HomeAbiy Axmed oo Shacabka ugu baaqay inay Naftooda Huraan iyo Wararkii u...

Abiy Axmed oo Shacabka ugu baaqay inay Naftooda Huraan iyo Wararkii u dambeeyey Dagaalka Itoobiya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Addis Ababa (SLpost) Raysal-wasaare Abiy Axmed, ayaa Shacabka Ethiopia u sheegay inay u di0yaar-garoobaan dagaal naf-hur ah si dalkooda uga badbaadiyaan xoogagga mucaaradka, xilli ay dowladda Maraykanku muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka baxaan dalkaas.

Dagaalka muddada sannadka ah qaatay ee u dhexeeya Milatariga Federaalka Ethiopia iyo maleeshiyaadka Tigrayga oo ku hanjabaya inay weerarayaan caasimadda Addis Ababa, ayaa sii xoogaystay maalmihii u dambeeyey.

blank“Waa in nafta la huraa, laakiin naf-hurkaasi wuxuu badbaadin doonaa Itoobiya. Waynu soo marnay tijaabooyin iyo Caqabadaha, waxaanay innaga dhigeen kuwo awood badan,” Sidaa waxa bartiisa Twitter Sabta maanta ku baahiyey Raysal-wasaare Abiy Axmed, waxaanu intaas ku daray, “Waynu ka saaxiibbo iyo xulafo badannahay kuwa innaga soo horjeestay.”

Hadalka Abiy Axmed ayaa ku soo beegmay maalin kaddib markii ay Isbahaysiga ku dhawaaqeen siddeed Kooxood oo isugu jira kuwo siyaasadeed iyo Jabhado Kooxda TPLF ugu awood badan tahay, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay inay talada dalka xoog kaga tuuraan Abiy Axmed ama ay oggolaysiiyaan inuu Miiska wada-hadallada soo fadhiisto.

Xukuumadda raysal-wasaare Abiy ayaa ku gacan-saydhay isbahaysiga shalay lagu dhawaaqay oo ay ku tilmaantay mid ay taageero iyo magac ku raadinayaan, waxaanay xustay in qaar badan oo ka mid ah kooxaha xubnaha ka ah isbahaysigu aanay haysan wax taageero ah.

“Haddii aynu nahay shacabka Ethiopia, Sharaf bay inoo tahay inaynu u dhimanno difaacista qaranimadeenna iyo midnimadeenna. Muwaadinimo ma jirto, haddii aanay naf-hurid jirin,” waxa sidaas barta Twitter ku baahisay Wasaaradda warfaafinta ee Ethiopia.

Dhinaca kale, safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa Sabtida maanta ku amartay inay dalkaas ka baxaan dibloomasiyiinta aan shaqooyinka muhiim ah haynin, waxaanu dhawaaqani ku soo beegmay maalin kaddib markii ay ku amartay dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ah inay dhakhso uga baxaan dalka Ethiopia.

Dhawaaqa dowladda Maraykanka ayaa yimi kaddib markii ergayga Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman oo toddobaadkan socdaal ku yimi Addis Ababa uu ku guul-darraystay wada-hadalo dhex-dhexaadin ah oo xambaarsan xabbad-joojin iyo wada-xaajood.

Sida ay baahisay warbaahita Al-Jazeera oo soo xiganaysa ilo-wareedyo dibloomaasiyeed, ergayga Maraykanka iyo dowladda Ethiopia ayaa ku kala kacay wada-xaajood dhex-dhexaadin ah oo ku saabsan nidaamka loo marayo xabbad-joojinta oo aanay isfaham ka gaadhin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories