HomeAbwaan Gaarriye; Allow, waa maxay Wadne joogsaday, Allow, waa maxay maskax hawl...

Abwaan Gaarriye; Allow, waa maxay Wadne joogsaday, Allow, waa maxay maskax hawl gabtay! -By Adam Muse Jibril

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...
blank
Aadan Muse Jibriil

Geerida Abwaan Gaarriye, waa mid naxdin iyo xanuun badan, waase mid lama huraan ahayd madama geeridu tahay xaq iyo masiir joogto ah. Geerida haleyey wayn iyo hormood caan ahi waxy dib kuu xasuusiaa sawirka guud ee dhabbaha aadamuhu soo maray, horumarkiisii iyo dhibta laga soo mutay, iyo isla markaass, sawirka gaar ahaneed ee dadka qaarkood oo ka soo qaatay kaalin wax-ku-ool ah sidii loo higsan lahaa himilada mustaqbalka. Waxaan si weyn u xasuustay Gabaygii baroordiiqda ahaa ee Cali Jamac Haabiil u tirieye Xirsi, markii uu lahaa; ”Geeridii Xisray sheegayeen gacal ha waayeene, lix hal oo u wada gaar ahaa gocanaye mooye”!.Haddaba, qof kasta waxa u gaara waxaa soo habeeyey soona dhamaystiray waayaha guud ee dunidu markaas maraysay, tan dalkiisa, tan guriga qoyska, tan dugsiga, iyo saaxiibadiisa iwm.

geedi-socodka adduun-aragga qof kasta waa mid socta oo aan joogsi lahayn inta uu noolyahay, taassoo marba heer ka gudubtaa (evolutionary process of Human Cognition), waxayna u gudubtaa heer ka sarreeya kuwii hore. Abwaan Gaarriye korritaanka adduun-aragiisu waxuu soo maray heerar kala duwan, waxaana macallin u ahaa waayaha dadkiisa, kan gobalka Geeska Africa iyo kan adduun waynaha, oo isku darkoodu keenay dhamaystirka dhaayihiisa guud, iyo bisaylkiisa aqooneed oo qaangaadhey (intellectual adulthood and maturity). Sidaas darteed, Abwaan Gaariye ma ahayn qof keliya ee wuxuu ahaa adduun iska dhan oo sidiisa u taagan, iyo badweyn aan xeeb laga geyoon karo lahayn qot-dheerida adduun-argiisa.

Haddaba, duruufaha saamaynta tooska ah ku lahaa koritaankiisa feker ahaaneed ee dunida ka jirey waqtigii uu noola waxay ahaayeen kuwa ka qaybqaatay hal-abuurkiisa, kuna sargooyey heerka nuxur ahaan lagu tilaami karo aqoonyahan. Abwaan Gaarriye, ma ahayn suugaan yahan keliya ee wuxuu sidoo kale ahaa faylasuuf iyo siyaasi aan damac lahayn.  Sidaas darteed baan waxaan rabaa in aan wax ka idhaahdo duruufahaas guud iyo kuwa gaar ahaaneed ee ka soo qayb qaatay koritaankiisa aqoon ahaaneed, aniga oo ka hadlayaa dhinaca   mawaaqiftiisa uu dunida ka lahaa dhinacyada siyaasadda iyo falsafada. Abwaaan Gaariye waxuu soo maray saddex heer adduun-arag oo midkastaaba leeyahay waayihiisa gaarka ah, kuwaas oo ahaa:

1. Dhalashadiisii, kobcisiikii, barbaarintiisii, iyo Gaashaan qaadkiisiiba waxay la kulmeen waqti Africa uu ka jiro isbeddelkii ugu weynaa intii ka dambaysay Ganacsigii Adoonsiga, iyo qabsashadii gumaysigii reer Europe (Scramble of Africa) ee lagu go’aamiyey shirkii Berlin ee 1884ti. Taasi oo aakhirkii keentay kacaanwaynhii Gobanimo doonka Africa kaga gilgilatey godobtii iyo gaboodfalkii soo jireenka ahaa ee reer galbeedka. Kaas oo bilaambay kontonaadkii qarnigii hore. Markaas oo Abwaan gaarriye uu dhashay. Qof kasta oo Africaan ah oo markaas noolaana waxaa taabatay dhinbiilihii ka soo burqanayey oogtii la shiday ee kacaanweynihii Gobanimo doonka, oo dabcan, ay ka mid ahaayeen walidkii dhalay Abwaanka, oo isagana sida aynu garan karro abuurkiisa ferkradeed ka mid noqday.

2-kacaanka gobanimo doonka Africa waxuu mudhahiisii ugu horreeyey dhaliyey 1960kii, markaas oo 17 dal ay qaateen gobanimadoodii. Waqtigaas oo Abwaan Gaarri la kawsadii indhahana ku kala qaaday iftiinkii ka soo baxay rajadii xorriyada, oo xagga qoyska, dugsiga iyo saaxiibadiisa dhexdoodaba ka ahaa warka iyo sheegadii qarniga labaatanaad ee Africa. Welise asagu aanu Gaashaan-qaad noqon. Waqtigaas oo ahaa waqtiigii ugu faraxadda iyo damaashaadka badnaa, guud ahaan Africa, gaar ahaana geyiga Somalidu degto. Markii dambena farxaddii iyo rayrayntii isu beddeshay cadhadii iyo tiiraanyadii ugu qoto iyo naxliga dheerayd, markii isqabadkii iyo khilaafkii markii hore ka dhexeeyey Gumaysiga iyo Africaanka uu isu beddelay mid ka dhexeeya dadweynihii Africa iyo madaxdii xukunka qabatay. Niyadjabkiiku dhacay dadweynaha Africa ayaa goortaa curiyey hordhacii fekerka dimoqoraadi doonka, oo laga koray buugagii iftiimiyey, kuwaas oo dadii Gaarriye wada Akhriyen.

3-Markii la soo gaadhay lixdanaadkii iyo toddobaatanaadkii qarnigii hore, ayaa taariikhda gobanimo doonka Africa galay marxalad cusub, kolkaas oo kacaankii gobanimo doonka Africa isu beddelay kacaan dimoqoraadi doona. Markaas oo gobanimadii la gaadhey noqotay mid aan waxba ka beddelin xaaladihii dhaqaale, gar-soorkii, keentayna ku xad-gudub xoqooqda dadweynaha. Markaas oo keligi-taliyayaal ay la wareegeen taladii dalalka Africa.  Siyaad barre, IIdi Amiin, Bokaasa iwm, oo ka mid ahaa askartii gumaysiga la soo shaqaysay. Kuwaas oo ku botoriyey bulshadii Africa. Abwaan gaarriye, markaas ayuu Gaashaan Qaaday. Waxayse su’aashu tahay waa maxay Gaashaanka uu qaaday? Gaarriye gaashaankiisu ma ahayn mid birr ka samaysan ee waxuu ahaa mid ferkradeed oo ka culus kana awood badan bundukha. Waxuu ahaa mid ferkradeed, siyaasadeed, iyo mid falsafadeed, oo ka turjumaya xaaladaha cusub ee soo kordhay, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa; mar haddi kacaanka dadweynaha aanay fekeradi hogaaminnayn in aan guul dhaba la gaadhi karin.

Haddaba, saddexdan markaladood ayaa Gaariye ka soo qayb qaatay abwaanimadiisa iyo shakhsiyadiisa dulmi-diidnimo, oo ay suugaantiisa iyo hal-abuurkiisba ku biyo shubaan. Haddaan mar labaad ku celiyo, Gaariye ma ahayn suugaan yahayn keliya ee waxuu ahaa faylasuuf iyo xigmad-dhaadhi waqtigiisa la jaanqaada, baahida dadkiisana ka turjumaya oo markasta uga hadala si aan lexleexad iyo waan-waan toona lahayn, laakiinse ku maareeya sarbeeb iyo duur-xul. Haddii aan mid ku saabsan sida uu arkayey aayo-xumada siyaasadaynta qabyaalada, aan idin xasuusiyo waxaa uu ka yidhi, Markii lagu jirey halgankii hubaysana, mar uu ka qabay in u xaglinta reernimadu ay Jabhaddii SNM ku riixdo xagjirnimo xagga qabyaaladda ah, markaasaa wuxu hal-hays u lahaa (isaga oo madaxda gaara ula jeedey) ‘waar ha la-kala saaro Isaaq iyo Isaaqiisamka’. Garo oo waxa uu ka hadlayey ma ahayn Issaqiism keliya ee wuxuu sidoo kale ka hadaley Daroodism, Hawism IWM. Waxaa uu ka hadlayey waa waxa maanta hor taagan madaxweynaha cusub ee Somalia iyo Raiisalwasaarihiisa oo looga fadhiyo in ay isku dayaan ka gacan sarraynta labada cudur, siyaasadaynta Qabiilka iyo Diinta.

Gaariye, Somalilinimada, Dimoqoraadiyada iyo Qaddiyada Somaliland. La soco……..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories