HomeABAARAHA HA TAAGEERIN!

ABAARAHA HA TAAGEERIN!

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...


“Markuu cawlku cawlaha orgayn, waa ad cibaaroone,
Cishaday ku uuraysatiyo, caadaduu garane,
Cashaday calool gelahayaan, cannugga beertiisu,
Curcurradiyo lawyada intuu ku cuskaduu saaro,
Cirrid iyo cagaar miday ku dhalan, caadka kor u eegye,
Hadba cirirka loo nuuriyuu, ku cibro-qaataa!”  Abwaan Cali Dhuux
Abaarta inta badan galbeedka dalka ka dhacday hawsheedii weli waa lagu jiraa, Roobka bilowgiisiina Eebbe mahadi ha ka gaadhee lagu qabowsay. Laakiin, waa soo noqnoqotaa kal soo bax iyo toban guuro mid ay ahaataba. Sida aynnu waayaha iyo cimilada dhulkeenna uga soo joognay, aan soo qaato qaar ka mid ah abaarihii ugu darnaa ee toban guurada u dhici jiray iyo magacyadooda:
1. Xaaraame cune  1914
2. Hawaara  1924
3. Adhi-gaba  1934
4. Jiitama  1944
5. Siiga-case  1954
6. Gaadhi gaadhi saar  1964
7. Daba dheer  1974
8. Dhibijaale  1984
9. Soor iyo biyo waa  1994
Waxaan ka xigtay deraasad ay diyaariyeen Ingrid Hartmann, Axmed Jaamac Sugulle iyo Axmed Ibraahin Cawaale oo ay ku saxeexan tahay Candlelight. Kuwani waa kuwii ugu darraa ee sannad walba, mar mar iyo dhif mooyaane waa biyo dhaamis iyo oodo lulul. Sidaas darteed, cawlka Cali Dhuux sheegay kama duwanine, waa in loo noqdo deegaan-jirayaasha hawshan ku soo jiray oo bal ugu yaraan la weydiiyo aqoon-baadhisaha laga sameeyay iyo soo jeedimaha ka dhashay ee la xidhiidha siyaasadaha iyo tabaha loola tacaali karo raadaynta doorsoonka cimilada; haddii aan lagu kaaftoominna hadda ba la bilaabo cilmi-baadhis.
Sidoo kale, malaha waa ay habboon tahay in Guddigii abaaruhu sii shaqayso oo intii mar walba la yaacyaaci lahaa ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo deegaanka ka caawiyaan sidii loo xoojin lahaa ka faaiidaysiga roobabka bilowga ah iyo daryeelka ciidda iyo biyaha iyo sidii loo miisaami lahaa ceshiimooyinka gaarka ah ee aan shakhsiga loogu tagine uu intuu doono iska ootay iyo seerayaasha danta guud ah ee raacatadii loo kaydin lahaa buuqa iyo shakiga laga galiyay.
Qof qof iyo iyo koox koox ahaan ba waa aynu uga hor tagi karnaa abaaraha. Sidoo kale na waa aynnu u dhiirrigalin karnaa in laga hor tago, laga adkaado, oo laga samaysto gaashaan bir ah iyo in aynnu halkii hore uun joogno labadaba. Tusaale ahaan, haddii aad diiddo in agtaada lagu naqdiyo dedaal kasta oo lagaga hor jeedo abaar soo noqota oo kayd laaan innagu haleesha mar kale iyo seero laaan oo aad ka dhiidhido waxaad door fiican ka qaadatay in wax laga qabto abaaraha.
Laakiin, haddii aad dhagaysato oo weliba soo dhaweyso dagaallada ka dhanka ah wax qabadka, waad taageertay abaarihii inay soo noqdaan. Marka ay sidaas tahay, malaha waxaa roon haddii aanad halkaa wax kaga qabanayn  ugu yaraan in aanad dhagaysane ka huleesho meesha nacu ka socdo. Haa, waxba qof dan lihi yuu reero iyo qabiil kuu soo marin aanu waxba u taraynin marka ay dhaharato. Haddii kale, waxaa la inoogu heesi doonaa.
“Haddii aanad xisaabtami karayn waa xujiyo yaab!
Haddii aad xusuus daran tihiin waa xujiyo yaab!
MUSTAFE SH. CUMAR GEEDI

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories