HomeAddoomo Bilaash ah!

Addoomo Bilaash ah!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Xilligii addoonsiga ay reer Galbeedku ku hayeen qaaradda madow, ee uu socday Ganacsigii Saddex Geesoodka ahaa (Afrika-Yurub-Maraykan), aadna looga soo daabbuli jiray addoomaha si loogu adeegto dhulkooda, waxa reer Galbeedka kaga bixi jiray qarash iyo adduun laxaad leh. Iska laaluushidda madaxda deegaannada ka soo bilaw, dillaaliinta, raridda ilaa dejinta. Lacag adag ayaa ku bixi jirtay waagaas addoomahaas ujeedkoodu yahay in ay shaqaale jaban ka noqdaan beeraha Maraykan.

 

Maanta Yurub iyo Maraykan, Galbeed oo idil, waxa ka jirta dalab shaqaale oo isa soo taraya. Addoomo cusub waa daruuri. Ma qiyaasaysaa in Galbeedku weli ka daabbusho addoomihii Afrika?

 

Dadkan tahriibaya ee xoogga la soo kacaya ee hadhow Galbeedka ku gaadha isa soo debbarid iskood ah, oo naft-hurid ah, ma waanay ahayn “Addoomo Bilaash ah”?
Sidee? Maanta itaalka dhallinyarada u badan ee dalalkii Afrika ka sii qulqulaya, una suudalaya dhankaa iyo Galbeed waxa ay isku sii miidaamiyaan si ay ‘shaqaale aan la dalban’ uga noqdaan gudaha dhulalka Galbeedka. Laba faa’idaba waa ay taagan yihiin maanta Galbeedku: Shaqaale qabta hawlaha yaryarka ah ee muruqa u baahan waa heleen, wax qarash ahina kagama uusan bixin!

 

Waa taa maanta waddamada qaar ay soo xidhanayaan irriddaha dalalkooda, iyaga oo afka ka sheegaya in ‘dhaqaale iyo dhul ahaanba aanay qaabbili karin qaxoonti dheeraad ah’, balse hoos ahaan loo fasiran karo in ‘loo muujiyo addoomaha Afrika ka soo yaacaya in ay iyagu u baahan yihiin dalalkan, sidaa darteed lagu caansiiriyo’!

Waa “addoomo bilaash ah” oo weliba kaaga daran e haddeer iyagu aaminsan in ay halkaa, Galbeedka, nolol wanaagsan ka helayaan!

 

Haddii aan tusaalayn kugu kabo, adiga oo ganacsade ah ayaa aad ugu baahan ruux baalashle ah. Runta marka laga hadlo adiga ayaa si xoog ah u baahan. Si aad haddaba u heshid kaba-caseeye jaban oo aan dareemin in aad si waali ah ugu baahi qabto, si uuna isugu kaa macaashin, waa in aad xeelad la timaaddaa ka dhigta isagu in uu dareemo in uu adiga kuu baahan yahay! U feker haddaba…
… Haa, hadda ayaa aad dhako keentay! Waa adigaa daabacay xayaysiisyo ay ku qoran tahay: “Ma tahay baalashle xirfad leh?, ma u baahan tahay in aad ka dallacdid daasaddan aad is-daba siddid?, ma rabtaa in baalashidda horumar ka samaysid?, ma jeceshahay in aad baalashkaaga ka liibaantid?… Haddii ay warcelintaadu “Haa” tahay, la xidhiidh xafiiska hebel hebel, si aad u heshid cid ku caawisa. Waqtiga uu xidhmayo iyo tirada la qaadanayaaba waa kooban yihiin, ee hore u gaadh!

 

Ogaysiiskaa marka ay arkaan, waa kuwaa iyaga oo kankoonsan, isuna haysta in ay iyagu baahan yihiin, isa soo tubay xafiiskii. Laga yaabaa in xaafadaha ay ka yimaaddeen aad uga fog yihiin xafiiska, basna loo soo raaco, adigu wax qarash ah kuma aad bixin baskooda iyo ficiiskooda, ama baabuur ha soo raacaan ama ha soo lugeeyaan, adiga waxba kaagama shan iyo toban aha, waa kuwaa isa soo debbaray! Hadhowna waa adigaa shaqaaleeyay shan ka mid ah, ileen goobtaada ganacsiguba waa bilaa baalashlayaal e. Uguna madax-buuxiyay in ay dhawaan dhiishii fakhriga tuuri doonaan!

Sawirkaa bal suurayso!
Kaas uun ku ballaadhi aragtida ka danbaysa tahriibka iyo waxan lagu tilmaamo Kaadhka Cagaaran (Green Card) ee Maraykanku baxsho. Labada goorba adiga damacsan tegista ayaa isa sii qarash-garaynaya. Waaba haddii aad tahriibka ka badbaaddo dhimasho, Kaadhka Doogga ahina uu kuu soo baxo!

Shaqaale hawl yari lagu helay iyo addoomo bilaash ah ma waanay kula ahayn?

 

***

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail,com
aragtixora.wordpress.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories