HomeAbwaan Suugaantiisa ku dhaliilay Hoggaaminta Madaxwayne Siilaanyo oo maanta Xabsiga loo taxaabay

Abwaan Suugaantiisa ku dhaliilay Hoggaaminta Madaxwayne Siilaanyo oo maanta Xabsiga loo taxaabay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, 14 April, 2012 (SLpost)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga Dhigay Mujaahid Haybe Faarax Nuur oo ah Abwaan Reer Somaliland ah oo ku dhaqan Magaalada Gabiley kana mid ahaa Mujaahidiintii Ururkii SNM ka dib markii uu suugaantiisa ku dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo.

Mujaahid Haybe waxa uu madaxweynaha Dhaliishiisa u mariyey mid ka mid ah wargeysyada caasimadda ka soo baxa isaga oo Madaxwayne Siilaanyo ku Dhaliilay Hogaamintiisa Siyaasiga ah tan iyo wakhtigii uu ahaa Gudoomiyaha ururka SNM oo uu Sheegay inuu ku Dhaqmi jiray Cadaalad Darro, Eex iyo Qabiilaysi.

Goobjooge ku Dhawaa goobta lagu Qabtay Abwaanka ayaa Sheegay in Ciidan Tiro badan la dulgeeyay Abwaanka islmarkaana Gaadhi Qufulan lagu soo qaaday haddana uu ku Xidhanyahay Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Gabiley.

Ma jiro Waaran Qabasho ah oo Abwaanka loo keenay Balse Ciidanku Waxa uu Xoog ku soo qabtay Abwaan Haybe Faarax Nuur oo aan la Garanayn Ujeedada ka Danbaysa Xadhigiisa,balse lala xidhiidhinayo Qabashadiisa dhaliilo uu madaxweynaha warbaahinta u mariyey kaas  oo ku sheegay Dhawr Gabay oo ku Dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo

Abwaan Haybe Faarax Nuur waxa uu tiriyay Maansooyin badan oo Ku Dhaliilayo Hogaaminta Axmed Siilaanyo kuwaas oo ku Sheegayo in aanu ahayn Madaxwayne Cadaaliya Waxaa ka mid ah Maansooyinka Abwaanku Tiriyay Ereyadan:

Ninka Dawlad meeraran,

Daadihi la yidhoow,

Dayacdoo xilkaagii,

Hawshii laguu diray

dusheedaad ku gama’adoo,

Daa,uus sidaad tahay

Waad isdaawanaysee,

Dadkii kugu khasaaryoo,

Dabadhoonka maqashiyo,

Ma Xirsaa ku Daafici,

Mise waad iskaga degi doqoniimo qaadee

Abwaankan ayaa ka mid noqonaya qofkii labaad ee loo Xidho Dhaliisha Madaxwayne Siilaanyo isaga oo hore Xabsiga ugu jiray Boqor Cismaan Buur madow.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories