HomeAddis Ababa: Shan Arrimood oo Muujinaya Meeqaamka Sare ee Hab-maamuuska lagu Qaabilay...

Addis Ababa: Shan Arrimood oo Muujinaya Meeqaamka Sare ee Hab-maamuuska lagu Qaabilay Madaxweyne Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey, ayaa fiidnimadii xalay ka degay gegida diyaaradaha  ee magaalada Addis Ababa, kaddib markii ay gelinkii dambe ee shalay diyaarad khaas ah ka raaceen garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport.

blankMadaxweynaha waxa si meeqaamkeedu sarreeyo oo hab-maamuus aanay dowladda Ethiopia hore ugu samaynin madaxweyne Somaliland ah ugu Soo dhaweeyey garoonka Masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda kuwaa soo uu ka mid yahay Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibeda ee Itoobiya Dr Aklilu Hailemecheal iyo madaxda safaaradda Somaliland ee Addis Ababa.

blankHaddaba, waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa Shan Arrimood oo muujinaysa hab-maamuus- madaxeedka ay Itoobiya siisay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ee shalay gaadhay magaalada Addis Ababa.

Shanta Arrimood ee aanu ku soo qaadanayno hab-maamuuska loo sameeyey madaxweynaha Somaliland oo aan hore u dhicin, ayaa la mid ah meeqaamka Caadiga ee madaxda caalamka la siiyo marka ay waddan kale booqdaan.

blank1- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa soo dhoweeyey Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo madaxda xafiiska Somaliland ee Addis Ababa.

2- Madaxweyne Muuse waxa la Socday Askari u Qaas ah oo lebbisan, taas oo ah nidaam caalami ah oo madaxda caalamka lagu yaqaano marka u baxaan safarrada dibadda, waxaana Afka Qalaad loogu yeedhaa Aide De Camp.

3- Madaxweyne Muuse Cabdi waxa xagga Dambe ee Kursiga uu fadhiyo ka muuqda Calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

4- Madaxweynaha waxaa lagu qaaday Baabuurka Hab-maamuuska madaxda marka ay booqdaan dalalka kale, iyadoo waliba uu gaadhiga sudhnaa calanka Somaliland oo ka babanayay.

5- Kolanyada gaadiidka Madaxweyanaha gelbinayey, waxa loo xidhay waddada laga soo bilaabo Madaarka diyaaradaha ilaa Hotel-ka lagu dejiyey.

Dhamaan qodobadaasi ayaa muujinaya maqaamka caadiga ee madaxda caalamka la siiyo marka ay dal kale booqdaan.

Meeqaamka lagu qaabilay Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa noqonaya kii ugu sarreeyey ee dowladda Ethiopia ku qaabisho madaxweyne Somaliland ah, iyadoo socdaalkani ku soo beegmayo xilli magaalada Addis Ababa uu ka socdo shir-sannadeedka Ururka Midowga Africa oo ay goob-joog ka yahay madaxda dalalka qaaradda Africa.

blankUjeeddada Safarka madaxweynaha, ayaa Madaxtooyadu ku sheegtay inuu la xidhiidho arrimo dibloomasiyadeed isla markaana uu kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda qaaradda Afrika ee ku sugan magaalada Addis Ababa.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo kale, ayaa sheegay inuu madaxweyne Biixi marti-qaad rasmi ah ka helay Raysal-wasaaraha Ethiopia, Dr Abiy Ahmed, balse Lama oga in socdaalkani wax xidhiidh ah la leeyahay dedaallo uu muddooyinkan ku hawlanaa Raysalwasaaraha Itoobiya, taas oo ku doonayo inuu sii amba-qaado wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo hakad ku yimi tan iyo intii uu xilka madaxweynaha Somalia qabsaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo caqabad ku noqday wada-hadallada labada dhinac.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories