HomeAbwaan Yuusuf-Shaacir Oo Tix Baroor-diiq Ah Ka Tiriyey Geeridii Ku Timi Marxuum...

Abwaan Yuusuf-Shaacir Oo Tix Baroor-diiq Ah Ka Tiriyey Geeridii Ku Timi Marxuum Abwaan Macalin-Dhoodaan Oo Dhawaan Geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Abwaan-Yuusuf-ShaacirAbwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Yuusuf-Shaacir) oo ka mida Suugaanyahanada sida weyn looga tix-galiyo gayiga Somalida ayaa tiriyey Gabay cusub oo uu ugu baroor-diiqayo Abwaankii caanka ahaa ee C/laahi Macalin Axmed (Dhoodaan) oo 26/04/2013 ku geeriyooday magaalada Harar ee dalka Itoobiya.

Gabaygan baroor-diiqda ah ayuu Abwaan Yuusuf-Shaacir ku iftiiminayaa kaalintii qiimayha badnayd ee Marxuum Abwaan Dhoodaan kaga jiray dhaqanka iyo Fanka Somalida Iyo waliba foogaha la isweydiinayo cidda buuxin doonta ee uu banneeyey Abwaan Dhoodaan Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee. Waxaanu Ilaahay uga baryey inuu Qabriga u nuuro, Jannooyinkiisa sarena uu ku arsaaqo.

Waxaanu ku bilaabay sidan:

Aduunyada wax kaa dhididiyaa kama dhamaadaane
Dhismaheeda weeyaan inaad dhiila maqashaaye
Dharaaraba nin nool bay u tahay dhibiyo aa faade
Dhabaal keedu caawana si buu dhiif u leeyahay ye
Dhagidiiday weeyaan war kaa haatan soo dhacaye

Dhacantii la qaadaba huraw dhinac banaanaaye
Dadii gabayga dhoodaan ka baxay ama kadheeraaday
Dhawaaqii libaaxiyo hadaan dhidibadii waayay
Dhoomaha aqoontiyo markay dhaadashada joogto
Dhaydiyo karuurkii hadaan dhaax la shubanayni

Dhirtu magaca dhuuxaw kasiman kalase dhaadheere
Dhoobada ilaah baa kadhigay ruuxba dhalankiise
Wayeel la dhawriyo qaryaan dhiiran baa tagay ye
Dhaqankiyo hidihii aan jeclaa waa dhitinayaaye

Hal iidhiman halaan layba dhigin halal kaloo dhuuntay
Hal dhaawade halaan dheewadiyo halaan ku dhiiftoomay
Hal dhacsiga halaan dhaacan jiray dhaabadiyo xeerka
Dhama a iyo dhuyaalkiyo markaan dhuuga xidhanaayay
Dhulkaygiyo abwaankii yiqiin shayba dhaqankiisa
Ama dhacarta jiilaal wakhtiga dheegaw garanaayay
Dharaartuu lahaa iyo xaqaa dheelmad soo galay e
Ilaahay dhibaabaha qabriga hawga dhigo nuur

Dhulka aan ku foororo tashigan igu dhanaanaaday
Ama aan u dhawrsaday cabdiw dheeman baan tabaye
Dhan u ciiryay u dubkii dhigaha dhaaxaha hayn jiraye
Dhoomihii cuslaa iyo xilkii igu dharaarawye
Sidii galaw daruur dharagtay iyo dhibic kayaabaaya
Dhaawaca dabeetiyo ka baqay gawre dhaxameede

Dhaayaha ninkii laga ridaa dheehashada diiye
Dhoodaan tu saaluu ahaa dhaqan ku jeeraaye
Dhalinyaro tahriibtiyo haween doorshay dhalankooda
Dhadadiyo hu maaguu lahaa haw dhagtaagina e
Dhaxal lagu nagaadiyo af kuu dhaabadayn jiraye
Alaylehe cad ceedbaa dhacdiyo damalki dheeraa

Dhamacdiyo qiyaamaha ilaah dheegsan kugu beegye
Dabi dhaafna kuu raaciyo dhawris gooniyehe
Dhacadiid la jiifiyo qabrigu dhaadan kuu noqoye
Dhadhankii fardawsiyo janada dharag laguu siiye
Aduunyada waxdhaameyo ilaah kuu dhitee sharaf’e

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories