HomeMudaharaad Laba Weji Leh Oo Maanta Gilgilay Addis Ababa Iyo Ciidanka Ammaanka...

Mudaharaad Laba Weji Leh Oo Maanta Gilgilay Addis Ababa Iyo Ciidanka Ammaanka Oo Dad Xidh-xidhay (DAAWO VIDEO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLP)- Kumanaan qof ayaa saaka isugu soo baxay wadooyinka magaalada Addis Ababa  ee caasimadda dalka Itoobiya, kuwaasoo banana-baxooda ku muujinayay sida ay uga xun yihiin dilkii ay kooxda ISIS u gaysatay muwaadiniin u dhashay dalkaas.

Banaan-baxan ayaa qayb ka ahaa go’aan ay baarlamaanka dalkaasi kasoo saareen in dadkaas la laayay loo sameeyo saddex maalmood oo baroor-diiq ah, kuwaasoo ka bilaabmayay maanta, isla markaana loo samaynayo dadka ay laayeen ISIS iyo saddex qof oo iyagana lagu dilay kacdoonnada isir-nacaybka ah ee ka socda dalka Koonfur Afrika.

Addis demonstrationMudaharaadkan oo ahaa mid ay dadweynuhu iskood isu soo abaabuleen ayaa waxa xoog ku kala kexeeyay booliska federaalka ee magaalada Addis Ababa, ka dib markii meelo ka mid ah uu rabshado isu bedelay, isla markaana ay kooxo u kala qaybsameen mudahaaradayaashu.

Qaar ka mid ah mudaharaadayaasha oo u badnaa kooxo dhalinyaro ah ayaa ku dhawaaqayay in waqtigeedii dhamaaday xukuumadda xisbiga EPRDF iyo meeday dawladdii. Iyadoo boolisku ay dadkaas u adeegsadeen gaasta dadka kaga ilmaysiisa

Waxaana iska horimaadkaa dadweynaha iyo booliska Addis Ababa ku dhaawacmay tiro dad ah, sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah kooxaha mucaaradnimada uga faa’iidaystay banana-baxaas.

Wararka laga helayo mudaharaadkaas labada weji lahaa ayaa sheegaya in saddex ka mid ah saraakiisha ammaanka, mid ka mid ah booliska magaalada iyo laba ka mid ah ciidanka federaalka in lagu qaaday gawaadhida adeega degdega ah ee Ambalaaska, ka dib markii ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen dadkii mudaharaadayayo.

Addis ProtestsUjeedada isu soo baxa saaka ee magaalada Addis Ababa ayaan si cad u qeexnayn, ka dib markii uu laba weji yeeshay, waxaana mudaharaadayaasha hadheeyay jaah-wareer iyadoo koox dhalinyaro ahi ay uga faa’iidaysteen qaab mucaaradnimo ah, isla markaana ay ku dhawaaqeen erayo ka dhan ah xukuumadda talada haysa, halka qaar kalena ay dareenkooda ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin muwaadiniintii ay ISIS ku laysay Libya iyo kuwa kale oo lagu dilay qaab isir-nacayb dalka Koonfur Afrika.

Goobta uu mudaharaadkaasi ku xooganaa oo lagu magacaabo Meskel Square ayay wararku sheegayaan inuu hadda degan yahay, laakiin warar kale oo laga helayo halkaas ayaa sheegaya in goobtaas lagu arkayo ciidamada booliska oo gaaf-wareegaya, halkaasoo u dhaw jaamacadda Addis Ababa University campus.

Sidoo kale barta xidhiidhka bulshada ee Facebook ay uu ku leeyahay xafiiska xidhiidhka dadweyanaha ee dawladda Addis Ababa ayaa qoraal lagu faafiyay ayaa lagu yidhi. “Mudaharaadkaasi wuxuu ku dhamaaday si nabad ah, isla markaana dad tiro yari doonayeen inay danahooda siyaasaddeed uga faa’iidaystaan, waxyaabo aan sidaa u sii waynayn, isla markaana ay u horseedaan muwaadiniintayada inay wax raqiis ah u dhintaan, balse bulshadu ka diiday talaabadaas.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Facebook ee xafiiska xidhiidhka ee Addis Ababa

Mudaharaadkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhawaan kooxda ISIS ay warbaahinta soo galiyeen iyagoo qaabab kala duwan u laynaya dad u dhashay Itoobiya oo Kiristaan ah, taasoo kicisay guud ahaan xaaladda dalkaas.

DAAWO VIDEO-GA

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories