HomeADEEGSIGA QABYAALADDA MA LA YARAYN KARAA?

ADEEGSIGA QABYAALADDA MA LA YARAYN KARAA?

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Sida aynu og nahay maamulkii Kacaanku waa kii beri yidhi: “Qabyaaladdii waa la dilay, waana la aasay!” Arrintaa waxa lagaga dooday taxanihii Deelleyda, oo xertii Deelleyda qaar ka mid ahi waxa ay ku doodi jireen: “Bahashii waa la duugay waa horee yaan la soo hadalqaadin”. Rag kalena waxa ay la yaabi jireen in nin Kacaanka tolnimo ku taageeraya ama wax kaga helayaa uu isla soo taago: “Qabyaaladi ma jirto waana la duugay ee ninka ku dooda in ay waddanka qabyaaladi ka jirto isaga ayaa wax kalewada!”

Maansayahannadii waaweynaa ee Deelleyda ku jiray mid ka mid ah oo xilliyadii u danbeeyay ee ay silsiladdu joogsan doonto soo galay,

waa Cabdulle Raagee, ayaa tix uu lahaa ku sheegay in qabyaalad la dilay aanay jirin ee xaaladda looga sii daray. Wuxu ku metelay majaajilada ah “Qabyaalad baa la dilay” sida mas dabada laga jaray oo aan la dilin oo kale.

Mas haddii dabada laga jaro oo aan la dilin waxa ay ka dhigan tahay in la cariyey oo uu halis weyn geysan karo, nabadina aanay meeshaas oollin. Sidaas ayey bahashii la cariyey u sababtay burburkii kama-danbaysta ahaa ee ku dhacay dalkii beri la isku odhan jiray “Soomaaliya”.

Haddaba qabyaaladdu waa wax hawl badan oo aan lahayn meel ay ku dhammaato. Dakharka qabyaaladeed ee qofka dhakada kaga dhici karaa in uu qabiil kale ka iman karo iyo in uu xagga tolka ka iman karo midna lama sii malayn karo. Sidaa darteed qabyaaladdu waa wax halis ah oo meel loogu hagaago aan lahayn!

Waxa la odhan karaa, aragti ahaan, adeegsiga qabyaaladda waxa kor u qaada baahiyaha kala dudduwan ee dadweynaha. Haddii uu dadweynuhu arko baahiyihiisii oo wax laga qabanayo iyo xeerarkii dalka u yaallay oo si fiican u shaqaynaya, danihiisa ayaa uu raacanayaa oo cidina durbaan qabiil ku kicin kari mayso.

Markaa dhibaatada qabyaaladda waxa yarayn kara oo keli ah waxqabad heer xukuumadeed ah. Maaddaama ay aafadani mid joogto ah tahay waxa fiican in waxqabadkaa aynu soo sheegnayna uu joogto noqdo, haddii kale mar kasta waxa ay heli kartaa fursad ay kor ugu soo kici karto kuna xoogaysan karto.

 Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories