HomeAfar kooxood oo kala Aragti duwan oo ku hirdamaya hoggaanka DDSI

Afar kooxood oo kala Aragti duwan oo ku hirdamaya hoggaanka DDSI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

By: Barkhad-ladiif M. Cumar

Dawladda deegaanka  Soomaalida Itoobiya (DDSI) waxa ka jira siyaasad beelaysan oo hogaanka xisbiga iyo madaxtinimadda loogu tartamayo, afar qaybood oo kala aragti fog baa isku haysta, waa koox uu hogaaminayo Axmed Shide, kooxda labaad waa kuwo ku shirayey Diridhaba oo tan iyo sidii Abiy Axmed loo doortay Addis fadhiya, kooxda 3aad waa ONLF oo iyaguna hogaanka quuddaraynaysa iyo kooxda afraad oo ah kooxdii xisbiga deegaanka hore uu sii haysatay ee Cabdi Iley ka tagay oo iyaguna aaminsan inay xaq u leeyihiin.

Barkhad ladiif maxamed cumarAfartaaasi kooxoodba waxay ku hirdamayaan taladda deegaanka iyo inay madax ka noqdaan, koox waliba waxay doonaysa inay xisbi furato, dhamaantoodna  waxay ku abtirsanayaan beello.

Kooxda Axmed Shide hogaaminayo waxay aaminsan yihiin inay iyagu xaq u leeyihiin oo in badan usoo samreen, islamarkaana deegaankaasi nabad ku soo celin kara, maadaama oo aanay iyagu marna mucaarad ku noqon Itoobiya,isla markaana ay iyagu taageersan yihiin Oromadda xilka Itoobiya haysa oo ay ood-wadaag yihiin.

Kooxda 2aad ee Diridhaba ku shiraysa waa koox dulmi badan ka tirsanaysa Cabdi Iley oo la magac baxday Dulmi-diid, isla markaana aaminsan inay ka aargudan karaan Cabdi iley iyo kooxdiisii, sidaas awgeed ay iyagu xaq u leeyihiin maadaama oo Itoobiya darteed ku ehel iyo qaraabo waayeen oo ay Abdi Iley u haystaan wixii dambi ka dhacay deegaanka.

Kooxda 3aad, ONLF iyaguna waxay ku doodayaan inay yihiin qolada kaliya ee xaq u leh maadaama oo sodan sanno ay duurka ku jireen oo ay doonayeen inuu sidii deegaankaasi u xoroobi lahaa, isla markaana ay wada hadal ula fureen sidii deegaankaasi uga talin lahaayeen, hadii toodda loo yeeli waayana ay dagaalka sii socon doono deegaankuna nabad ku la’dayn.

Kooxda 4aad, kooxdii Cabdi Iley waxay aaminsan yihin hadii ay meesha baneeyaan oo qolooyinka kale ee ka soo horjeeda  xilka qabtaan in laga aarsan doono oo wixii hanti iyo aduun ay samaysteen laga daba iman doonno, in badana jeelka loo diri doonno. Sidaas darteed,  jaaniska u banaani ay tahay inay mar kale hogaanka qabsadaan, maadaama oo intii ay xilka hayeen horumar badan ka sameeyeen,isla markaana kooxahan ka soo horjeeda ku neceb yihiin dadkii ay ku qasbayeen Itoobiyaanimadda, sidaasna ay xaq ugu leeyihiin inay hogaanka sidii u sii haystaan oo Itoobiyaanka  kalana ugu hiilyaan maadaama oo ay iyagu yihiin kooxda kaliya ee daacadda u ah Itoobiya.

Afartaasi kooxood mid walba inuu kursiga ugu sareeya xaq u leeyahay ayuu aaminsan yahay, koox waliba iyadaa is macaashiisay, sidaas awgeed way adag tahay inay kala tanaasulaan, waxaana kaliya kursigaasi fuuli kara kooxda ay dawlada Fadaraalka ahi taageerto.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories