HomeNatiijada Kulan Dhexmaray Wasiirro ka socda Somaliland iyo Wasiirro ka tirsan Dawladda...

Natiijada Kulan Dhexmaray Wasiirro ka socda Somaliland iyo Wasiirro ka tirsan Dawladda Imaaraadka (Sawirro + Video)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Abu Dhabi (SLpost)- Weftigii Xukuumadda ee uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Abu Dhabi Kulamo kula qaatay Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Dawladda Imaaraadka Carabta oo ay Safar ku joogaan.

Kulanka wasiirradaWeftiga oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo isagu hore ugu sugnaa iyo Maareeyaha dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa la kulmay Wasiirul-dawlaha wasaaradda Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Mohamed Gargash iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda u qaabilsan dhinaca arrimaha Ammaanka iyo ciidamada Faris Al-Mazroui.

kulankaKulankan ayaa masuuliyiinta labada Dhinac kaga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan Horumarinta iyo casriyaynta Dekadda magaalada Berbera.

Waxa kale, oo ay masuuliyiinta labada dawladood kulamadoodaasi ku faaqideen sidii Ganacsatadda wadanka Imaaraadku ay ugu soo dhiiran lahaayeen sidii ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland gaar ahaan casriyaynta iyo balaadhinta dekedda Berbera.

kulanka wasiirrada_ImaaraadkaWasiirka Arrimaha Debedda iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa shalay gaadhay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ka dib markii ay Dalka Jabuuti kaga qayb-galeen Jinaasaddii Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Jabuuti oo todobaadkan ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, Halka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland uu todobaadkan bilowgiisii uu Safar ugu kicitimay dalka Imaaraadka oo uu kaga qayb-galay Shir lagaga hadlay baahida Mustaqbalka loo qabo suuqyo cusub oo laga helo Tamarta ay isticmaalaan wershadaha iyo Gaadiidka Adduunka. Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Xoor-xoor, ayaa gaar ku ahaa socdaalka uu ku tagay dalka Imaaraadka oo Xubnaha Weftiga xukuumaddu ay dalkaasi kala xaajoonayaan horumarin iyo Casriyeyn lagu sameeyo Dekedda magaalada Berbera.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KULANKA MASUULIYIINTA LABADA DAL

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories