HomeAddis Ababa: Shirkii Midowga Suxufiyiinta Africa oo La soo gebo-gabeeyey iyo qaar...

Addis Ababa: Shirkii Midowga Suxufiyiinta Africa oo La soo gebo-gabeeyey iyo qaar ka mid ah Madaxda Africa oo ka qayb-galay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Addis ababa(SLpost) Shirkii madaxda suxufiyiinta Afrika eek a socday Xarunta Qaramada Midoobay ee Afrika ee caasimadda Dalka Itoobiya yaa galabta soo gabagabaysmay kadib markii muddo sadex cisho ah dooda iyo warbixino ay is weydaarsadeen Madaxda Qaarada Afrika iyo Suxufiyiintu.

Kulanka galabta lagu soo gabagabeeyey shirkii saxaafadda Afrika wax aka soo qayb galay Raysal wasaare ku-xigeenka Dalka Itoobiya Demeke Makennon, Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Kenya William Ruto, Guddoomiyaha Midawga Afrika Dr: Zuma iyo Guddoomiyaha Baanka Horumarinta Afrika Donald Kaberuka.

Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Kenya William Ruto oo ka hadlay doodii ugu danbaysay ee lagu soo xidhayey shirka ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dalkaasi Uhuro Kenyatta oo ku qornaa Jadwalka shirka u cudur daaray Madaxweyne Uhuru, waxaanu si qoto dheer qudbadiaisa ugaga waramay Sooyaalkii Taariikheed ee Qaarada Afrika laga soo bilaabo Gumaysigii iyo Adoonsigii ay soo mareen dadyawga Afrikaanka ahi.

h2

William Ruto isagoo ka waramaya dhibaatooyinka Afrika haysta waxa uu xusay in aan marna la ilaawi Karin waxyaabaha dibu-dhaca ku keenay in ay ka mid ahaayeen Qabyaaladda, Musuq maasuqa, xasuuqa, Barakaca iyo is-caawin la’aanta hase yeeshee waxa uu sheegay muuqaal ahaan gumaysigii kadib Afrika maamuladeeda in ay ka sii muuqadan Raadadkii Gumaysigu , inkasta oo uu bar bar dhigay Afriki in ay kortay.

Mr Ruto oo ay wariyayaashu uga dheg taagayeen jawaabta Xukuumadda Kenya ka bixisay Xeer Baarlamaanka Dalkaasi dhawaan Ansixiyey ayaa sheegay Xukuumad ahaan in ay go’aansadeen in dib loogu celiyo Baarlamaanka hase yeeshee waxa uu tilmaamay in wadahadalo Saxaafadda iyo Guddi hoosaadka qaabilsan Shuruucda uu u socda wada xaajood wax lagaga qabanayo, isagoo sheegay saxaafadda in ay leeyihiin xidhiidh fiican isla markaana ay ka wada shaqeeyaan Danta guud sharciga Dalkooduna uu damaanad qaaday Xorriyada saxaafadda.

Dr Zuma Guddoomiyaha Midawgha Afrika oo ka hadashay kulanka lagu soo gunaanaday shirka Madaxda Saxaafadda Afrika ayaa si qotodheer uga warantay Horumarka Dalalka Afrika ku talaabsadeen, iyadoo xustay 60% dalalka Afriki inay daboolaan baahiyahooda, isla markaana ay dhinaca Aqoonta iyo waxbarashada sare hore uga mareen, hase yeeshee waxa ay Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Afrikaanka ah ku dhaliishay in aanay baahin Horumarkaas, iyadoo ku boorisay haddii aanay bulshadooda u hadal in aanay cid kale u hadlay.

Marwo Zuma waxa ay xustay sanad kasta shirka Midawga Afrika in ay Casuumaan Saxaafadda Afrika, hase yeeshee sida ay ku dooday waxa ay sheegtay in aanay ku baraarugsanayn ujeedooyinka loo baahan yahay in ay shirarkaas ka tabiyaan oo ah in ay bandhigaan Sooyaalka iyo Horumarka ay dalalkoodu ku talaabsadeen iyadoo ku canaanatay in loo baahan yahay doorkooda in ay qaataan.

Madaxweynaha Baanka Afrika Donald Kaberuka ayaa isna dhiniciisa ka dhaliilay Saxaafadda Afrika waxaanu xusay in ay ka gaabiyeen Taariikha Yurub halka ay aka taalo Qaaradda Afrika in aanay Taariikhda Afrika oolin Qaarada Yurub, waxaanu muujiyey in aanay isku kalsoonayn oo aanay is Iib-geynin isagoo u soo jeediyey in ay ka hortagaan khataraha han-taaqada ku keeni kara Qaaradda.

Raysal Wasaare ku-xigeenka Dalka Itoobiya Demeke Mekennon ayaa dhinaciisa uga soo jeediyey Dalalka Afrika in looga baahan yahay in ay taageeraan  warbaahinta Afrika Qaarada, waxaanu xusay Dal ahaan in ay Horumar balaadhan ka sameeyeen isagoo tilmaamay in ay dhiseen Hay’addaha Warbaahinta isla markaana ay kor u qaadeen Tiknoolajiyada ay ku shaqeeyaan.

h1

Demeke waxa uu aad u soo dhaweeyey marti-gelinta ay sanadkan u sameeyeen Suxufyiinta Afrika oo uu sheegay in ay tusaale fiican u tahay Horumarka Dalka Itoobiya gaadhay, isagoo u mahadnaqay Hay’adda AMI ee soo qaban qaabisay kulankan oo uu sheegay in uu ku soo beegmay sanad guuradii kontonaad ee Qaaradda Afriki Xorowday.

Raysala Wasaare ku-xigeen Demeke, Dr Zuma,  William Ruto iyo Donald Kaberuka waxa gabagabadii Suxufiyiinta ku weerartay su’aalo mid ba midka kale ka adkaa, kuwaasoo bedelay shucuurtii ka jirat Hoolka intii Madaxdu qudbadaha jeedinaysay taasoo labada dhinac galisay weerar iyo weerar celis, hase yeeshee u muuqday kuwo si qalbi furan ku dhamaaday.

Madaxda Saaxafadda Afrika mudadii ay ku sugnaayeen Dalka Itoobiya waxay siyaabo kala duwan kulamo ula yeesheen Madaxda Dalka Itoobiya oo ay ka codsadeen sii daynta Toddoba Wariye oo ku xidhan Dalka Itoobiya, hase yeeshee Raysal Wasaare ku-xigeenka oo su’aal arrintaas la xidhiidha kaga jawaabay Wariyayaasha hortooda ayaa cadeeyey in Kiiska Wariyayaashaasi sharciga la hor geyn doono isagoo ku af-gobaadsaday waxyaabaha Qaranimada dhaawacaya in ay Xukuumaddu masuul ka tahay sidii .

Somalilandpost.net

Addis Ababa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories