uraacno sooyaalka taariikhda maamul ee madaxdii soo hogaamiyay somaliland waxaan ku bilaabayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee somaliland AHUN. Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur) Waxa uu ahaa hogaamiyihii ururkii SNM ee keenay xoriyada iyo madax-banaanida somaliland sanadkii 1991 waxa uu noqday M/weynihii Kowaad ee loo dortay jamhuuriyadda somaliland oo dib uga noqotay midnimadii somaliland iyo somaliya1960, Sidaasi Awgeed Madaxweyne marxuum c/raxmaan waxa uu ku suntan yahay taariikhda somaliland laba qodob oo taariikhda s/land dhismaheeda ah, waana Dib u xorayntii s/land hogaaminteedi iyo Ku dhawaaqistii madaxbanaanida somaliland hogaamiyaheedi kowaad.

Sidaas awgeed ka dib markii Marxuum C/raxmaan-tuur loo caleemo saaray hogaamiyaha qaranka somaliland inuu madaxweyne ka ahaado Laba sanadood wuxuu dhisay gole xukuumadeed iyo dhamaan hay’adihii dawliga ahaa wuxuuna dhidibada u taagay qaabkii ama hanaankii dawladnimo.

Intaasi kadib hogaamintii maamul ee marxuum M/weyne C/raxmaan waxay si xawli ah u dhaqaaqday 1991 May 28 Ilaa March 1992 hadaba qofkasta oo xogogaal u ahaa dhismihii qaranimo ee wakhtigaas uu madaxweynaha ahaa marxuum C/raxmaan wuxuu ka markhaati furayaa in tobankaa bilood ee u horeeyay ka dib ay ka xoog badatay mucaaridad ay kula kaceen garabkii calan-casta oo aad uga soo horjeeday hogaaminta marxuum madaxweyne Cabdiaxmaan mucaaridadaasina waxay sababtay in saraakishi calan-castu Beel beel u qaybiyaan ciidamadii SNM ee dawladu qaramaynaysay ciidan qaran oo ka kooban dhamaan beelaha somaliland taasina waxay sababtay inay kala dhaqaaqan Guutooyinkii u horeeyay ee laga dhigaayay ciidamo qaran.

Hadaba qormadan hogaaminta madaxweynayaashii u kala danbeeyay maamulka somaliland iyo sooyaalkoodii maamul waxay inoo qiimayn doontaa madaxweynayaashaasi habkii maamul iyo duruufihii la soo darsay nidaamka dawladeed ee ay inagu hogaaminayeen, sidaasi awgeed Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan wuxuu la kowsadey duruuftii ugu adkayd ee qaranka Somaliland ka soo gudbo, duruuftaasina waxay ahayd tafaafulka iyo dagaalkaas ay kala hor yimaaden saraakiishii calan-casta ahaa oo ka faa’iidaystay awood la’aanta nidaamka dawladeed oo taagnaa dhibkii kowaad ee dhismaha qaran madax-banaan, sida xaqiiqadu tahay waxaa lagu tilmaami karaa kooxdaas calan-casta ahayd cadawgii ugu xumaa ee somara somaliland.

Hadaba qaybta kowaad ee qormadan waxaan ku soo koobayaa intaasi.

Hadii Allah Yidhaahna waxaan Qaybta labaad ku dhamaystiri doona inta ka dhiman taariikhda maamul ee Madaxweyne Marxuum C/raxmaan Axmed Cali iyo sifooyinkiisi dulqaadka iyo geesinimada lahaa Insha Allah.

 

WABILLAAHI TAWFIIQ

Mowliid Aadan Cumar

hargeysa 4410898

mawliid1991@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories