HomeAddis Ababa: Garoonka Diyaaradaha oo Hakad la geliyey

Addis Ababa: Garoonka Diyaaradaha oo Hakad la geliyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankAddis Ababa (SLpost)- Waxa muddo kooban la hakiyey hawlaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ee Bole International Airport.

Dhammaan duulimaadyadii ku soo aaddanaa maanta ayaa lagu wargeliyey in ay u weecdaan garoomada kale ee u dhaw magaalada.

Diyaaradaha ku jiray duulimaadyada caalamiga ah ee ku degi lahaa ayaa loo weeciyey garoomada caasimadaha dalalka deriska la ah sida Djibouti iyo Khartoum, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay soo saartay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Sababta ayaa ah roobab mahiigaan ah oo ka da’ay habeennimadii Axaddii iyo ceeryaamo badan oo ku giblan magaalada, taasina ay keentay in dhammaan duulimaadyadii ku soo wajahnaa oo dhan la weeciyo oo madaarka Bole na la xidho.

“Taxaddar xilkasnimo ah awgii, waxa duulimaadyadii ku degi lahaa Addis Ababa loo weecinayaa madaarrada ugu dhaw, waxaanay u soo kici doonaan marka cilmiladu hagaagto,” ayaa lagu yidhi warka ay soo saartay Ethiopian Airlines oo dadka macaamiisheeda ah ka raalli-gelisay wixii dhibaato ah ee ka soo gaadha arintaas.

“Warbixin joogto ah ayaanu idinka siin doonaa kolba sida xaaladdu noqoto,” ayaa lagu yidhi.

Arintan ayay dadka qaar markii la shaaciyey ba u qaateen in wax kale dhaceen maadaama oo woqooyiga dalkaas dagaal u dhexeeya dawladda iyo ciidamada Tigray uu ka socdo.

Hase yeeshee waxa xaqiiqo ah in arrinta keliya ee sababtay in diyaaraduhu ka weecdaan Addis Ababa ay tahay cimilada xumaatay awgeed oo aan waxba laga arki karin masaafo dheer ceeryaanta iyo roobab xoog ah oo da’aya awgood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories