HomeAfafka Dabar- Go'ay iyo Kuwa Halista ku Jira

Afafka Dabar- Go’ay iyo Kuwa Halista ku Jira

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 
Sababaha Keena Dhimashada Afka

Xeel-dheerayaasha afafku sababo badan ayey ku sheegaan inuu afku u dhinto, balse waxa jira sababo waaweyn oo keena inay afafku deg-deg u dhintaan, horan loogu daro xaabaha. Aqoonyahanada ku takhakhusay cilmiga luuqadaha(Linguistics) waxa ay hoosta ka xariiqeen inuu afku dhintu markay dhammaan wada dhintaan bulshadii ku hadli jiray. Qormadan waxa aynu dul-istaagi doonaa sababaha ugu waaweyn:

Dhimashada afku wuxuu ka bilaabmaa marka bulshadii afkeedii iyo dhaqankeedii aanay kuna hadal waxba ku baran ficil ahaan iyo af-ahaanba, (Gradual death). Dhimashadaasina waxa ay ka soo unkataa marka la joojiyo ku hadalka luuqada ee guriga, islamarkaana aan lagu dhigan dugsiyada waxbarashada, dugsiyadana aan lagaga hadal (Bottom-to-top death).

 

Dhimashada afku waxa kale oo ay ku timaadaa marka afkii laga waayo dad ku hadla, oo uu ka dabar-go’o deegaankii lagaga hadlayey. Waana dhimasho ka timid xaalad deegaan (Top-to-bottom death). Siday doonto ha ku timaado saamayntu.

Dhimashada afku waxa ay ku timaadaa marka ay bulshadii ku hadlaysay afkaasi go’aansato inay joojiso ku hadalkii afkooda. Si xor ah u joojiyaan ama ah lagu khasbo midkay doonto ha noqoto. Ka dibna ay qaataan ku hadalka luuqad kale. Inta badan waxa ay arrintaasi ku dhacdaa dadka laga tirada yahay oo ku dhexmilma bulsho ka fara badan.

Luuqadu waxa ay ku dhimataa marka ay madhaan ama dabar-go’aan dhammaan dadyowgii ku hadli jiray, oo ay u dhintaan sababo kala duwan sida, xasuuq, xannuuno ama masiibo dabiici ah oo ku habsata.

Luuqadu waxa ay ku dhimataa bulshadii ku hadlaysay oo afkoodii soo dhexgelisa erayo ay ka soo qaateen luuqado kale oo aan afkoodii ahayn. Eraygaa cusubina wuxuu meeshaa ka saarayaa eray kale oo afkoodu leeyahay (Loss of word-formation productivity). Mark ay bataan erayadaasi waxa imanaysa badh-xan, taasina waxa ay dhalisaa inay waax luuqada ka mid ahi dhimato (partial death), aakhirkana waxa ku xigta inay si rasmi ah u dhimato.

Luuqado badana ayaa ku dhintay gacanta gumeystayaasha, wakhtiyadii ay reer Yurub gumeysteen meelo badan oo adduunka ka mid ah. Markaad eegto dalal badan oo ku yaala woqooyiga Maraykanka afafkoodii waxa xoog ku bedelay gumeystayaashii. Sida oo kale dalka Irland luuqadoodii lama dabar jarin wakhtiyadii gumeysiga ingiriiska, balse hoos-u-dhac ayaa ku yimid, oo saamayn dadban ayey ku yeelatay.

Luuqadu waxa ay ku dhimataa marka bulshada ku hadashaa ka baqanayso in lagu ciqaabo ku hadalka luuqadaasi. Tusaale ahaan kacaankii MSBarre muu ogolayn in afka Mayga lagaga hadlo Idaacadaha Af-soomaaliga ku hadla, qofkii lagu arko isaga oo doodaasi ka hadalayana wuxuu mutaysan jiray ciqaabo kala duwan.

 

Afafka Dabar-Go’ay

Warbixino badan ay soo saartay hayada Qaramada midoobay u qaabilsan afafka ee la yidhaa UNESCO, sannadihii 1993, 2012 iyo 2015-kii, ayaa lagu sheegay afafka dhintay iyo kuwa sii dhimanaya. Qaybta waxa aynu dul-joogsan doonaa, qaar ka mid aha dalalka afrika iyo afafka ka dabar-go’ay ama sii dhimanaya.

  • Kwadi oo meelo mid ah dalka Angola lagaga hadlo
  • Shabo iyo Argobba oo meel ka mid ah Itoobiya lagaga hadlo
  • Duli, Gey, Nagumi iyo Yeni oo meelo ka mid ah Camaroon ka mid ah lagaga hadlo
  • Mbaru, Horo iyo Muskum oo meel dalka Chad lagaga hadlo
  • Ju, Shu iyo Shiki oo meelo ka mid ah dalka Naygeeriya lagaga hadlo
  • Kango, Mittu iyo Homa oo meelo ka mid ah dalka Suudaan lagaga hadlo
  • So iyo Singa oo meelo ka mid ah dalka Yugaandha lagaga hadlo
  • Ngasa oo meelo ka mid ah dalka Tansaaniya lagaga hadlo
  • Biri oo meelo ka mid ah badhtamaha Suudaan

 

Luuqada Af-soomaaliga markaan eegno, marka laga yimaado Maayga iyo Maxaa, waxa jira luuqado yar-yar oo ay ku hadlaan dad aanay tiradoodu badnayd. Sida kuwa lagaga hadlo Soomaaliya meelo ka mid ah, gaar ahaan gobolka Banaadir, Shabeelada Hoose iyo Jubbooyinka. Waxaana ka mid ah, Banaadiriga, Baajuunta, Galadiga Dabaraha, Boonta iyo kuwa kale. Dhammaantood way sii dhimanayaan qaarkoodna way dhinteen. Xogtan waxa qoraal ka sameeyey Deeq Col-U-Jooga. Dhinaca kale luuqadaha Colowe ee ay ku hadlaan bulshada laga tirada badan yahay ayaa halis ugu jira inay dhintaan. Af-soomaaliga oo ay xeel-dheerayaashu ku tilmaameen Af aad u da’weyn, sidoo kalena hodan ku ah dhaqanka iyo suugaanta ayey dhib badani ka haystaa eray bixin la’aan ku socota mudooyinkii dambe. Tusaale ahaan eray-bixin sax ah looma hayo kelmadaha cusub ee ay soo kordhisay Tiknoolajiyadu, sida, Remote, Mouse, Flash, Screen, Receiver, Hard dish, Key-board IWM.

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

La soco Qaybaha Dambe………………………

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories