HomeAdeegyo Caan Ku Ahaa Barnaamijyada Kombiyuutarka Ee Windows 7 Iyo 8 Oo...

Adeegyo Caan Ku Ahaa Barnaamijyada Kombiyuutarka Ee Windows 7 Iyo 8 Oo Uu Windows 10 Ka Tegey

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Washington (SLpost)- Sida ay dad badani aad ula socdaan shirkadda caanka ah ee Microsoft oo soo saarta barnaamijyada ay ku shaqeeyaan Kombiyuutarrada iyo aaladaha sidooda u shaqeeya sida Tablet iyo talefanka gacanta ayaa dabaqaadii bishii Julay 2015ka soo saarta barnaamij (Operating System) cusub oo lagu magacaabo Windows 10, kaas oo ay bilaash ugu sii deysay macaamiisheeda hore u isticmaalayey Barnaamijka Widows7 iyo 8 oo asal ah (Aan koobi ahayn).

Ilaahadda Barnaamijka cusub ee Windows 10 waxaa u guuray macaamiil tiradoodu ka badan tahay 5 Milyan oo ruux, laakiin nidaamkaas cusubi in kasta oo uu dib u soo celiyey liiska bilowga “Start Menu” oo hore ay shirkaddu uga reebtay barnaamijkii kan ka horreeyey ee Windows 8, aadna ay ugu ekeysiisay barnaamijka Windows7 oo aad loo jeclaaa isla markaana ay iska ilaalisay qaladaadkii ku jiray barnaamijka Windows 8 oo aad looga cawday, haddana waxaa durbadiiba la dareemay adeegyo badan oo caan ku ahaa barnaamijyadii ka horreeyey. Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku soo qaadanaynaa adeegyadaas Windows 10 ka maqan.

Windows Media Centre: Adeegga ugu caansan ee Windows 10 ka maqani waa Windows Media Centre oo aad loogu isticmaalo ka shaqaysiinta filimada iyo muusikada , soo bandhigidda sawirrada  hore ugu jiray iwm. Waxa aanu ku jiray barnaamijyada Windows 7 iyo 8. Majaladda Computer Chip ee ka soo baxda dalka Jarmalka oo qormo ay arrintan ka qortay raacisay talo bixin ayaa soo jeedisay in dadka adeeggaas Windows Media Centre u baahdaa ay beddelkiisa isticmaali karaan adeegga Plex Media oo ah bilaa lacag, lagana heli karo Windows Store ka Windows 10.

DVD: Windows 10 ma’laha barnaamijkii ka shaqaysiinayey DVD sidaa awgeed adeegsadaha u baahda in uu DVD ku isticmaalo kombiyuutarkiisa oo ku shaqaynaya Windows 10, waxa uu ku qasban yahay in uu soo dejisto barnaamij uga shaqaysiiyo, sida Barnaamijka VLC Media Player oo ah kan ugu habboon ee la shaqayn kara Windows 10, shidina kara dhammaan barnaamijyada loo adeegsado DVD-ga, sidoo kalana waxaa jira barnaamijyo bilaash iyo lacagba isugu jira oo uu soo dejisan karo si uu uga shaqaysiiyo DVD.

Widgets: Barnaamijka Windows 7 waxa uu lahaa oo dad badani aad u xiiseeyeen adeegga Widgets oo ah in muraayadda sare ee kombiyuutarka dhinac ahaan uu kuu soo dhigo, liiska waxyaabo muhiim ah, sida, Saacadda, Taariikhda, Xaaladda cimilada, warar iwm. Adeeggaasi hadda Windows 10 lama shaqayn doono, shirkadda Maraykan ee Microsoft iyo shirkadaha kale ee barnaamijyada midkoodna ma’ uu keenin beddelkiisa.

Windows Updating: Barnaamijyadii hore ee Kombiyuutarka ka shaqaysiinayey waxa ay macmiilka kala doorransiinayeen in uu cusboonaysiin (Update) ku samayn karo Barnaamijkiisa (Windows) iyo in kale, laakiin Windows 10 taas meesha waa ay ka saartay. Windows 10 mar kasta oo uu internet helo isaga oo aan la tashan macmiilka ayaa uu samaynayaa cusboonaysiin kasta oo uu u baahan yahay.

Antivirus: Sida ay majaladda Computer chip qormadeedan ku caddaysay, marka uu qofku kombiyuutarkiisa ku soo shubto Windows 10, waxa uu barnaamijku markaba tuurayaa dhammaan barnaamijyadii la dagaallanka Fayrasyada, ee taariikhdoodu dhacday, kuwa socdana waxa uu sugayaa inta ay dhacayaan, taas beddelkeedana Windows 10 waxaa ku lammaan barnaamijka Windows Defender ee horeba u jiray balse markan sidii hore ka sii awood badan wax badanna kombiyuutarka ka ilaalin kara Virus iwm.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories