HomeAdduunyoow Waayo Badan: Maalqabeen Kii Shalay Oo Manta Dawarsanaya Jidadka Hareeraooduna Hoy...

Adduunyoow Waayo Badan: Maalqabeen Kii Shalay Oo Manta Dawarsanaya Jidadka Hareeraooduna Hoy U Yihiin

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Washington (SLpost)- Waayaha adduun ayaa ku wacad furay maalqabeen hore caan uga ahaa suuqa dillaalka iyo iibka saamiyada ee Maraykanka, waxa aanu ka dhigay dawarsade u hoyda shaaracyada magaalada New York. Ma’ laha guri uu u hoydo oo aan ahayn in uu maalintii seexdo beeraha loo laydhsi tago ee dawladda iyo jidadka dhinacyadooda, habeenkiina dhismayaasha hortooda ku beryo.

William Preston King ay saaxiibbo dhow ahaan jireen maalgashadaha caanka ah ee Jordan Belfort, ayaa mar uu raasamaalkiisu Malaayiin doolar ahaa, nolol dad badani jantaanna ku raaxaysanayey. Waxaa lagu naanaysi jiray xeelad-yaqaanka suuqa saamiyada Maraykanka, waxa aanu lahaa xusuus-qorro markii dambe laga sameeyey filimka The Wolf of Wall Street (Yeygii Suuqa Lacagta ee Wall Street) filimkaas oo dhowaan la dhamaystiray samayskiisa. Sannadihii Siddeetamadkii waxa uu William Preston King ka mid ahaa ragga ugu caansan maalqabeenka Malaayiinta

Picture213-150x150

haysta, laguna tilmaamo garaad badni, xirfad iyo weliba maamul wanaag dhinaca lacagta iyo maalgashiga ah. Waxa uu wadan jiray baabuurta ugu qaalisan dunida, guryo aad u badan oo la kireeyo ayaa uu ku lahaa New York, Bangiyada iyo shirkadaha maaglashiga saamiyaduna aad ayaa ay u jeclaayeen, oo culays kasta oo uu leeyahay dalabkiisu haddana waxa ay soo jiidan jireen in uu la shaqeeyo, laakiin mar keliya ayaa King raq iyo ruuxba laga waayey dunida.

Muddo dheer kadib oo la la’aa King ayaa dhowaan wargeyska New York Post oo uu Geeska Afrika soo akhriyey helay William Preston King. Tifaftiraha wargeyskan ayaa maalin maalmaha ka mid ah isaga oo eegaya sawirro uu soo bandhigay mid ka mid ah ururrada ka shaqeeya daryeelka dadka darbi-jiifka ah, waxa uu ka dhex arkay King oo uu markiiba wejigiisa gartay, sawirrada qaar jidka badhtamihiisa ayaa uu iska jiifaa, isaga oo barkan shandad maas ah.

 

Sabab aan illaa hadda la garanayn ayaa King mar keliya isbeddel ku keentay oo sababtay in Malaayiintii lacag ahaa ee uu haystay uu u isticmaalo si aan xisaab iyo misaan ku dhisnayn, waxa uu bilaabay in uu isticmaalo maandoooriya oo weliba noocyada ugu qaalisan uu iibsado. Intaas waxaa u dheeraa tallaabooyin dhaqaale oo uu si aan looga baran ugu dhiirraday, kuwaas oo ku keenay khasaare weyn illaa uu gaadhay heer wixii uu hanti iyo lacag hayey ka baxaan oo uu waayo wax uu cunto siisto.

King markii uu jeebkiisu madhay waxa uu bilaabay in uu dawarsado wax uu cunto siisto iyo cunto uu cuno, waxa aanu degey xaafadda Greenwich village ee magaalada New York oo uu maalintii ka dawarsado habeenkiina shaaracyada ama beeraha laydshiga loo tago seexdo. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa intaas ku daraya in wargeyska New York Times uu la xidhiidhay King walaashii oo lagu magacaabo Cristina si uu xaalkiisa u weydiiyo waxa aanay ku jawaabtay, “Wax kasta oo uu u baahan yahay waa uu naga heli karayey, laakiin mar keliya ayaa uu goostay, o owarkiisa aanan maqal tan iyo bishii Jeenaweri (2015), waxa uu diiday in qoysku caawiyo, kadib inta uu lacag yar iga xaday ayaa la waayeyba”

King Saaxiibkiisa maalqabeenka ah ee Jordan Belfort ayaa isna si aan laga filayn hadal jilicsan uga yidhi xaaladda uu King ku dambeeyey, “Waa arrin aad looga murugoodaa, waxa aan rajaynayaa in qoyskiisu helo”

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories