HomeABSHIR DHAHA

ABSHIR DHAHA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa ay  soomaalidu isla qirsan yihiin cidhib xumada ay  qabyaaladdu  leedahay iyo raadkeeda ba’an ee ay dad nimada iyo damiirka nool  ku reebto. waxa sidoo kale la isla qirsan yahay in ay qabyaaladda iyo aaminsanaanta qabiilkaba   ay diinteenna suubbani  meel fog iska taagtay.Soomaalida  waqti ka hor iyo guud ahaan jiritaankeeda inta la ogyahay  illaa dawladnimo, qabyaaladdu way lasoo reergashay, dawlad dhalatay oo soomaali u soo baxdana kolkii qabyaalad lagu anqariyey,  ayaa isla natiijadii midnimanaduna waxa ay inoo soo gaaxatay  dambar qabyaaladeed.

Dawladnimo wixii inoo xigayna waxa uu ahaa bur bur, gumaad, iyo gaydhan dirireed oo haqley  badani ku le’deen. Intaa ka sakow waa tii loo hangagaaray dalal shisheeye oo qalaad.

Soomaalidii kolkaa qurbaha tagtay kumay cibro qaadan horumarka ballaadhan ee ay sameeyeen  dawladaha ay qaxoontiga ka ahaayeen. balse intay uubab9  hoose   kolayo qaad ah dhigteen ayey halkoodii ka miiseen falanqayntii reer hebel.

Rif rifkii  dalka kusoo hadhay ee iyagu ka samatabaxay colaadihii sokeeye kamay fikirin kumanay fikirin in ay iyagu is  taakuleeyaan, is  garab galaan oo ay dhibtii xilka lahayd ee ay soo mareen duruus ka bartaan.  sida darteed waxa Iyana halkaa inooga cad, in aanay ummadina horumar gaadhi Karin iyada oo aanay  noloshii aasaasiga ahayd ee dawladnimo  weli  dhidibbadii loogu talo galay u aasmin.

Isku soo wada duuboo  tixdu waxa ay  tibaaxaysaa  in ay qabyaaladdu tahay  ta ina dhaxalsiisay  meel kasta oo aynu tagno in aynu iyada uun falanqaynno, iyadu uun   ku foogganaanno, qayrkeen iyo adduunka kalena kaga mashquulno. Gabayguna waxa uu soo baxay taariikhdu markii ay ahayd  12/09/2013   wuxuuna yidhi:

Aar joog nin joogiyo halkiyo udubaddii faayo

Albaabada togdheer iyo berbera awdal iyo faafan

Awaariyo higlada loo dhixiyo rabaso oosheeda

Ugunji, ilinkii shawiyo agabar hoosteeda

Afka laasadaar iyo saraar, idhanka buuhoodle

Oogaha sanaag iyo taleex abablihii buurta

Belli gubadle ooggiisa bidix aradki gaaroodi

Baydhaba agteediyo jubbiyo oollimada xeebta

Irdiheeda muuqdiyo intaan eraygu saameelin

Ingiriis haddaad joogtid iyo aradka noorwiijka

Arrinkiinu soomaaliyeey waa ab iyo beele

Adhaxdana qabiil baydin jaray labada oofoode

Is inkiridu waa waxa indhaa awday oo xidhaye

Wixii idinku aynfadayee idin alhuumeeyey

Idinkoo arkaayaad hadana orod ku dhaaftaane

Abley  iyo colaad baa ku maran unugyadiinaase

Afka kama idlaysaan xantiyo eray xunkeediiye

Idinkoo islaam sheegtay baad kala ordaysaane

Ableey looma qaateen dhallaan lama ableeyeene

Unuun  lama jareen maalin qudha kuman arwaaxoode

Agoomuhu ma jiifeen derbiga  loo abaal dhacaye

Aradkuna ma kala qaybsameen abih  daraadiiye

Awawyaal makala sheeganeen aasan oo go’aye

Aynigeen kamaynaan hadhneen wahe adduukiiye

Awaaraha  ma jiifneen dadkoo oogsadoo kacaye

Aramidu ma jiifteen qalbigan ooyey ficilkiiye

Ilaahay haddaad garanaysaan  hayna oodina’e

Uub waa qabyaalade hadday idin alhuumayso

Anafiyo  colaad bay shiddaa laysku aynabo’e

Uurkutaalladeedaa nafluhu kala irdhoobaaye

Inta naar afuufiyo xunkay ehel wadaagaane

Eelbay  ku reebtaa qalbiga udufyo naareede

Istiqfaarta badiyoo nimcada eebbe ku xasuusta

Amniguna danteennuu yahee aaminimo sheegta

Adduuyaduna waa guuraysaa aayadaha qeexa

Ehelkii rasuulkaynu nahay qawmki aaminaye

Abshir dhaha intii raacdayeey waad aflaxaysaane

W/T: Rashiid Khadar Jaamac “Halac”

Email :h-halac@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories