HomeADDIS ABABA: Shirkaddii Fulisay Dhismaha Terminalka Madaarka Berbera oo ka warbixisay Macaashka...

ADDIS ABABA: Shirkaddii Fulisay Dhismaha Terminalka Madaarka Berbera oo ka warbixisay Macaashka ay ka heshay, tirada lacagta ku baxday iyo Caqabadihii ay la kulantay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Shirkad laga leeyahay waddanka Itoobiya oo fulisay dhismaha Terminal Garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera oo ay tartan u gashay, ayaa ka warbixisay caqabado ay kala kulantay dhamaystirka mashruuca, wakhtiga ay ku qaadatay iyo xaddiga lacageed ee ay macaashtay Mashruucaas oo dawladda Kuwait ka caawisay Somaliland.

Shirkadda oo lagu magacaabo TACON waxa ay qandaraaska ku guulaystay sannadkii 2012-dii, kaddib markii ay ka guulaysatay shirkado ajaanib ah oo ay tartan wada-galeen, waxa ay sheegtay inay mashruuca dhismaha Terminal-ka oo ku fadhiya dhul cabbirkiisu yahay 3,200 Mitir laba-jibbaaran iyo Deyr dhererkiisu yahay 12KM oo lagu wareejiyey Madaarka ku qaadatay Adduun lacageed oo dhan 83 Milyan Bir una dhiganta inta ka badan 4 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda Habtamu Mengiste oo u warramay Wargeyska Addis Tribune oo aanu warkan ka soo xigannay.

DSC_0019Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo todobaadkii hore socdaal dhinaca hawada ah ku tagay magaalada Berbera, ayaa xadhigga ka jaray Dhismaha Terminalka cusub ee Madaarka Berbera oo maal-gelintiisa ay bixisay Dawladda Kuwait, waxaana munaasibadda daah-furka madaarka ka qayb-galay weftiyo ka kala socday waddamada Itoobiya, Yemen iyo Jabuuti. Wasiirka Duulista iyo Hawada ayaa munaasibadda ka sheegay inay dhismaha Madaarka oo caqabado tiro badan lagala kulmay ay fulisay shirkad laga leeyahay dalka Itoobiya oo Qandaraaska kaga guulaysatay shirkado kale oo Ajaanib, balse wasiirka ma sheegin shirkad kale oo ka qayb-qaadatay dhismaha madaarka.

Haseyeeshee, Guddoomiyaha Shirkadda ayaa waraysiga uu siiyey Wargeyska Addis Tribune ku sheegay in dhammaystirka Mashruuca oo qaatay muddo hal sanno ah ay wada-fuliyeen shirkaddooda TACON iyo shirkad laga leeyahay Somaliland oo magaceeda lagu sheegay Afro-sino Constructing & Invesment. Waxa uu masuulkani intaas ku daray inay mashruuca dhismaha Terminalka Madaarka Berbera oo ah kii ugu horreeyey ee meel ka baxsan dalka Itoobiya ka fuliyaan ay shirkad ahaan ka faa’ideen lacag dhan 3 Milyan Birr una dhiganta $147,500 (Boqol Afartan iyo todoba Kun iyo Shan Boqol)

Qandaraaska oo shirkadda la guddoonsiiyey sannadkii 2012-dii, dhammaystirkiisuna qaatay muddo hal sanno ah, waxa uu masuulkani ka hadlay caqabado sababay dib-u-dhacyo ku yimi hawsha dhismaha, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ku jiraan shaqaale aan u tabobarnayn isla markaana lahayn waayo-aragnimada fulinta mashruucooda oo aanay ka helin gudaha Somaliland, balse markii dambe ka keensadeen Itoobiya.

“Waa Mashruucii u horreeyey ee meesha aanu ka fulinnay ka baxsan tahay Itoobiya, waxaananu ka helnay waayo-aragnimo aanu kula macaamilno shirkadaha waddamada Kale. waxaanu ku samaynay dhammaaan adeegyadii uu u baahnaan lahaa madaarku, sida goobaha lagu baadho alaabta, goobaha ammaanka, qalabka isgaadhsiinta, qalabka lagu gudbiyo alaabta oo qaadi kara culays dhan 200kg, Taangiga biyaha iyo waddo laaami ah oo Gedida diyaaradda ka timaadda,”

“Caqabadihii ugu waaweynaa eenu kala kulannay dhismuhu waxay ahayd cimillada meesha oo aad u kulul bilaha June iyo September iyo sidoo kale dadkii aqoonta u lahaa oo aan joogin waddanka, taas oo nagu qasabtay inaanu dadka ka qaadanno halkan (Itoobiya),” ayuu Eng Habtamu u sheegay Wargeyska Addis Tribune. Isaga oo intaas ku daray, “Waxaanu shaqaynaynay xilliyada habeenkii cimillada awgeed.

Masuulkani waxa uu sheegay inay mashruuca kula tartameen Afar Sirkadood oo mid ka mid ah laga leeyahay dalka Itoobiya, Naqshaqadda Mashruucana ay dejiyeen labada shirkadood oo laga leeyahay waddamada Hindiya iyo Kuwait oo lagu kala magacaabo International Consultants Technocrats iyo Marco Construction

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories